Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Waraysi: Danjiraha Soomaaliya ee Yemen oo ka warbixiyay xaaladaha qaxootiga Soomaaliyeed

Radio Ergo by Radio Ergo
February 22, 2019
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Waraysi: Danjiraha Soomaaliya ee Yemen oo ka warbixiyay xaaladaha qaxootiga Soomaaliyeed

Mohamed Mohamud Koronto, Radio Ergo Reporter in Yemen (Left) having interview with Somali ambassador, Mohamed Mohamud Muse (right) on the situation of Somali refugees. photo: Coutersy.

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Dagaalkii sokeeye ee ka dhacay Yemen sannadkii 2015-kii ayaa sababay inaay markale dib ugasoo qaxaan qiyaastii 250,000 oo Soomaali ah kuwaas oo horay ka soo cararey dagaalkii sokeeyo 1990-kii waxaana ay Yemen ka dhigteen gurigoodii labaad. 

Safaaradda Soomaaliya ee hadda ku taala Magaalada Cadan caasimadda kumeel gaarka ah Ee Yemen ayaa la shaqeyneysa Hay’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay (UNHCR) si ay uga jawaabto dhibaatada haysata qaxootiga Soomaaliyeed ee hadda ku xayiran waddanka dagaalada kajiraan ee yemen. 

Wariyaha Ergo ee Yaman, Maxamed Muxumed Muuse Koronto, ayaa waraystay  Cabdulahi Xaashi Shuuriye, safiirka Soomaaliya u jooga Yemen tan iyo 2016 kii waraysigaas oo ku saabsan xaaladda qaxootiga Soomaaliyeed ee Yaman kunool. 

Wakhtiga wareysiga uu lalayeelanayay safiirku wuxuu booqanayay xerada qaxootiga Al-Kharaz, oo hoy u ah kumanaan qaxooti Soomaali ah.

Wariyaha : Maxay ahayd ujeeddada socdaalkaaga ee xeradan? 

Danjiraha: Ujeedadaydu waxay ahayd in aan sameeyo qiimeyn iyo in aan la kulmo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool xeradan AlKharaz, si aan u fahma xaaladdooda. Waxaan sidoo kale doonayaa in aan helo macluumaadka  ku saabsan xaaladda nololeed ee dadka Soomaaliyeed  ee halkaan kunool.

Wariyaha: Waa imisaa tirada guud ee qaxootiga Soomaaliyeed ee hadda ku nool wadankan? 

Danjiraha: Waxaan qiyaasaynaa inta u dhaxaysa 120,000 iyo 150,000 oo qaxooti ah. Dadka intooda badani waxay ku nool yihiin woqooyiga dalka, inta kalena waxay ku nool yihiin magaalooyin kale. 

Wariyaha: Waa Sidee xaaladda qaxootiga Soomaaliyeed ee aad halkan kula kulantay?

Danjiraha: Xaaladda Yaman guud ahaan ma fiicna maadaama ay jiraan dagaalo weli ka socda dalkaan , Waxaad qiyaasi kartaa waxa ay tahay ajnabigu inuu noqon karo marka uu ku sugan yahay waddan uu dagaal kajiro, Si kastaba ha noqotee, xaaladda dadkan ma ahan mid xun sida aan u maleeyay may noqon inkasta oo ay jiraan caqabado u baahan in wax laga qabto. 

Wariyaha : Sidee ayay qaxootiga Soomaaliyeed u saameeyeen dagaalada? 

Danjiraha: Dagaalku wali waa socdaa , waxaana ku dhaawacmeen qaxooti Soomaaliyeed  Tan iyo bilowgii dagaalka, tirada dhimashada ee muwaadiniinta Soomaaliyeed waa 400 oo qof kuwa kalena way ku dhaawacmeen. 

Wariyaha: Makala hadashay xukuumadda (Yamaan) iyo kooxda kale ee ka soo horjeeda Arrinta ku saabsan Soomaalida ku dhimatay dagaalka?

Danjiraha: Waxaanu ururinay xogo badan,  Dowladda Yemen Arrimahaan waan kala hadalnay  Waxaan kasugeynaa jawaab. 

Wariyaha: Adinku ka Safaarad ahaan maxaad uqabateen Qaxootiga Soomaaliyeed? 

Danjiraha: Waxaan bixinnay taageerooyin kala duwan oo ay ka mid yihiin rakibidda nalalka ku shaqeeyo tamarta Cadceeda, Waxaa jiray nabadgelyo xumo ka jirta Basaatiin oo Magaalada cadan ka tirsan, halkaas oo Soomaali badani ku nool yihiin, Kooxo hubaysan ayaa weerari jiray aagga Basaatiin  waxayna waxyeeleeyaan qaxootiga Si arrintan wax looga qabto, waxaan caawimaad kahelnay NGO-ga, ADRA, kaas oo naga caawiyey inaan helno 200 oo solar-ka tamarta cadceeda ku shaqeeya si aaggan unoqdo iftiin,  tani waxay door weyn ka qaadatay sugitaanka amaanka ee aagga qaxootiga kunool yihiin.

Waxaan sidoo kale la kulannay UNHCR waxan weydiisanay in ay ceelal uqodaan dadkaas. UNHCR waxay ballan-qaadday in ay qodayso saddex ceel.

Wariyaha: Maxaad nooga sheegi kartaa habka dib u celinta iyo sidaay ushaqeyneysa? 

Danjiraha: Hannaanka dib ucelinta qaxootiga ma joogsan markii hore, dadku waxaa la diiwaan galin jiray iyadoo aan lasiineyn wax  lacag ah sidaas ayaana lagu qaadi jiray , laakiin ka dib markii aan lakulmay UN-ku waxaan isku raacnan in aay bixiyaan $250 oo uu ku soo laabta qofka iyo $ 200 oo dheeraad ah oo lasiinayo markii ay yimaadaan Soomaaliya. 

Wariyaha: Imisa qof ayaa dib loogu celiyay Soomaaliya ilaa iyo haatan? 

Danjiraha: Waxaan dib ugu soo celinay Soomaaliya 3,500 qof sanadkii hore iyo ilaa hada walina waa wadnaa howsha dib u celinta qaxootiga.

Previous Post

1 milyan oo xoolo ah oo cudurro laga tallaaley bartamaha Soomaaliya

Next Post

IDAACADDA MAANTA, JIMCO 22-FEB-2019

Related Posts

Dhadhabaab: Haweenay qaxooti ah oo fursad shaqo ka caawisay 120 qof oo haween u badan
Cunto-Yaraanta

Haweenka Hargeysa oo ka cabanaya is-hortaag lagu sameeyay shaqadooda gawraca xoolaha

November 17, 2026
Carruurta la nool cudurka Autism-ka oo fursad waxbarasho ku helay Jigjiga
Wararkii u Danbeeyay

Carruurta la nool cudurka Autism-ka oo fursad waxbarasho ku helay Jigjiga

November 13, 2026
Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Colaad nolol xumo iyo barakac joogto ah galisay qoysas ku nool Hiiraan

November 12, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qaxootiga Dhadhaab oo cunno xumo iyo dayac hoy la’aan wajahaya xilli roobab ay da’ayaan

November 11, 2026
Carruur danyar iyo barakac iskugu jira oo waxabarsho bilaash ah ku helay Jariiban
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Carruur danyar iyo barakac iskugu jira oo waxabarsho bilaash ah ku helay Jariiban

November 10, 2026
Hoy la’aanta haysata barakacayaasha Baydhabo xilli roobkii gu’ga la guda galay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas fatahaad ay saamaysay oo Janaale ku haysato xaalad nolol xumo

November 6, 2026
Next Post

IDAACADDA MAANTA, JIMCO 22-FEB-2019

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 16-NOV 2026

IDAACADDA 16-NOV 2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 16-NOV 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-NOV 2026
November 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-NOV-2026
November 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-NOV-2026
November 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-NOV-2026
November 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-NOV-2026
November 12, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo