(ERGO) – Shan qof ayaa geeriyootay, labaatan kalena way ku dhaawacmeen weerarro saddexdii toddobaad ee la soo dhaafay uu xayawaanka waraabaha ah ku hayay tuulooyinka Dheertu, Kuma-xumato, Cali-kunne, Dhamajaley iyo kuwo kale oo ka tirsan ismaamulka Gaarisa ee gobolka Waqooyi-bari Kenya.
Xuseen Xasan oo ah guddoomiyaha degmada Madiina oo tuulooyinkaas ay hoostagaan ayaa Raadiyo Ergo u xaqiijiyay in weerarrada waraabaha loo sababeynayo abaaro saameeyay dadka iyo xoolaha oo ka jiro halkaas, taas oo keentay in waraabuhu uu gaajoodo oo uu waayo wax uu cuno.
Dadka weerarrada waraabaha soo qaaday ku dhintay waxaa ka mid ahaa wiil sannad iyo bar jir ahaa. Saalax Cabdullahi Hudle waa aabbaha wiilkaas, wuxuu Raadiyo Ergo sheegay in 10-kii bishaan Jannaayo, xilli barqo ah uu waraabuhu soo weeraray hoygooda oo ku yaalla tuulada Dheertu oo 23 Km dhinaca waqooyi uga beegan degmada Madiina.
Wuxuu sheegay in wiilka iyo gabar 9 jir ah ay guriga ku sugnaayeen wakhtigaas, halka hooyadood ay cunug kale oo qoyska ka xanuunsanaa u qaadday isbitaal ku yaalla tuulada. Saalax xilligaas wuxuu ku maqnaa xirfad xoogsi ah oo uu u aaday tuulada, si nolol maalmeedka qoyskaa uu u dabbero.
“Cunugga meel buu hurday markuu waraabaha cunidda ku billaabay. Markiba maskaduu jabiyay oo ilmihi wuu dhintay. Dad xaafadaha joogay baa maqlay oo ka riday,” ayuu yiri Saalax oo xusay in gabadhii la joogtay wiilka ay carartay markii uu waraabuhu cunista ku billaabay wiilka.
Guddoomiyaha degmada Madiina Xuseen Xasan ayaa sheegay in taariikhda markii ugu darneyd ay tahay waraabo sidan weerar ugu soo qaado deegaannadaan.
“Waxaan oo kale horay uma aanan arag, wax aan ku tilmaanno garan meyno. Maalin kasta magaalada waxaa noogu yimaado dad cabanaya oo qaarkood ay ka soo carareen dhibaatada meesha ka jirto,” ayuu yiri guddoomiyuhu.
Afartan qoys ayaa dhibaatada waraabaha uga guuray tuulooyinka, kuwaas oo degay duleedka degmada Madiina oo iyadu uu waraabuhu sida tuulooyinkaas oo kale ugu badneyn, maaddaama xoolo-dhaqato badan aysan joogin, sida uu sheegay guddoomiyaha.
Waxaa kaloo uu guddoomiyuhu sheegay in ay ka fakerayaan sidii ugu yaraan dadka tuulooyinka loo siin lahaa hub ama wax kale oo ay isaga caabbiyaan waraabaha.
Dadka ku nool tuulooyinka ay waraabeyaashu weeraraan ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in xilliyada ay dadka ka maqan yihiin guryaha ee ay xoolaha daaq geeyaan ama soo hoynayaa uu soo weeraro. Dadka ku nool tuulooyinkaas waa xoolo-dhaqato, waxaana si weyn u saameeyay Abaaro ku soo noqnoqday gobolka.
Waraabaha wuxuu sidoo kale cunayaa xoolaha. Asli Maxamed Ismaaciil oo deggan tuulada Cali-kunne 17 km dhanka koonfur ka xigta Madiina, wuxuu jimcihi ay bishaan 18 ahayd waraabaha ka cunay 13 neef oo ari ah. Markii arigeeda oo ahaa 50 neef la soo xero-galinayey ayaa xilligii la tirinayey la waayey neefafkaas.
“Wixii yaraa ee aan dhowranaynay ayuu usoo dhigtay, markii ay abaaraha dhaceen ee cunto yarida iyo biyo la’aanta nala soo deristo ayuu dhibka nagu billaabay. Xoolaha ishaada haddey gafaan waraabe ma seegayaan,” ayay tiri Asli oo taleefanka ugu warrantay Raadiyo Ergo.
Asli waxaa hadda u haray 37 neef oo ari ah. Sidii uu arigeeda waraabaha u laayay waxay go’aansatay inay ariga daajiso meel aan guriga ka dheereyn, si haddii uu waraabaha soo weeraro ay dadka oo dhan ugu gurmadaan oo xoolaha looga celiyo.
Guddoomiyaha Madiina ayaa sheegay in walaaca tuulooyinka uu aad u weyn yahay, waraabuhuna uu weerarka weli ku hayo dadka iyo xoolaha.
Muuse Caddow Xasan oo deggan tuulada Boransiis oo iyaduna ka tirsan tuulooyinka uu waraabuhu dhibaatada ku hayo, wuxuu Raadiyo Ergo taleefanka ugu sheegay in labo wiil oo uu dhalay uu 8-dii bishaan Jannaayo waraabuhu ka dhaawacay.
Wuxuu xusay in wiilasha oo xilli habeen ah la jiifay hooyadood uu waraabe raxan ah ku dhumiyay aqal Soomaali ay ku jireen. Hooyada dhashay carruurta ayaa markiba ku toostay shanqarta, waxayna waraabihi kula dhegtay carruurta, sidaasna waxaa ku badbaaday labada wiil.
Laakiin dhaawacooda waxaa loo qaaday magaalada Gaarisa. Labada wiil oo da’doodu ay kala tahay 5 jir iyo 8 jir ayuu waraabuhu dhaawacyo fudud ka gaarsiiyay gacmaha iyo qoorta, haddana waxa way caafimaad qabaan oo waa laga soo saaray isbitaalka, sida uu aabbahood Muuse noo xaqiijiyay.