Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Jowhar: Abuurkii bariis-caddaha oo dib loo soo nooleeyay

Radio Ergo by Radio Ergo
January 18, 2019
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Jowhar: Abuurkii bariis-caddaha oo dib loo soo nooleeyay

Kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Dhallinyaro beeraley ah oo ku nool degmada Jowhar ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa dib u billaabay beerashada bariis-caddaha oo dabar go’ay labo sano ka hor. Abaartii dalka ka dhacday oo keentay in webiga Shabeelle uu biyo yareeyay dhowr goorna uu qallalay ayaa keentay in meesha uu ka baxo beerashadii bariiskaas.

Laakiin gu’gii sanadki 2018 oo ahaa bilihii Abriil, May iyo Juun ayuu biyo fiican keenay webiga, taas oo rajo ku abuurtay dhallinyarada oo dib u billaabay beeristii bariis-caddaha.

Labo boqol oo dhallinyaro ah ayaa hadda ka shaqeynaya tacabka bariiskaas, iyagoo ku guuleystay inay dib u soo celiyaan bariis-caddahaas oo dalka gudihiisa laga isticmaalo.

Waxay ku tacbeen wakhtigii gu’ga, waxayna abuurkiisa ka heleen nin ka mid ah dadkii tacban jiray. Xilligii dayrtana iyagoo ka faa’iideysanaya biyaha webiga ayay bariiskii ay gu’gi goosteen waxay ku tacbeen dhul 25 hektar ah, kaas oo ay hadda goosteen.

Hadda waxa u soo go’ay 3,500 oo loor oo bariis ah. Keydka bariiska ay hadda haystaan wuxuu ku filan yahay in lagu beero dhul labo kun oo hektar ah.

Maxamed Cali Afrax, oo ka mid ah dhallinyaradaas isu xilqaantay soo nooleynta tacbashadii bariis-caddaha ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in dedaal ay ku bixiyeen in bariiskaan ay dib u tacbaan, maaddaama aan abuurkiisa dibadda laga keenin oo uu ku xiran yahay hadba midka la beero ee la goosto in abuur laga reebto.

“Beeraleydii markay damceen inay bariiskaan tacbadaan, wxaaa ku adkaatay abuurki, waayo dibadda lagama keeno sida dalagyada kale oo suuqa kama heleysid,” ayuu yiri Maxamed Cali.

Bariiska ay hadda haystaan waxay ku keydiyeen bakhaarrada Jowhar, si suuqa loogu iibiyo keyd abuur ahna ay uga reebtaan.

Muddadii labada sano ahayd ee aan bariiska la beeran, waxaa laga dareemay suuqa, oo ganacsatadii iibin jirtay waxay waayeen bariiski, iyagoo baddelkiisa ka ganacsan jiray dalagyo kale.

Ganacsatadaas waxaa ka mid ah Cali Yuusuf Cali, oo 16 sano ka ganacsanaayay bariis-caddaha. Wuxuu ku nool yahay magaalada Jowhar, labadii sano ee la soo dhaafay wuxuu iibinayay sisin iyo galley. Laakiin hadda wuxuu dib u billaabay ka ganacsigii bariis-caddaha.

“Dhallinyarada waxay gu’gi ii keeneen 300 oo loor, keyd ayaan hadda u hayaa, qaarka beeraley abuur ahaan u keydsanaya ayaan ka iibiyay,” ayuu yiri Cali Yuusuf.

Waxaa iyadana jiro rag caan ku ahaa beerashada bariiskaan oo tag u waayay inay beertaan xilligii uu abuurku gabaabsiga ahaa. Raggaas waxaa ka mid ah Cabdi Aadan oo 63 sani jir ah. Waxaa hadda u tacban galley, digir iyo sisin uu abuurtay dayrti, baddelki uu tacban lahaa bariiska. Muddadi suuqa laga la’aa bariis-caddaha wuxuu tacbanaayay dalagyadaan, laakiin wuxuu hadda rajeynayaa inuu tacabka bariiskaan dib u billaabo gu’ga soo socdo.

Bariis-caddaha ayaa dalka Soomaaliya ka soo galay waddanka Shiinaha sanadkii 1986-kii, ilaa wakhtigaasna ma uusan kala go’in tacabkiisa, laakiin abaartii u dambeysay ayaa saameyn weyn ku yeelatay ilaa uu ku sugtay in dalka oo dhan laga waayo.

Previous Post

IDAACADDA MAANTA JICE 18-JAN-2019

Next Post

QEYBTA SIDDEEDAAD EE SHEEKADA AMAL

Related Posts

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye

July 7, 2026
Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen

July 3, 2026
Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose

July 2, 2026
Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda

June 29, 2026
Ganacsiyo u xirmay xoolo yari iyo dhaqaale xumo haysa reer guuraga gobolka Doollo
Cunto-Yaraanta

Ganacsiyo u xirmay xoolo yari iyo dhaqaale xumo haysa reer guuraga gobolka Doollo

June 25, 2026
Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo

June 24, 2026
Next Post
Geeljire hore oo ka sheekaynaya nolashisi hore

QEYBTA SIDDEEDAAD EE SHEEKADA AMAL

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 07-JUL-2026

IDAACADDA 07-JUL-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 07-JUL-2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-JUL-2026
July 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-JUL-2026
July 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-JUL-2026
July 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-JUL-2026
July 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-JUL-2026
July 3, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo