Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Masiibooyinka

Garoowe: Qodista carrada oo saameyn ku yeelatay dooxooyin xooluhu daaqi jireen

Radio Ergo by Radio Ergo
January 23, 2019
in Masiibooyinka, Wararkii u Danbeeyay
0
Nugaal: Xoolo-dhaqato ka cabanaya cagta gaadiidka oo xaaluf ka dhigtay dooxooyin

Photo| Dooxo duleedka garoowe ah/Cabdiraxmaan Xaaji/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Dooxoyin xoolo daaqsinta caan ku ahaa oo ku yaalla duleedyada magaalada Garoowe ayaa isu baddelay godad ay biyuhu maraan, kaddib markii carro tan guryaha lagu dhisto ah laga qoday, sidoo kalena ay ku badatay cagta gaadiidka carradaas iyo dhagaxa dhismaha qaada.

Arrintaan ayaa halis gelineysa hab nololeedka xoolaha, oo xilliyada jiilaalka calaf ka heli jiray dooxooyinkaas. Xoolo-dhaqatada ku nool deegaannadaas ayaa sheegay in tani ay xoolohooda saameyn ku yeelatay. Qaarkood ayaa u hayaamay deegaanno ka durugsan halkaas, si ay daaq ugu helaan xoolahooda.

Axmed-weli Xiris Geelle oo ah 45 jir wuxuu ka mid yahay xoolo-dhaqatada degganaa dooxada Balley oo 20 km waqooyi-bari ka xigta Garoowe. Raadiyo Ergo ayuu u sheegay in 150 neef oo ari ah oo uu dhaqdo uu ula hayaamay deegaan la yiraahdo Guumeys oo 160 km u jirta halka uu joogo.

Wuxuu halkaas ugu hayaamiyay xoolihiisa si uu ugu helo daaqo iyo biyo. Carrada kore iyo geedihii ka baxayay dooxada ayuu sheegay inay qaadeen roobkii gu’ga, taas oo ah saameynta ka dhalatay carrada laga qoday dooxada.

“Dhulkii malahan meelo qabta biyaha, roobkii markuu dhammaaday dhulkii waa iska qalayl,” ayuu yiri Axmed, oo xusay in dooxada oo lahayd ceelal laas ah oo ay biyaha ka cabbayeen aysan haatan biyo lahayn oo ay qallaleen.

Dooxooyinkaan xilligii roobka gu’ga boholaha noqday ayaa kala ah Balley iyo Cuun, waxayna xoolo dhaqatadii uga hayaameen gobollada Bari iyo Sool. Sidoo kale waxaa horay iyana u xaalufay dooxooyinka Jidnugul, Ilma Adeer, Rabaable, Cada-dheero iyo Janteela oo ku yaal duleedka Garoowe.

Maxamuud Yuusuf Kaarshe, wuxuu isaguna ka mid yahay xoolo-dhaqatada ay saameysay dooxooyinka biyo mareennada isu baddelay. Waa 79 jir 30 geel ah iyo 20 lo’ ah ku dhaqan jiray deegaanka Janteela oo 30 km bari ka xigta Garoowe. Wuxuu xoolihiisa ula hayaamay dayrtii dhoweyd gobolka Togdheer.

Wuxuu tilmaamay in sababta xoolihiisa uu halkaas ula hayaamay ay tahay saameynta ka dhalatay carrada laga qodo dooxooyinka, oo xoolaha ay daai jireen wakhtiyada jiilaalka.

Ku-xigeenka  duqa magaalada Garoowe, Maxamed Cali Maxamed ayaa Raadiyo Ergo u xaqiijiyay walaaca xoolo-dhaqatada iyo saameynta daaq la’aanta ka jirta deegaannadaas.

“Ka maamul ahaan waxaan dhagaxaan ku gurray boholo ka jeexmay dooxooyinka Cuun, Xamur iyo Ilma-adeer, siligna waan ku xirnay, siliggu wuxuu muhiim u yahay in dhagaxa meesha lagu celiyo si  biyuhu qaadin, dabadeed meeshii aysan mar kale god noqon, waxaan ku awdnay ciid, annagoo la kashanay hay’addo,” ayuu yiri Maxamed.

Saciid Shiidaad oo bartay cilmiga hormarinta deegaanka ayaa ku eedeeyay xoolo-dhaqatada iyo dadka deegaankuba in aanay ilaalin deegaanka.

“Ilaalinta deegaanka waa masuuliyadda qof walba. Waa inaan la imaanno xal oo aan dadka barno muhiimadda deegaanka iyo dhibaatooyinka nabaad guurka,” ayuu yiri Saciid.

Previous Post

IDAACADDA MAANTA ARBACO 23-JAN-2019

Next Post

Balcad: Beeraley hadda ka soo kabanaya fatahaad dhacday sanadkii hore

Related Posts

Barakicin qasab ah oo nolol xumo galisay qoysas laga saaray xeryaha Baydhabo
Wararkii u Danbeeyay

Barakicin qasab ah oo nolol xumo galisay qoysas laga saaray xeryaha Baydhabo

September 10, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Dalag biyo la’aan awgeed u qalalay oo hubanti la’aan cunno biday beeraleyda Afgooye

September 7, 2026
Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo

September 3, 2026
Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa
Cunto-Yaraanta

Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa

September 1, 2026
Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 29, 2026
Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo

August 28, 2026
Next Post
Balcad: Beeraley hadda ka soo kabanaya fatahaad dhacday sanadkii hore

Balcad: Beeraley hadda ka soo kabanaya fatahaad dhacday sanadkii hore

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 10-SEP-2026

IDAACADDA 10-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 10-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-SEP-2026
September 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-SEP-202
September 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-SEP-202
September 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-SEP-2026
September 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-SEP-2026
September 6, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo