Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Balcad: Beeraley hadda ka soo kabanaya fatahaad dhacday sanadkii hore

Radio Ergo by Radio Ergo
January 23, 2019
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Balcad: Beeraley hadda ka soo kabanaya fatahaad dhacday sanadkii hore

File Photo/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Mukhtaar Cali Garaad wuxuu wadaa tacabka hal hektar oo ka mid ah beertiisa oo dhan 7 hektar. Wuxuu lixda hektar ee kale u tacban waayay dhaqaale la’aan, maaddaama uusan awoodin inuu iska bixiyo kharashka cagafta beerta lagu carro geddinayo iyo abuurka.

Wuxuu ku nool yahay tuulada Seydiir oo 30 km dhanka waqooyi ka xiga degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe. Tuuladiisa waxay ka mid tahay tuulooyin fatahaad dhacday bishii Abriil ee sanadkii 2018-kii oo qoysaskii degganaa ay biyo uga barakaceen.

“Fursadda hadda jirta waxaa weeye waa biyihii oo ka baxay beerta, waana xilli ku fiican inaan ka faa’iidaysto oo ku beerto sisin iyo digir,” ayuu yiri Mukhtaar.

Mukhtaar oo ah aabbaaha 11 carruur ah, wuxuu muddadi ay fatahaadda ka jirtay tuuladiisa barakac ku ahaa degmada Balcad. Laakiin hadda wuxuu leeyahay rajo ah in noloshiisii beerwalenimo uu dib ugu laabto.

Xilligii fatahaaddu dhacaysay beertiisa waxaa ugu tacbanaa gelley, sisin iyo digir, balse ay fatahaaddi ka xaaqday, markaas wuxuu khasaaray dhaqaale ka badan 20 milyan oo shilin Soomaali ah oo kaga baxday wakhtigaas shaqada beerta. Waxaa weli lagu leeyahay lacagihii cagaftii u qodday beerta oo ka badan 8 milyan oo shillin.

Qoyska Mukhtaar iyo 30 qoys oo kale waxay horraantii bishaan Jannaayo ku laabtaan tuulada Seydiir.

Fatahadda Abriil dhacday waxay barakicin iyo go’doomin ku samaystay 10 tuulo oo dhinaca waqooyi ka xigay degmada Balcad, hadda ayayna dhammaan dadkii tuulooyinkaas degganaa dib ugu noqonayaan beerahoodii. Tuulooyinkaas waxaa ka mid ah Faydhuxul, Buulo-barwaaqo, Seydiir, Buulo Xaaji-cali iyo Buulo-raqay.

Saddex kun oo qoys oo horay uga barakacay tuulooyinkaas ay fatahaaddu saameysay hadda dib ugu laabtay, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay isu-duwaha wasaaradda beeraha ee Hirshabeelle ee degmada Balcad Nuur Cismaan Afdhuub.

Dadka dib ugu noqday tuulooyinkaas waxaa ka mid ah Seynab Cali Ciise oo ah hooyada toddobo carruur ah. Waxay ku noqotay tuulada Faaydhuxul oo Balcad u jirta 30 km. Raadiyo Ergo ayay taleefanka ugu shegtay in tuuladeeda ay dib ugu soo laabatay iyadoo rajeyneysa inay dib u billowdo tacbashada beerteeda.

Seynab waxay fatahaadda ka baabi’isay agabkii beeraha iyo wax soo saarkii beeraha oo ay sheegtay inay ku maareyn jirtay nolosha qoyskeeda.

“Hadda abuur ayaa iigu daran, deyn ayaan raadsaday welina ma hayo, qoysas kale oo beeralayda soo noqotay ayaan wax weydiistay iyagana wax badan ma hayaan oo ima dhaammaan,” ayay tiri Seynab.

Waxay hadda raadineysaa deyn ay wax tacab ah ku billowdo, welise maysan helin. Waxay xustay in wixii abuur ah oo ay hesho ay ku sii tacbato beerteeda, si inta aan gu’ga soo socda la gaarin ay labadii xilli ee ka baaqday mid ahaan u goosato.

Waxaa jira beeralay iyagu deyn helay oo hadda cagafyo ku qodanaya beertooda, waxaana ka mid ah Idiris Xasan Cali, oo leh beer afar hektar ah. Wuxuu ku nool yahay tuulada Buulo-xasey. Weriyaha Raadiyo Ergo ee Balcad ayaa Idiris la kulmay isaga oo cagaf qodaysa beertiisa la daba socday abuur sisineed oo uu ku firdhinayay meesha ay cagafta marto.

“Lacag $1,500 ah ayaa qaraabo dibadda iiga soo dirtay, taas ayaan hadda isaga bixiyay abuurka iyo cagafta, saacadii waxay iga qaadanaysaa cagaftu $40, waxayna sagaalka higtar ku dhammeynaysaa 8 saacadood,” ayuu yiri Idiris.

Saddex hektar ayuu abuurtay Idiris, iyadoo weli hektarka kale biyihii soo fatahmay ay ku jiraan oo aysan ka bixin.

Isu-duwe Nuur Cismaan Afdhuub ayaa sheegay in hadda ay matoorro yar yar geeyeen tuulooyinka beeraleyda, si biyaha beerahooda ku harsan looga miiro, ayna u helaan dhul ay wax ku tacbadaan.

“Hadda ayaan ka shaqeynaynaa inaan goobtaas mar kale dadka biyo ku fatihin, si aan uga hor tagno barakac kale oo ka dhasha haddii la gaaro gu’ga soo socda,” ayuu yiri Nuur.

Nuur ayaa sidoo kale sheegay in fatahaaddi dhacday bishii Abriil ee 2018-kii in dhammaan beeraha tuulooyinkaas ay wakhtigaas baaba’een.

Previous Post

Garoowe: Qodista carrada oo saameyn ku yeelatay dooxooyin xooluhu daaqi jireen

Next Post

Muqdisho: Shir looga hadlayay xal u helillada 500,000 oo barakacayaal ah

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Qoysas cusub oo ka soo barakacaya gaajo iyo colaado ka jira Shabeellada Hoose

Muqdisho: Shir looga hadlayay xal u helillada 500,000 oo barakacayaal ah

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 16-APR-2026

IDAACADDA 16-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 16-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo