Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: In ka badan labo boqol oo macallin ayaa shaqada laga rusqeeyay

Radio Ergo by Radio Ergo
January 22, 2019
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, WARBIXINNO MAQAL AH, Waxbarashada
0
Kismaayo: Ardeyda ka soo noqtay qaxootiga oo helay waxbarasho bilaash ah 08 November, 2016

Keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Labo boqol kow iyo soddon macallin ayay hay’adda Lutheran World Federation (LWF) ka joojisay shaqada macallinimo bishaan Jannaayo. Macallimiintan ayaa wax ka dhigayay labo iyo labaatan dugsi oo ku yaalla xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya.

Cabdikariin Macallin Axmed, wuxuu ka mid yahay macallimiinta shaqada laga joojiyay. Toban sano ayuu macallin ka ahaa dugsiga hoose/dhexe ee Cabdicasiis oo ku yaalla xerada qaxootiga Ifo. Cabdikariin wax shaqo ah ma qabto tan iyo billowgii bishaan.

Weriyaha Raadiyo Ergo ee Dhadhaab Axmed Nuur Yogol, ayaa kula kulmay isagoo fadhiya maqaaxi lagu shaaho oo ku taalla xerada, halkaas oo soo fariisto aroor walba, galabkina ka hoyaado. Bishii December ee sanadkii 2018 ayaa Cabdikariin lagu wargeliyay in shaqo dhimis macallimiinta ah la sameyno, isaguna uu ka mid yahay macallimiinta shaqada laga joojinayo.

Mukhtaar Cabdi Cismaan hay’adda LWF u qaabilsan waxbarashada xeryaha qaxootiga, ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in dhaqaale la’aan hay’adda soo wajahday sanadkaan darteed shaqadii macallimiinta loo dhimay.

Waa 32 jir, nolosha qoyskiisa oo saddex qof ah ku dabberi jiray mushahar 8,000 oo shilin Kenya una dhiganta $80 oo uu ka qaadan jiray shaqada macallino. “Waxaa biil ii ah wax yar oo iiga soo haray mushaharkii aan qaatay bishii ugu dambeysay,” ayuu yiri Cabdikariin.

Wuxuu sidoo kale bil kasta iska bixin jiray $10 oo uu ku dhigan jiray machad uu ka baran jiray waxbarista dadka waaweyn, laakiin wuxuu u joojiyay shaqo la’aanta hadda haysata darteed

Cabdikariin wuxuu maalin kasta xiisad xisaabta ah ka bixin jiray afar qol oo ay wax ku baranayeen ardayda fasallada afaraad iyo shanaad.

“Waxaan hayay shaqo aad muhiim ugu ahayd nolosheyda, sidoo kale bulshada dhexdeeda tix gelin ayaan ku lahaa macallinimada ah. Waxaan isku hayaa inaan Soomaaliya dib ugu noqdo iyo in kale, welise go’aan maan gaarin,” ayuu yiri Cabdikariin.

Mukhtaar Cabdi ayaa xusay in dugsiyada hoose/dhexe eek u yaalla xeryaha qaxootiga ay hadda ardayda wax baraan 518 macallin oo keliya. Dugsiyadaas waxaa wax ka barta 52 kun oo arday.

Iskuullada ayaa laga dareemayaa cariiri badan, waxaana la isku daray arday isku fasallo ah oo qolal kala duwan wax ku baran jiray, si macallimiinta hadda ardayda wax barta ay fasallada isu deeqsiiyaan.

Maxamed Cumar Faarax waa maamulaha dugsiga Cabdicasiis, wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in iskuulkiisa sanadkaan laga dhimay 14 macallin, ayna saameyn ku yeelatay arrintaas.

“Sanadkii hore fasalka toddobaad wuxuu ahaa afar qol, hadda labo qol ayaan isugu gaynay, waxay noqotay in fasalkiiba ay fadhiyaan 120 arday,” ayuu yiti maamulaha.

Dugsiga Cabdicasiis waxaa dhigta 2293 arday. Waa 18 fasal, waxaana wax bara 33 macallin.

Ciriiriga ka jira iskuullada wuxuu sidoo kale saameynayaa waxbarashada ardayda sanadkaan isu diyaarinaya inay galaan imtixaanka shahaadiga dhusiga dhexe ee Kenya oo la yitaahdo KCPE, kaas oo la galo dabayaaqada sanadka.

Aamiina Cabdi Maxamed oo 18 sano jir ah, waa fasalka siddeedaad, waxaa sanadkan dhammaadkiisa sugaya inay u fariisato imtixaankaas, laakiin waxaa caqabad ay ka haysataa cariiriga fasallada ka jiro. Waxay wax ka barataa dugsiga hoose/dhexe ee Horyaal ee xerada IFO oo ka mid ah dugsiyada macallimiinta laga dhimay.

“Fasalka aan ku jiro 128 arday ayaa fadhida, buuqa iyo qaylada ka jirto darteed waxba ma maqlaysid, maalintii inaan lix xiisadood qaadano ayaa qorshaha ahaa, laakiin hadda labo xiisadood keliyaan qaataa, anoon labadaas fahmin ayaan gurigaygii ku noqdaa,” ayay tiri Aamina.

Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay maaddooyinka Ingiriiska, Sawaaxiliga iyo Xisaabta ay yihiin maaddooyin aan hadda laga dhigin fasalkeeda, macallin la’aan darteed.

Aamina rajada qaxootiga ku hayso waxay tahay waxbarashadaas oo keliya, laakiin hadda waxaaba ku soo kordhay walaaca ay ka qabto sida ay ugu diyaar garoobi doonto imtixaanka shahaadiga ee KCPE.

Mukhtaar Cabdi wuxuu tilmaamay inay og yihiin culeyska ka jiro dugsiyada macallimiinta laga dhimay, ayna maamuleyaasha dugsiyada kala hadleen habkii loo buuxin lahaa booska macallimiinta la rusqeeyay.

Macallimiinta shaqada laga saaray qaarkood ayaa durbaba isku dayay inay shaqo abuur sameystaan, si ay nolosha qoysaskooda u dabbartaan. Waxaana ka mid ah Aadan Wardheere Cali oo tan iyo horraantii bishaan ku shaqeysanaya mooto.

Aadan ma lahayn xirfad lagu wado mootada, laakiin wuxuu isku dayay inuu barto kuna shaqeysto markii uu waayay shaqadiisii macallinimo oo 8 sano uu ku soo shaqeysanayay.

Maddaada Ingiriiska ayuu ka dhigi jiray dugsiga hoose/dhexe ee Horyaal, laakiin hadda wuxuu mootada oo kiro ku ah kaga dhex shaqeystaa xeryaha Ifo, Xagardheere, Dhagaxley iyo Dhadhaab. Wuxuuna halki tariib ku baxaa lacag dhan 150 shilin Kenya ah una dhiganta $1.05.

Mootada waxaa looga kireeyay 500 oo shilin Kenya una dhiganta $5, marka uu kirada iska bixiyo waxaa u soo hara ugu badnaan $2.

“Waa shaqo igu cusub, markaan shaqo la’aan noqday ayaan isku dayay wixii kale ee dakhli iga soo geli karo, shaqadaan ayayna noqotay,” ayuu yiri.

Aadan wuxuu qoyskiisa xerada Ifo soo galay sanadkii 1994-kii, waxayna wakhtigaas ka soo qaxeen magaalada Kismaayo. Isla xerada Ifo ayuu ku dhammeeyay waxbarashada dugsiga sare kaddibna uu macallin ka noqday.

Hadda wuxuu sheegay in shaqada mootada ay kula soo biireen dhowr macallin oo saaxiibbadiisii shaqada laga rusqeeyay ah, uuna jeclaan lahaa in xifraddiisii uu dib ugu laabto haddii uu fursad kale helo.

Mukhtaar Cabid, ayaa xusay in la raadinayo dhaqaale si macallimiinta la diray shaqada loogu soo celiyo maaddaama aan laga maarmi karin wakhtigaan.

Previous Post

Faa’iido noocee ah ayay Soomaaliya ku qabtaa inay shatiyo siiso shirkado kalluumeysi

Next Post

Dhadhaab: Macallimiin shaqada laga joojiyay

Related Posts

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 15, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Next Post
Dhadhaab: Macallimiin shaqada laga joojiyay

Dhadhaab: Macallimiin shaqada laga joojiyay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-MAY-2026

IDAACADDA 17-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-MAY-2026
May 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-MAY-2026
May 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-MAY-2026
May 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-MAY-2025
May 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo