Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Dhadhaab: In ka badan 160 arday ayaa la tuuray natiijadoodii imtixaanka dugsiga sare

Radio Ergo by Radio Ergo
January 18, 2019
in Wararkii u Danbeeyay, Waxbarashada
0
CARRUUR HESHAY WAXBARASHO BILAASH AH

Photo | Sawir/keyd/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Axmed Cabdullaahi Xasan murugo ayay ku noqotay markii uu helay akhbaarta ah in la tuuray natiijadiisii imtixaankii shahaadiga ahaa ee dugsiga sare oo afar sano uu soo dhiganayay.

Waa qaxooti ku nool xerada Xagardheer ee qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya. Wuxuu ka mid noqday in ka badan 160 arday oo ku nool xeryaha, kuwaas oo Guddiga Imtixaanka Qaran ee Kenya (KNEC) uu sheegay inay qisheen imtixaanki sidaasna loo baabi’iyay nadiijadoodii.

Axmed oo dhiganayay dugsi sare oo la yiraahdo Huda wuxuu iska beri yeelay inuu wax qish ah sameeyay intii uu imtixaanka ku jiray, aadan uu uga naxay natiijada laga soo saaray imtixaankii uu galay.

“Qalbigeyga wax weyn baa gaaray. Wax shahaado oo inaan dugsiga sare ka baxay aan ku caddeyn karo ma haysto. Natiijo fiican ayaan filaayay. Waxaan rajeynaayay inaan fursad waxbarasho ka helo Kanada. Hadda aad baan u niyad jabsanahay,” ayuu yiri Axmed.

Maamulaha dugsiga sare ee uu Axmed dhiganayay Khaalid Maxamuud Cali, ayaa Raadiyo Ergo u sheegay inaysan waxba ka jirin eedeyta ah in ardaydu ay wax is-daba marin imtixaanka ah sameeyeen.

Wuxuu xusay in imtixaan xalaal ah oo ay guddiga KNEC korjoogto ka ahaayeen ay ardaydu galeen. Ardayda laga tuuray natiijada waxay boqol iyo afartan ka tirsan dhiganayeen dugsiga Huda, waxaana natiijo sax ah helay afar arday oo keliya.

Khaalid ayaa tilmaamay in guddiga ay ka codsadeen in ay wax ka beddelaan natiijada imtixaanki ay ardaydu galeen, laakiin guddigu wuxuu ku adkeystay go’aankiisa.

Ardaydda laga tuuro natiijada imtixaanaadka shahaadiga ah ee dalka waxay ku khasban yihiin in sanad kale ay soo dhigtaan fasalka u dambeeya ee dugsiga sare, kaddibna ay imtixaanka sameeyaan si ay shahaado u helaan. Lama aqbalo haddii iyagoo aan dhigan sanad kale ay imtixaanka galaan.

Axmed wuu ku qanacsan yahay inuu sanad kale soo dhigto fasalka afaraad ee dugsiga sare si uu riyadiisa ah inuu shahaado helo uga dhabeeyo, laakiin wuxuu ka walaacsan yahay sida qoyskiisa uga bixin karo lacagta iskuulka. Waxaa Axmed lacagta dugsiga sare ka bixin jiray abtigiis.

Xerada qaxootiga ayuu yimid sanadkii 2010-kii, si uu waxbarasho u helo. Labadiisa waalid waxay ku nool yihiin Soomaaliya. Bil ka hor intii uusan imtixaanka gelin wuxuu isku diiwaangeliyey in uu ku noqdo Soomaaliya si uu halkaas shaqo uga raadsado inta uu waxbarasho jaamacadeed ka helayo.

Haddii uu Axmed ka laabto go’aankiisii dib u laabashada waa loo ogol-yahay, laakiin baaqashada safarkiisa ayaa meesha ka saaraysa rayadiisii shaqo-doonasho iyo inuu dib ula midoobo waalidkiisa oo muddo uu ka maqnaa.

Khaalid oo ah maamulaha Axmed, wuxuu sheegay in ay ku dedaalayaan sidii ay waxbarashada dib ugu noqon lahaayeen ardayda natiijadoodii la tiray, waalidiintana ay la kaashan doonaan arrintan. In kastoo ay waalidiinta ku nool qaxootiga ay welwel ku hayso halka ay dhaqaale mar kale uga heli doonaan carruurtooda.

Dugsiyaga sare ayaa bishi arday kasta laga bixiyaa lacag dhan 4,000 oo shilin Kenya ah una dhiganta $40. Waalidiinta qaar maba awoodaan inay lacagtaan ka bixiyaan carruurtooda.

Xabiibo Cabdi Ciise oo labo wiil oo ay dhashay ay ka tirsan yihiin ardayda natiijada imtixiaankooda la laalay, waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in qoyskeeda uu dhaqaale ahaan yahay qoys sabool ah, ayna ku adag tahay sanad kale in labadeeda wiil ay ka bixiso lacagta iskuulka.

Waxay xustay in wiil ay dhashay oo ku nool magaalada Nairobi uu labada wiil ka bixin jiray lacagta, laakiin uu isagaba hadda dhimirka ka xanuunsanaya, cid kale oo caawisana aysan u haynin. Waa hooyo keligeed korsata carruurteeda oo agoon ah, waxayna ku nooshalay xerada Xagardheere ee qaxootiga Dhadhaab.

Faarax Cabdullaahi Nuur oo 19 jir ah waa mid ka mid ah labada wiil ee Xabiibo. Wuxuu sheegay in lama filaan ay ku noqotay waxa ku dhacay natiijadii uu filanayay. Walaalkii ka weyn oo la yiraahdo Cabdinuur oo ah wiilka kale ee Xabiibo ee imtixaanka laga laayay ayaa isku hex yaac laga dareemay marki loo sheegay sida natiijadiisii loo tuuray. Hooyadiis Xabiibo oo Raadiyo Ergo u warrantay ayaa sheegtay in iilkeeda naxdinti uu natiijada ka qaaday darteed lagu sheegay dhiig-kar uusan horay u qabi jirin.

Wiilasha Xabiibo waxay dhiganayeen dugsiga sare ee Al-Huda. Iskuullada sare qaxootiga ee natiijadoodii imtixaanka la tuuray waxaa ka mid ah dugsiga sare ee Al-bushra. Labada dugsiba waa kuwo gaar loo leeyahay.

Imtixaanka fasalka afaraad ee dugsiyada sare ee dalka Kenya oo dhan ayaa loo fariistay bishii November ee 2018, waxaana natiijada imtixaanaadka ay guddiga ku dhawaaqeey 21-kii December ee la soo dhaafay. Waxaa jiray iskuullo wadddanka ku yaalla oo natiijadooda aanan la shaacin xilligaas oo la hakiyey.

Previous Post

QEYBTA SIDDEEDAAD EE SHEEKADA AMAL

Next Post

Nafaqo-darro ka jirto Laascaanood

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
180 carruur ka yar shan sano oo nafaqo-xumo looga daweynayo isbitaalka Kismaayo

Nafaqo-darro ka jirto Laascaanood

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 16-APR-2026

IDAACADDA 16-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 16-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo