Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Soomaaliya: Caqadaha naafada ka haysta helista waxyaabaha ay xaqa u leeyihiin

Radio Ergo by Radio Ergo
December 5, 2018
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Wiil dhallinyaro indhaha naafo ka ah oo ku shaqeysto waeejiyow

Sawir kayd

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Suleymaan Maxamed Xasan oo naafo ka ah hal lug, waa 24 jir shaqo dalbaday in ka badan 150 jeer, laakiin ku hungoobay. Tan iyo sanadkii 2012-kii ayuu dirsanayay codsiyo shaqooyin la soo bandhigay.

Shirkadaha gaarka loo leeyahay, wasaaradaha Somaliland iyo iskuullada ayaa ka mid ah meelaha uu codsiyada shaqo u gudbistay.

Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in meel kasta oo uu shaqo ka dalbado looga sheego inuu yahay naafo oo aan la shaqaaleysiin karin.

Suleymaan wuxuu haystaa shahaadaha heerka labaad ee jaamacadda, oo uu ka sameeyay maareynta xisaabaadka, iyo cilmiga tignoolajiyadda oo uu ka qalin jabiyay sanadihii 2017 iyo 2018.

“Mar kasta waxaa la igu xirayaa naafo ayaad tahay. Mar haddaad naafo tahay maskaxdana waad ka jirran tahay ayay igu yiraahdaan. Aniga jir ahaan iyo maskax ahaan waan caafimaad qabaa. Dadka qaar waxay igu yiraahdaan waad dawarsaneysaa, waa tuug, darbi jiifka raac iyo maad tagtid meelaha carruuraha lagu xannaaneeyo,’” ayuu yiri Suleymaan.

Wuxuu shaqooyinka dalbaday isagoo jooga Hargeysa, Berebera, Burco iyo meelo kale oo Somaliland ah, mar qurana muusan helin jawaab farxad gelisa.

Naafada Soomaalida ayaa sheega in ay haystaan caqabado kala duwan oo ka hor istaaga waxyaabo badan oo ay xaq u leeyihiin sida helista fursado shaqo, inaysan isticmaali karin meelaha laga galo dhismeyaasha, inaysan helin adeeg caafimaad iyo waxbarasho ku filan iyo faquuq naafonimadooda.

In kastoo naafadu ay ka siman yihiin dhibaatooyinkaas, haddana dumarka waaweyn iyo gabdhaha yaryarba waxaa u dheer inaysan badankood ka soo bixin guryaha, ayna sabab u tahay eheladooda ama dadka ay la nool yihiin oo kula taliya inaysan bannaanka aadin.

Waxay sidaas ku dhacday Weris Cabdullaahi Shirwac oo 28 jir naafo ka ah labada lugood. Weris waa guddoomiyaha ururka naafada Galmudug. Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in xilli ay Gaalkacyo iyo tuulooyinka u dhow ka sameynayeen tiro-koob dadka naafada ah lagu ogaanayay ay la kulmeen haween iyo gabdho guryaha iskaga jiro.

Waxay xustay in arrintaasi ay sabab u tahay waalidiinta iyo dadka ay la nool yihiin oo ku yiraahda ‘waa cee bee bannaanka ha u soo bixin,’ taas oo keentay in gabdho badan oo naafo ah ay waayaan wax kastoo ay xaq u lahaayeen sida inay waxbarasho helaan.

“Haddii la tuso qofka naafada ah inuu dadka kale la mid yahay oo lagu yiraahdo dadka ayaad la mid tahay, waxba ma qabtid, iskuulka aad, dugsiga aad, wax iska caadi ahay noqon lahayd. Aniga waxaa la igu oran jiray ha bixin waa ceeb,” ayay tiri Weris.

Ururka ay guddoomiyaha ka tahay Weris waxaa ka diiwan gashan 900 oo qof oo 600 oo ka tirsan ay yihiin dumar waaweyn iyo gabdho yar yar. Waxay tilmaantay in dhammaan dadkaas ay diiwaan geliyeen ay ku nool yihiin Gaalkacyo iyo tuulooyin hoos taga.

Waxay tilmaantay in dadka naafada ah ay sidoo kale dhibaato ku tahay isticmaalka dhismeyaasha iskuullada, ganacsiga, dukaamada iyo waddooyinkaba.

Dhammaan goobahaas waa kuwo leh jaraan jarooyin ama meelaha laga galo ay dhaadheer yihiin oo aanay suurta gal u ahayn qofka naafada ee garguuranaya iyo kan ku socda baabuurka curyaamadaba in uu si sahal ah kaga gudbo.

Dadka lixaadka la’ ayaa shaqooyinka ku waaya iyagoo aan fuuli karin meelaha ay shaqooyinka ka helaan, haddiiba la shaqaaleysiinayo, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Maxamed Ammiin oo ah 34 jir naafo ah oo ku nool magaalada Kismaayo.

Waa agaasimaha ururka naafada Jubaland, wuxuu sheegay in qofka naafada ah si walba oo uu aqoon u leeyahay aysan suurta gal u ahayn shaqada uu jecel yahay inuu qabto.

“Boosaska la soo dhejiyo ee shaqada haddii uu ku guuleysto ma geli karo dhismeyaasha, waayo way dhaadheer yihiin ama waa jaraanjaro, kaddib waxaa lagu oranayaa shaqada ma qaban kartid, sababtoo ah meesha loo shaqo tagayo way kugu adag tahay inaad fuusho,” ayuu yiri Maxamed.

Dhanka caafimaadka marka laga hadlo ayuu sheegay inay jiraan dad badan oo u baahan inay helaan fiiso-tarabbi gaar ahaan carruurta oo laga yaabi lahaa inay wax ka baddeli lahayd xaaladdooda naafonimo, laakiin adeeggaasi uusan ka jirin dalka.

“Magaalada Kismaayo waxaan diiwaan gelinnay 130 carruur naafo ka ah lugaha iyo gacmaha balse nasiib darro meel la geeyo ma jirto,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Maxamed.

Qiimeyn ay samaysay hay’adda WHO sanadki 2011-kii ayay ku sheegtay in naafada ay 15% tahay bulshada Soomaalida. Laakiin Cabdiraxmaan Luunge oo ah agaasimaha xafiiska arrimaha naafada ee madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay in 20% ay yihiin qiyaas ahaan.

Waxaa hadda aqalka sare hor yaalla hindise-sharciyeedka naafada oo ay ku jirto dhimaha hay’adda qaranka ee naafada. Waxaa horay u ansixiyey aqalka golaha shacabka.

Previous Post

Haweenka Somaliland oo maanta shir weyne ku qabsaday magaalada Hargeysa

Next Post

BARNAAMIJKA GOBAAD

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 5, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Cadaado: Haween nolosha qoysaskooda ka maarayn jiray iibinta Khudaarta oo shaqo la’an noqday markii ay saameysay fatahaadda webiga shabeelle
Cunto-Yaraanta

Haweenka khudaarta ku iibiya Kismaayo oo wajahaya suuq xumo cuno yari biday

April 23, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 22, 2026
Next Post
blank

BARNAAMIJKA GOBAAD

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 07-MAY-2026

IDAACADDA 07-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 07-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-MAY-2026
May 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-MAY-2026
May 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-MAY-2026
May 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-MAY-2026
May 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-MAY-2026
May 3, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo