Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Baydhabo: Barakacayaal iibsaday dhul ay milkiyaddiisa yeeshaan

Radio Ergo by Radio Ergo
December 4, 2018
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Dadka ku barakacay Baydhabo oo iibsaday dhulal ay iyagu leeyihiin

Barakacayaasha Baydhabo oo la siiyay warqadaha lahaanshaha dhulka ay iibsadeen/Xusni/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Raxma Maxamed Ibraahim oo labo sano barakac ku ah magaalada Baydhabo waa markii ugu horreysay ee aysan welwel ka qabin in laga raro halka ay deggan tahay oo ah kaam lagu barakacay oo la yiraahdo Tawakal 2 oo ku yaalla magaalada Baydhabo.

Lix mitir oo uu uga dhisan yahay aqal yar oo baco, ulo, maryo iyo kartoomo la isku dhejiyay ah ayay kula hoyataa carruurteeda oo lix ah. Si ay u hesho milkiyadda dhulkaan waxay ku qaadatay inay dhismeyaasha ka shaqeyso afar bilood oo aan nasasho lahayn.

Lacagta ay ka soo hesho dhismeyaasha oo maalinba si ahayd ayay ku dedaashay inay qeyb ahaan aruuriso, si ay u bixiso $100 oo ahayd lacagta ku soo aadday si dhulka ay u hesho.

Qoys kasta oo ku nool xerada ay deggan tahay ayaa bixinayay lacagtaas, waxayna heleen dhul isku cabbir ah.

“Afar bilood ma nasanin, waxaan xil iska saaray sidii aan ku heli lahaa dhul aan leeyahay,” ayay tiri Raxma.

Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay shan jeer laga raray kaamam ay barakac ku ahayd, taas oo ku kalliftay in habeenno ay bannaan ku hoydaan iyada iyo carruurteeda, laakiin hadda welwelkaas meesha wuu ka baxay.

Hadda waxa keliya ee ay rajeynayso ayaa ah sidii ay ku dhisan lahayd guri ka wanaagsan aqalka ay hadda ku jiraan, waxayse qaadan doontaa muddo dheer haddii aysan helin cid ka caawisa sida ay tilmaantay.

Raxma oo carruurteeda keligeed korsata maaddaama ay kala tageen aabbahood waxay sidoo kale maareysaa nolosha qoyskeeda, maalintina waxay dabka shitaan hal waqti.

Xerada ay ku nooshahay waxaa ku deggan 157 qoys oo midkiba laga qaaday $100, lacagtaas oo wadar ahaan dhan $15,700, waxay ku iibsadeen dhulka ay hadda deggan yihiin oo ah xerada lagu barakacay ee Tawakal 2, oo cabbirkeedu yahay 300, oo mitir isku wareeg ah.

Qoysaska dhulka iibsaday waxay toddobaadkii hore heleen warqadaha lahaanshaha dhulka oo ay ka caawiyeen maamulka degmada Baydhabo iyo hay’adda guddiga qaxootiga Norway (NRC).

Cismaan Sheekh Maxamed oo ah hor joogaha kaamka Tawakal labo, ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in muddo afar bilood ah dadka xerada deggan laga aruurinayay lacagta. Lacagta waxaa lagu aruurinayay goob ganacsi oo uu leeyahay nin ka mid ah dadka deegaanka.

Guddi ka kooban toban qof oo laga soo xulay kaamka ayaa ka shaqeynayay lacag aruurinta.

“Waa dad ay dhibaatadu wada taabatay. Bay iyo Bakool ayay ka yimaadeen, meel ay ku noqdaanna malaha oo waxba kama dambeeyaan,” ayuu yiri Cismaan.

Dhammaan qoysaska xerada deggan waxay isku mid ka yihiin inaysan lahayn wax qorshe ah oo ay dib ugu laabtaan deegaannadii ay abaarta uga soo barakaceen sanadihii 2016 iyo 2017. Waxay isugu jiraan kuwo xoolo-dhaqato ahaa oo xoolihi ka dhammaadeen iyo beeraley soo iibsaday beerahoodii markii ay abaarti dhacday.

Boqollaal qoys oo ku nool 15 kaam oo uu ka mid tahay kaamka Tawakal labo iyo Caanoole ayaa iibsaday dhulalka ay barakaca ku yihiin, kuwaas oo aan hadda ka welwel qabin inay ku ledaan dhul laga rari karo xilli kasta.

Previous Post

Soomaaliya: Naafada oo caqabado ay ka haystaan helista waxay xaqa u leeyihiin

Next Post

Burco: Qoysas barakac ahaa oo dib ugu laabtay noloshoodii miyiga

Related Posts

In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km
Cunto-Yaraanta

In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km

September 21, 2026
Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda

September 19, 2026
Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska

September 16, 2026
Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer
Beeraha Iyo Xoolaha

Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer

September 15, 2026
Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari

September 14, 2026
Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo
Wararkii u Danbeeyay

Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo

September 11, 2026
Next Post
Nolosha xoolo dhaqatada Togdheer abaartii kadib

Burco: Qoysas barakac ahaa oo dib ugu laabtay noloshoodii miyiga

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 22-SEP-2026

IDAACADDA 22-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 22-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-SEP-2026
September 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-SEP-2026
September 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-SEP-2026
September 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-SEP-2026
September 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-SEP-2026
September 18, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo