Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

Qaxootiga xerada Dhagaxley oo wajahayo culeys dhinaca caafimaadka ah

Radio Ergo by Radio Ergo
November 9, 2018
in Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
Dad cudurka daacuunka ugu dhintay xeryaha qaxootiga Dhadhaab

Sawir kayd/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Bukaanno dawadii ay ka qaadan jireen isbitaalka xerada Dhagaxley, oo ka tirsan xeryaha Dhadhaab ee gobolka waqooyi-bari ee Kenya ay ka istaagtay ayaa dareemayo xanuunno. Waxay tani ka dambeysay, kaddib markii 1-dii November, 426 shaqaale ah oo ka howlgalayey isbitaalka Dhagaxley iyo labo xarumood oo caafimaad oo ay gacanta ku heysa hay’adda dhakhaatiirta aan xuduudda laheyn ee MSF ay shaqo joojin sameeyeen.

Shaqo joojinta ay sameeyeen shaqaalaha  ayaa la xiriirto cabasho ay ka qabaan mushaarka ay qaataan oo yar  iyo in shaqooyinka ay qabtaan iyo dakhliga soo gala ay kala badan yihiin.  Adeegyadii isbitaalka iyo labada xarumood ayaa istaagay, marka laga reebo qeybta gargaarka deg-degga ah oo iyadu wali shaqeyneysa, qeybtaasoo ay isla MSF maamusho.

Kamaal Cali Maxamed, waa 27-jir qaxooti ah oo la nool xanuunka sonkorowga. Waxaa uu sheegay in uu daawo cirbad ah oo u isticmaali jiray xanuunka uu isbtitaalka Dhagaxley ka qaadan jiray.

Daawada oo uu qaato 15-kii maalmoodba mar, ayaa tan iyo maalintii Isniinta ee  5-tii bish ay ka go’an tahay. Ballantii uu ku lahaa isbitaalka oo u ku qaadan lahaa daawada isla maalintaas ayuusan ugu suurtagelin in uu helo, waxayna taas ku keentay in ay sonkortu ku kacdo oo uu xanuunsado. Farmashi gaar loo leeyahay oo qoyskiisu geeyeen si daawada xanuunka loogu helo ayaa nasiib darro aanan daawadii uu u baahnaa uusan Kamaal ka helin.

“Run ahaantii markii isbitaalka la xiray maalmo mugdi ah ayaan galnay, dadkii na siinayay daawada ayaa goobta ka maqan.  Daawada cirbadda time (wakhti) bay leedahay. Haddii ay dhaafto sonkorteyda high (sare) ayey noqoneysaa , saaka oo aan kula hadlayo waa 29”, ayuu yiri Kamaal Cali Maxamed.

Waxaa uu sheegay in uusan daawada uu u baahan yahay uusan u doonan karin xarumaha caafimaad ee kale  ee xeryaha kale ee qaxootiga ku yaalla,  isagoo aanan awoodin in uu iska bixiyo lacagta ay qaataan gaadiidka ka shaqeeya xeryaha dhexdooda oo qiimo ahaan dhan xerada ugu dhow oo ah Ifo 1000 shilinka Kenya ah oo dhiganto $10.

78,000 oo dad ah oo ku nool xerada Dhagaxley ayaa wajahaya culeysyo caafimaad, iyada oo ay saameynta ugu weyn dareemeen dadka nugulka ah, sida waayeelka,  kuwa la nool xanuunada wakhtiga dheer,  haweenka uurka iyo carruurta.

Isbitaalka Dhagaxlay ayaa ka kooban qeybaha bukaan jiifka iyo bukaan socodka oo halkii habeen ay seexan karaan 190 qof oo bukaan ah, qeybta dhalmada, tan HIV/AIDS, xanuunnada masaxda, iyo qeybta nafaqeynta. Labada xarumood ee kale ee ay iyaguna howlahoodii joogsadeen ayaa bixiya adeegyo daweynta dadka qaxootiga ah iyo qaabillaad maalmaha ah.

Shaqo-joojinta ay sameeyeen shaqaalaha, ayaa saameysay boqollaal qof oo maalin kasta u iman jiray isbitaalka iyo labada xarumoodba howlo daweyn iyo baaritaanno caafimaad isugu jira, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay, Abuubakar Maxamed oo ah sarkaal dhinaca arrimaha bani’aadanimada u qaabilsan MSF.

Shaqaalaha shaqada joojiyey, waxay ka cabanayaan in mushaarka ay qaataan uu yar yahay  iyo in ballamo ay horay ay hay’addu ugu qabatay oo ahaa, in laga taageeri doono dhinaca tababarrada aysan waxba ka qabsoomin.

Cabdirisaaq Digaale Cabdi, waa mid kamid ah shaqaalaha qaxootiga ah ee shaqo-joojinta ku jira. Waxa uu ka howlgalayey qeybta xanuunnada ku dhaca maskaxda ee isbitaalka, oo uu ka ahaa caawiye dhakhar. Waa aabaha shan carruur ah.

Wuxuu sheegay, in lacagta mushaarka ee uu qaato bishii oo dhan 9,200 oo shillin ($92), aanay ku filneyn qoyskiisa.

Cabdirisaaq ayaa tilmaamay, in ka hor inta aanay shaqada joojin ay dhowr mar MSF kala hadleen cabashadooda, hase ahaatee aysan hay’addu waxba ka qaban taas.

“Maciishadda maanta halka ay mareyso iyo biilkeyga magaalada la iiga leeyahay aan ku kala bixinayo aad ayay u kala duwan yihiin. Magaalada anoo buuqsan, cid na aan la hadlaynin oo stress-gareysan (Walwal) ayaan ka baxaa, taana waxaa keentay  wixii aan  soo qaatey  oo meel ku kala hagaajiyo aanan garaneyn. Saddex carruur ayaa dugsi ii dhigata, halkii cunug dugsigiisa waa 500 oo shillin ($5), meel kale oo dhaqaale iga soo gelayana malahan. Mushaarkii aan ku bixin lahaa ilmaha caanohooda waa uun intaa”.

Abuubakar Maxamed oo aan wax ka weydiinay cabashada shaqaalaha shaqo joojinta sameeyey ayaa sheegay in ay la socdaan xaaladooda, laakiin uu socda dadaal dib shaqada loogu soo celinaya.

“MSF waxay xaqiijineysaa in shaqaalaha qaxootiga, oo tiradoodu dhan tahay 426 shaqaale ah ay shaqada joojiyaan, taasna waxay MSF ku khasabtay in ay shaandeyn ku sameyso howlgalkeedii xerada, waxayna ku soo koobtay in ay gargaarka deg-degga ah gaarsiiso ummadda halkaas ku nool. Waxaa jira wada-hadal socda labada dhinacba, waxanan rajeynayaa in sida ugu dhakhsaha badan ay arrintan ku soo gabagaboobi doonto si is-fahan ah”.

Cali Magan Maxamed , oo isna kamid ah qaxootiga deggan Dhagaxley, oo xaaskiisa Xabibo Ismaaciil Maxamed oo 30-kii bishii hore ilmo meyd ah ku dhashay isbitaalka ayaa hadda dareemeyso qandho, madax xanuun iyo  hurda yari. Isbitaalka ayaa lagu daweynayey ka hor intii aysan adeegyadiisa hakan.

“Habeen ma seexaneyso, meel kasta waa laga hayaa,  daryeel caafimaad ma heysato. Jirka dhan waa xanuunayaa – xubin xubin. Lugaha iyo lafaha waxaa moodaa in la qaniinayo”

Cali ayaa sheegay in xaaskii ay inta badan ku xanuunsato umusho. Horay  afar cunug ayaa ka geeriyootay, markii ay umushayba, laakiin waxay xilligaas heleysay daryeel caafimaad oo isbitaalka ayaa siinayey daawooyin xaaladeeda lagula tacaalayey.

Sarkaalka MSF ka tirsan, oo aan wax ka weydiinay arrinta tababarrada aysan helin shaqaalaha shaqada joojiyey, ayaa sheegay in marar badan ay isku dayeen in ay tabarro u helaan, hase yeeshee aysan u suurtagelin in tiro badan oo shaqaale ah hal mar loo tababaro. Laakiin ugu dambeyn ay tababar u heleen lix shaqaale ah oo hadda ku tababarayo machad caafimaadka Gaarisa ee MTC.

Adeegga caafimaadka, ayaa kamid ah kuwa bilaash ah ee ay helaan qaxootiga deggan xeryaha Dhadhaab.

Dadka ku nool Dhagaxley ayaa marka laga tago xarumaha caafimaadka iyo isbitaalka xiran , meesha ugu dhow ee ay gargaar caafimaad oo kale ka heli karaan waa xerada Ifo oo Dhagaxley u jirta ilaa 15-km dhinaca waqooyi.

Waa dad danyar ah oo la daalacaya nolosha adag ee qaxootiga, taasoo u suurtagelineynin in ay adeeg caafimaad u doontaan xeryaha kale, iskamana bixin karaan kharashaadka gaadiidka loogu kala raaco xeryaha dhexdooda.

 

Previous Post

Dhadhaab: Saameyn ka dhalatay adeegyadii caafimaadka isbitaalka Dhagaxley oo istaagay

Next Post

Dhageyso barnaamijka gobaad

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Dhegeyso barnaamijka Gobaad

Dhageyso barnaamijka gobaad

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo