Isbitaalkaan wareega waxaa aasaasay toddoba hawl wadeen caafimaad oo la taleefon ay dadku ka wacaan, kadibna bukaanada ugu taga guryahooda, kuna baara, kadibna daaweeya, takhtaradaan waxay isugu jiraan laba dhakhtar oo ku takhasusay cudurada guud, shaybaariste, mid ku takhasusay daawada iyo laba kaaliye caafimaad.
Muxyadiin Dabeyl oo ah gudoomiyaya takhaatiirtaan ayaa sheegay inay adeegaan u sameeyeen markay arkeen isbitaalada gaarka loo leeyahay oo qaali ah, ayna dadka markay daaweyaan ka qaadaan wixii ay awoodaan dhaqaale.









