Tuulada Baliqadhaadhe oo ka tirsan degaanka Qoryaale oo magaalada Burco 73km dhanka koonfur bari ka xiga ayaa lagu soo waramayaa in xanuunada shubanka iyo gawracatada uu ka dilaacay, siduu sheegaya Cabdicasiis Maxamed Maxamuud oo ah hawl wadeen caafimaad, madaxna ka ah xarunta xanaanada hooyada iyo dhalaanka ee Qoryaale. Maxamed Xasan oo Ergo ka tirsan ayuuna khadka teleefoonka ugu waramay.









