Sanad walba maanta oo kale waxaa caalamka laga xusaa maalinka tallaalka dabeysha, oo lagu soo bandhigo wax yeellada cudurka ugeysto carruurta ka yar da’da shanta sano.
Unicef, WHO iyo Wasaaradda Cafaimaadka ee dowladda fedraalka ee Soomaaliya ayaa dadaallo badan ku bixiya sanad walba sidii loo tallaali lahaa kumannaan carruur ah oo ku nool caasiamdda iyo gobollada dalka si loo dabar gooyo cudurkaas.
Faham badan kama heystaan walidiinta faa’idada uu tallaalka u leeyahay carruurta, iyagoo aaminsan in xanuunno hor leh carruurtooda ay haleelayaan haddii ay tallaalaan, balse sanadihii danbe dadku wacyi galin badan kaddib waxay billaabeen inay ku dhiirradaan in carruurtooda ay ka tallaalaan lixda cudur ee dilaaga ah.
Si guud looguma guuleysan in dadka oo dhami ay wada fahmaan faa’iidada tallaalka uu u leeyahay carruurta, balse wacyi galinno ay sameeyaan hay’adaha caafiamdka ku shaqada leh ayaa badalay aragtiyo badan oo dadku ay qabeen.
Caasho Xasan Cali waa hooyada saddex carruur ah oo mid ka mid ah uu wiil yahay ,waxa ay sheegtay in tallaalka ay aragtiyo qaldan ay ka aamainsaneyd sanado badan balse wacyi galin ay ka heshay bahda caafimaadka kaddib ay ku dhiirratay in carruurteeda ay tallaasho.
Waxay sheegtay in da’dii ugu horreysay oo ay dhashay in ay ka madax adeegtay in ay tallaasho balse, markii danbe ay go’aansatay in carruurteeda ay helaan tallaal si ay uga badbaadiso cudurrada dilaaga ah ee ku dhaca caruurta. “Saddex carruur ah ayaan dhalay labo ka mid ah tallaalay, da’da ugu horreeysa ma talaalin, sababtoo ah tallaalka khalad ayaan ka aaminsanaa, midka aan tallaalin dhowr mar buu iga xanuunsaday kaddib waxaan go’aansaday in carruurtayda tallaalo haddana dhammaan waa tallaalan yihiin, dad badan ayaa igu dhiirri gelayay inaan tallaalo, iyo bahda caafimaadka, sidaasna carruurteyda ay ku heleen tallaal.” ayey tiri Caasho.
Caasho ayaa Ergo u sheegtay in carruurteeda markii ay tallaashay kaddib aysan ku arag xannuuno isla markaana difaacooda uu wanaasgan yahay, waxa ay tilmaantay in marna aysan ka baaqsan doonin in carruurteeda ay tallaasho.
Waxaa jira is faham waa inta badan soo kala dhex gala kaaliyeyaasha caafimaadka ee xaafada geeya talaalka iyo waalidiinta, iyadoo mararka qaar ay dhacdo in dhibaato ay kala kulman.
Mahad Axmed waa mid ka mid ah dhallinyarada ka shaqeeya Wadajir MHC ee Muqdisho, waxaa uu sheegay in fahamka dadka sanado ka hor uusan wanaasaneyn dhanka tallaalka carruurta waqti badana ay ku qaadan jirtay in carruurta loo tallaalo dadka ay xafadaha uga tagayaan.
Waxa uu xusay in waqtiga horay uu kaga lumi jiray ka dhaadhicinta walidiinta sidii carruurtooda ay u tallaali lahaayeen, basle hadda dadku ay wax badan fahmeen. “Dadka tallaalka ma aaminsana, haddana caqabado badan ayaan kala kulannaa, waqti badan ayaan ka dhaadhicin jirnay tallaalka, haddase dadku way fahmeen, markii hore sun in carruurtooda la tallaalayo ayay rumeysnaayeen, hadase dadku ayagaa naga dalbada inaan carruurtooda tallaalno. ” ayuu yiri Mahad.
Wasaaradda caafimaadka dhankeeda waxa ay waddaa sidi dalka looga dabar gooyn laha cudurka dabeysha, isla markaaana waaliddiinta loo fahamsiin lahaa faa’iidada tallaalka uu u leeyahay Carruurtooda.
Ibraahin Maxamed Nuur Agaasimaha tababarrada wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegay in dhankooda ay wadaan sidii dadku ay u fahmi lahaayeen tallaalka.
Waxa uu sheegay in sanadkii 4 jeer tallaal ay fuliyaan dadkuna ku dhiirranayan, isla markaana carruurtooda ay tallaalayan. . “Fahamka dadka wa is badalay, sababtoo ah colaado ayay ka soo baxeen, waxaana sahlay dadku inay fahmaan wacyi galinada inta badan laga sameeyo idaacadaha, wsaaradda caafimadka sanadkii 2017 shaqo badan ayay qabatay oo u badan sidii looga hortagi lahaa khataraha cudurka, dhaqaalo fara badan ayaa lagu bixiyay, gobollada dalka oo dhan ayaa laga wadaa wacyi galinta,” ayuu yiri Ibraahim.
Agaasimaha ayaa intaas ku daray in marna aysan ka daali doonin wacyi galinta dadka si wax badan ay uga fahmaan tallaalka carruurta. “Talada aan soo jeedinayo waxa ay tahay in waalidiinta ay ka faa’ideystaan tallaalka oo lacag la’aan ah isla markaana qof waliba meesha uu deggan yahay aan ugu geeysno, si dadku ay u fahmaan carruurtoodana ay u tallaalaan,” ayuu yiri agaasimaha.









