Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga raray xero ku taal Burco oo hoy la’aani ku haysato goob la dejiyey

Radio Ergo by Radio Ergo
October 5, 2018
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Wax la’aanta barakacayaasha Baydhabo iyo cidda

Sawir/kaydka/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Aamina Yuusuf Cabdi waa hooyada 7 carruur, waxay kamid tahay tahay qoysaska loo soo raray Dhaamka Sii bakhti. Iyada iyo carruurteeda waxaa hadda hoy u ah aqal cooshad ka sameysan oo ay dib u dhistay kaddib markii aqal kan lamid ah uu gebi ahaanba burburiyey roob todobaadkaan da’ay deegaanka.

Roobka ayaa sidoo kale qaaday raashin wixii ay haysteen oo isugu jiray bur, bariis iyo mesego, hadda maryo iyo baco la isku xir xiray oo ciid ay hareeraha kaga moostay ayey u hoyadaan.

“Annagoo iska kala daadsan oo markii horaba xaaladeena adkeyd ayaa roob nagu soo rogmaday, gogoshii ka qoyday. Buusashkii markii uu roobkii helay xagga hoose iyo xagga saraba way dumeen oo dib ayaan haddana u dhisnay, mase ah wax roob iska xejin kara” ayey tiri Aamina.

Aamina waxay ka mid tahay 100 qoys oo 5 Sebteembar laga saaray xoro ciidanku lahaa oo ku taala Burco, halkaasoo ay deganaayeen muddo 20 sano ah, waxaana dawladda Hoose dejisay goob kale oo dawladdu leedahay oo 9km u jirta magalada.

Waxay qoyska Aamino hadda nolol ahaan ku tiirsan yihiin caawimaad dhinaca raashinka ah oo ay ka helaan dad ay ehel yihiin oo gudaha Burco ku sugan oo mar mar u soo dhiiba raashin. Wixii ka horreeyey intii aysan soo deggin xeradaan cusub oo la dhaho Dhaami-Sii bakhti nolosha qoyska waxay ku tiirsanaayeen miis ay ku iibiyaan bagaashka oo xeradii laga saaray ay ku lahaayeen.

Dhammaan adeegyada aas-aasiga ah sida goobaha waxbarashada iyo caafimaadka labaduba malahan deegaankan.

“Waad u jeedaa suuliya ma lihin, carruurihii jidadkay ku saxaroonayaan, maamulkii na soo rarayna dib noogumaysan soo noqon, dowladda meel aanan u dacwoon oo maamulka ah malahan, welina wax ma hayno” ayey tiri Aamina.

Qoyasaskaani waxay sheegeen in keliya ay dowladda hoose ku caawisay gaadiidkii ay ku soo guurayeen iyo dhulka ay degeen, laakiin aysan jirin wax caawimaad ah oo kale oo ay helaan haddiii ay noqon laheyd guryo loo dhisay ama raashinba.

Guddoomiyaha guddiga arrimaha bulshada dowlada hoose ee Burco Khadar Nuux Siciid ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in ay wadaan qorshayaal ilaa 100 guri oo jiingado ka sameysan iyo musqulo ay u dhisi doonaano, welise wax arrintaas ka hir galay ma jirto.

Qoyasaskaan meesha la dejiyey uma dhowa goob waxbarasho, waxayna carruurtoodii yihiin kuwo muddo bil ah aan dugsiyo tegin.

Saado Saleebaan Cige waa hooyo halkan ku heysata 9 caruura ah, hoy la’anata hadda haysata waxaa u dheeg in 6 carruurteeda ka mid ahi aysan mudo bil ah wax waxbarasho ah aadin, waxaana ka mid ah carruurtaas 19 jir ah oo hadda fasalka afraad ee dugsiga sare ee Sheekh Ibraahim dhiganayey.

“Goobtaan nalaga soo raray carruurtu waa iigu wada dhalatay, iskuulka waa ii dhowaa, kii waxbarashada ku bilaabay ayaa hadda dhamayn rabay sanadkaan, gaadiidka taga Burco ee meesha mara sii socod iyo soo socod 2 dollar ayuu qaadanayaa, mana awoodo inaan ka bixiyo, lugna laguma tegi karo” ayey tiri Saado.

Daahir Jaamac Muuse oo kamid ah gudi 10 xubnood ka kooban oo dadkaani samaysteen si ay u helaan hoy sheegay in dadka ay si dhakhso ah ugu baahan yihiin hoy iyo suuliyaa iyo in meel gudaha magaalada la dejiyo si ay qoysaskooda ugu shaqeeyaan, carruurtiina iskuulada dib ugu noqdaan.

Previous Post

Dad ku barakacsan Gelinsoor oo Galgaduud ka tirsan ayey haysataa hoy la’aani xilligaan roobka

Next Post

Qoysas laga saaray gudaha Burco oo hoy la’aan ka cabanaya

Related Posts

Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah

June 19, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qiimo la’aanta ku dhacday lacagta dalka oo wiiqday rajada ganacsatada Baydhabo

June 18, 2026
Haweenay qurbojoog ah oo shaqo iyo xirfad u abuurtay xoolo-dhaqatada Soomaaliland
Beeraha Iyo Xoolaha

Haweenay qurbojoog ah oo shaqo iyo xirfad u abuurtay xoolo-dhaqatada Soomaaliland

June 16, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku nool Dhuusomareeb oo nolol xumo haysay uga baxay ka ganacsiga birta duugga ah

June 15, 2026
Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd

June 13, 2026
Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda

June 10, 2026
Next Post
Dabeylo khasaare u gaystay barakacayaal

Qoysas laga saaray gudaha Burco oo hoy la'aan ka cabanaya

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 19-JUN-2026

IDAACADDA 19-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 19-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-JUN-2026
June 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-JUN-2026
June 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-JUN-2026
June 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-JUN-2026
June 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-JUN-2026
June 15, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo