Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Hiiraan: Beeraley wadda qorshe ay uga hortagayaan fatahaadda

Radio Ergo by Radio Ergo
October 3, 2018
in Beeraha Iyo Xoolaha, Masiibooyinka, Wararkii u Danbeeyay
0
Webiga Shabeelle oo ku fatahay Jowhar iyo Balcad

Sawirrada keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO)- Luul Cabdi Sheekh oo beeralay ah waxay weli xusuustaa maalintii xanuunka badnayd ee fatahaaddu baabi’isay beerteeda oo ku taalla tuulada Leebow oo Baledweyne u jirta ku dhowaad 11km. Waxay ahayd shan bil uun ka hor.

”fatahaaddii dhacday waxba iima reebin, dalagyadii oo noo fiican oo aan shaqo badan gelinay, oo gelayda aan ku beernay, oo qudaarta ku beernay ayaa biyuhu naga qaadeen,”ayay tiri Luul

Luul oo keliya ma aha beeraleyda dhibaatadu ka soo gaartay fatahaadda ka dhacday gobolka Hiiraan waxaa tuuladooda fatahaadda darteed uga barakacay in ka badan 300 oo beeroley ah, kuwaas oo hadda dib ugu soo laabtay si tabac kale ay u samaystaan.

Iyada iyo in ka badan 300 oo beeralay ah waxay tan iyo bilowgii bishii hore wadeen inay carro tuur u sameeyaan beeraha, si biyaha webiga aanu u soo galin. Waxay arrintan ka dambaysay markii Raadiyo Ergo ay ka dhagaysteen farriimo ay jeedinayeen qubarro aan wareysannay oo ka hadlayay sida beeralaydu fatahaadda webiga uga hortagi karaan.

Waxay sheegtay Luul in beerteeda oo biyo ay qaadeen ay doon ka raacday markii fatahaaddu dhacday, waxay ka qaban kartan aysan jirin markaas.

Gobolka Hiiraan oo ka mid ah meelaha ugu badan ee fatahaaddu ka dhacdo roob kasta ayaa middii ugu dambaysay waxaaa ku dhinta 17 qof, waxaa ku barakacay in ka badan 60,000 oo qoys oo beerolay u badnaa, halka in ka badan 10,000 oo hegtar oo beero dalagyo lahaana ay ku baaba’een sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Xuseen Cismaan Cali guddoomiye ku xigeen arrimaha bulshada ee gobolka Hiiraan

Cabdikariin Xasan Maxamed oo qabiir dhanka beeraha ah oo la shaqeeya beeralayda labada shabeelle ayaa Raadiyo Ergo ka wareysatay sida beeralayda sanad walba dalagyadu ka qasaaraan ay u heli karaan qorshe ay fatahaadda uga badbaadin karaan beeraha.

Wuxuu sheegay in beeraley badan ay deegaannada beerahooda ku yaallaan ka tagaan kaddib markii ay ka quusteen in dalagyadu u badbaadaan. Cabdikariin ayaa xusay in haddii beeralaydu iskaashadaan laga gudbi karo fatahaadda waxyeelladaa dalagyada beeraha fatahaadda ka soo gaarta, taas oo hadda beeraleyda tuuladan bilaabeen taladan in qorshe ay samaystaan.

Cali Mahdi Cismaan oo ah guddoomiyaha iskaashatada tuulada Leeboow ee gobolka Hiiraan ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in meelaha uu wabigu ka soo fatahi jiray dhul ku teedsan oo 200 oo mitir ka badan ay dhigeen juwaanno ay carro ku shubeen, korna ay u dhiseen hal mitir iyo bar.

Wuxuu sheegay Mahdi fatahaaddii hore ay kaga qasaartay lacag gaaraysa $10,000 fatahaad kasta oo timaadana ay sidaan oo kale u qasaaraan balse qorshahaan oo ay markii ugu horreysay ay sameeyaan.

Tuulada Leebow oo keliya lagama wado howlahan beeralaydu ay uga hortagayaan fatahaadda inay ka baabi’iso dalagyada. Beeroleyda tuulooyinka qaar ee gobolka Hiiraan ayaa siyaabo kala duwan isugu dayaya in wax uun ay sameeyaan.

Cabdiwahaab Cabdullahi oo ka mid ah beeroleyda tuulada Damalloow oo Baledweyne u jirta 15 km ayaa sheegay in Raadiyo Ergo uu ka dhageystay wareysi aannu la yeellanay qubaro dhanka beeraha ah oo ku saabsanaa in beeraha ay kala hor mariyaan dalagyada biyaha badan aan qaadan karin una wareejiyaan meelaha beertu dalcadda ka tahay.

Cabdiwahaab wuxuu ka mid ahaa dadkii ka barakacay tuulada Damalloow fatahaaddii ka dhacday gobolka Hiiraan shan bil ka hor, wuxuu sheegay in fatahaadaha is daba socda ay saameyn ku yeesheen wax soo saarkooda. Wuxuu xusay in beer 12 hektar ah oo beertay roobkii hore.

Xuseen Cismaan Cali guddoomiye ku xigeen arrimaha bulshada ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay ogyihiin qorsheyaasha ay wadaan beeroleyda hase yeeshee maamulkoodu aanu awoodin inay ku caawiyaan wax wacyi-gelin ka badan.

Qubarrada ayaa sheegay in saamaynta fatahaadda aysan ku dhacaynin dadka wax beerta oo keliya balse ay saamaynayso suuqyada dalka, haddii arrintan ay sii socotana la gaari doono heer dadku ay beeraha dalagyada ka soo go’a waayaan oo dibadda loo doonto qudaarta iyo dalagyada kale ee fatahaaduhu ay qaataan.

Previous Post

Barnaamijka beeraha

Next Post

Puntland: Xarumaha caafimaadka ee Sanaag iyo Sool oo la xoojinayo

Related Posts

Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah

June 19, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qiimo la’aanta ku dhacday lacagta dalka oo wiiqday rajada ganacsatada Baydhabo

June 18, 2026
Haweenay qurbojoog ah oo shaqo iyo xirfad u abuurtay xoolo-dhaqatada Soomaaliland
Beeraha Iyo Xoolaha

Haweenay qurbojoog ah oo shaqo iyo xirfad u abuurtay xoolo-dhaqatada Soomaaliland

June 16, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku nool Dhuusomareeb oo nolol xumo haysay uga baxay ka ganacsiga birta duugga ah

June 15, 2026
Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd

June 13, 2026
Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda

June 10, 2026
Next Post
Bangiga Islaamka oo daawo gaarsiiyay barakacayaasha Puntland

Puntland: Xarumaha caafimaadka ee Sanaag iyo Sool oo la xoojinayo

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 20-JUN-2026

IDAACADDA 20-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 20-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-JUN-2026
June 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-JUN-2026
June 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-JUN-2026
June 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-JUN-2026
June 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-JUN-2026
June 16, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo