Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Dhallinyaro ka faa’idaystay mashruuc laga fulinayo magaalada Baydhabo

Radio Ergo by Radio Ergo
October 1, 2018
in Arrimaha Bulshada, Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Dhallinyaro ka faa’idaystay mashruuc laga fulinayo magaalada Baydhabo

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Xasan Maxamed Dhabar oo 27 sano jir wuxuu ka mid yahay 437 dhallinyaro ah oo ka faa’ideysanaya mashruuc lagu dhisayo labo waddo oo ku yaalla magaalad Baydhabo.

Waxaa mashruuca $700,000 ku maalgelisay hay’adda Nordic International Support Foundation oo laga leeyahay dalka Norway taas oo u wakiilatay maamulka Koofur-galbeed in mashruuca uu fuliyo, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay agaasimaha wasaaradda howlaha guud ee maamulka Koofur galbeed Maxamed Suufi Aadan.

Waxaa dadka shaqo abuurka ka loo sameeyay oo uu  Xasan ka tirsan yahay laga soo xuley kaamamka dadka barakacay ay deggan yihiin ee magaalada, dadka danyar ah, kuwa ka soo laabtay qaxootiga iyo iskaashatooyinka muruq maalka ah ee magaalada ka xamaasha.

Wuxuu sheegay in bil ka hor inta aanay shaqada bilaabin hay’addu u tababartay isaga iyo dhallinyarada kale sida loo qoro, loo simo, iyo howlaha kale ee dhismaha waddoonyinka, isagoo shaqadan ka maareeyaa nolosha qoyskiisa oo shan ruux ka kooban.

Xasan oo ka soo barakacay deegaanka Deynuunay ee gobolka Baay wuxuu markii hore ka shaqeyn jiray jarista geedaha dhuxusha laga sameeyo oo uu sheegey in laga joojiya bishii March ee sanadkan kaddib amar ka soo baxay Al shabaab. Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in markaas kaddib ay barakac ahaan u yimaadeen magaalada Baydhabo isaga iyo qoyskiisa oo uun ay sugi jireen raashinka ay hay’adaha u keeni jireen.

“Shaqo qaab leh oo cid lagu biili karo ma haynin, shaxaad iyo gargaar baan ku nooleyn, shaqo abuur fiican baan helaa, maalintii shSo 300-400 oo lacag ah ayaan helnaa, waa ka badan tahay lacagta maalinlaha ah, laakiin waxaan sameeynaa inaan meel dhiganno,” ayuu yiri Xasan.

Waxaa mashruucan oo socon doona lix bil ah ka shaqeeya ku dhowaad labo boqol  oo haween  oo ay Saynab Maxamed Aadan ka mid tahay. waxay aruurisaa dhagaxda marka raggu jabiyaan, ma ahan shaqo ay horay u qabatay haddana dhib badan, balse waxay sheegtay inay kaga fiican tahay inay xero barakac dhex fadhiso iyada oo aan shaqo qabanaynin.

Labaatan doolar oo ay shaqadan ka hesho waxay $15 sheegtay inay meel dhigato. Waxay rajaynaysaa marka shaqadaan waqtiyayasan ka dhammaato in lacagta u aruurta ay ku samaysato miis ay ku iibiso alaabaha yar yar iyo qudaar.

Saynab oo deegaanka Qansax-dheere ka soo barakacday sanadkii 2017 kaddib abaartii oo ka dhamaysay 45 neef oo ari ah oo ay lahayd, waxay labo carruur ah ku haysataan iyada iyo saygeeda xerada Xanaano ee magaalada Baydhabo.

Waxay sheegtay inuusan jirin hadda ka hor qof qoyskeeda uga soo shaqeeya magaalada oo ay horay ugu tiirsanaayeen xoolahooda abaarta ka hor.

Agaasimaha guud ee wasaaradda howlaha guud, dib u dhiska iyo guriyeynta maamulka Koofur-galbeed Maxamed Suufi Aadan ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in mashruucan uu labo faa’iido u yahay bulshada magaalada Baydhabo oo ah in dadku ay shaqo ka helaan, bilicda magaaladuna ay hagaagto.

Wuxuu xusay in maamulku uu hay’adda ka dalbaday  inay waddooyinka sameeyaan ayna ka aqbaleen, taas oo uu xusay inay wax ka beddashay dhallinyarada dabiyada fadhiyay ee aan haynin waxay qabtaan.

wuxuu xusay agaasimuhu in mashruucan uu yahay mid tijaabo ah oo haddii lagu guulaysto la samayn doono waddooyinka magaalada oo dhan.

 

Previous Post

Akhriso wararka qiimaha xoolaha

Next Post

Sool: Nin naafo ah oo gaariga uu ku socdo qeyb kaga ganacsada

Related Posts

blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 16, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo

May 15, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Next Post
Sool: Nin naafo ah oo gaariga uu ku socdo qeyb kaga ganacsada

Sool: Nin naafo ah oo gaariga uu ku socdo qeyb kaga ganacsada

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 27-MAY-2026

IDAACADDA 27-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 27-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 27-MAY-2026
May 27, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 26-MAY-2026
May 26, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-MAY-2026
May 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-MAY-2026
May 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-MAY-2026
May 23, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo