Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Masiibooyinka

Kororka biyaha webiga Shabeelle oo cabsi ku abuurtay shacabka Beledwayne

Radio Ergo by Radio Ergo
September 6, 2018
in Masiibooyinka, Wararkii u Danbeeyay
0
Khatar fatahaad oo ka jirta webiga Shabeelle ee degmadda Beledweyne

Photo | keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Cabsi ayaa ka dhalatay kor-u-kac dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay laga dareemayay heerka biyaha ee webiga Shabeelle. Arrintan ayaa ka dambaysay roobabka xoogga leh ee ka da’aya dhulka sare ee Itoobiya. Cabsida ugu badan waxaa dareemaya dadka ku nool gudaha magaalada Beledwayne oo webigu uu dhowr meelood u kala qeybiyo.

Waxaa xusid mudan in weli ay furan yihiin goobihii uu webigu ka fatahay gaar ahaan kuwa ku yaalla hareeraha iyo gudaha magaalada. Bishii Abriil ee sannadkan ayay ahayd markii fatahaad uu webigu sameeyey ay ku barakeceen kumannaan qof.

Pro. Muuse Shaaciye oo la taliye dhinaca fatahaadaha iyo heerarka webiyada u ah hay’adda maamulka biyaha iyo dhulka ee (SWALIM) oo u warramay Raadiyo Ergo ayaa sheegay in gudaha Beledweyne ilaa afar meelood uu webigu ka furan yahay. Kuwaas oo ay ka dhalan karto khatar ah in mar kale biyo dhex fariistaan xaafadaha magaalada.

Pro. Muuse ayaa intaas ku daray in gunta hoose ee webiga ay ciid badan fadhido, taasina ay yaraysay biyo qaadkii webiga. “Waana qeyb kale oo kamid ah sababaha keena fatahaada,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Guud meelaha uu webiga Shabeelle ka maro gudaha Soomaaliya ayuu sheegay in ilaa 50 goobood ay xilligan furan yihiin, inta ugu badana ay ku yaallaan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe. Halka 124 meelood ee kalena yihiin goobo jilicsan oo webigu qarqarada ka jabsan karo.

Raadiyo Ergo ayaa madaxa arrimaha bulshada ee maamulka gobolka Hiiraan Xuseen Cismaan Cali wax ka waydiisay sababta loo xiray waayay goobaha wali furan, wuxuuna sheegay inaanay xilligan hayn dhaqaalihii ay arrintaas ku qaban lahaayeen.

Dadka magaalada ayaa intooda badan guryohooda dib ugu soo laabtay bishii Julaay ee sannadkan. Sidoo kale magaalada kama jirto habab digniino ah oo ay dadku kula socon karaan heerka biyaha iyo qalab ku xiran webiga oo ay ka fiiriyaan, ayaa hadda dantu ku khasabtay inay iyagu xilli kasta isha ku hayaan xaaladda biyaha webiga, si iyagoo hurda aan daadku ugu soo gelin.

Nuurto Xasan Axmed oo ah hooyo lix carruur ah dhashay, kana mid ah qoysaska ku nool xaafadda Xaawo Taako, ayaa Raadiyo Ergo u sheegtay in agabka gurigeeda u yaalla inta ugu muhiimsan ay xirxiratay xilligan, ayna diyaar u tahay inay carruurteeda la baxdo, haddii webigu uu fatahaad keeno.

Waxay sheegtay inay si joogta ah kormeer ugu tagto webiga, dhowrkii maalmood ee la soo dhaafayna ay dareemayso in biyaha uu webigu wado ay soo xoogaysanayaan. “fatahadii hore carruurta ayaa igaga dhiman gaaray, kaddib markii xilli habeen ah ay biyuhu aqalka noogu soo galeen,” ayay tiri Nuurto.

Magaaladda Beledweyne waxay dhacdaa dooxo uu webiga Shabeelle ku dhex meeraysto, afarta xaafadood ee ugu qadiimsan, uguna dadka badan magaaladda ayaana saaran dacalka webiga. Xaafadaha Hawl wadaag, Kooshin, Xaawo Taako iyo Buundoweyn ayaa ah goobo qararka webigu aad uga jilicsan yihiin, waana meelaha ugu daran ee cabsida fatahaadu ka jirto.

Previous Post

Dhadhaab: Qaxootiga oo ka cabanaya la’aanta adeegyada guriyeynta, saxada iyo biyaha

Next Post

Barnaamijka Gobaad

Related Posts

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 15, 2026
Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
Next Post

Barnaamijka Gobaad

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 16-MAY-2026

IDAACADDA 16-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 16-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-MAY-2026
May 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-MAY-2026
May 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-MAY-2025
May 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo