Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Wadayaasha bajaajta Baydhabo oo ay saamayn ku yeelatay maalmaha ay shaqeeyaan oo la yareeyay

Radio Ergo by Radio Ergo
August 27, 2018
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Baydhabo: Dadka ku shaqeysta bajaajta oo la yareeyay maalmaha ay shaqeynayeen oo saamayn ku yeelatay noloshooda

Sawirrada keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Dhallinyarada ku shaqaysta bajaajta ee magaalada Baydhabo oo nolol maalmeedkooda ka raadsada waxaa saamayn ku yeeshay amar taliska booliska Baydhabo uu saddex toddobaad ka hor ku kala qeybiyay maalmaha ay shaqaynayaan bajaajta ka shaqaysa magaalada oo uu u sababeeyay in shilalka ay bateen.

Dhallinyaradan oo isugu jira kuwa deggan Baydhabo iyo kuwa barakac ku ah oo abaaraha ka yimid waxay wadaan bajaaj ay leeyihiin dad ganacsato iyadoo maalintii 100 kun laga siiyo marka ay soo shaqeeyaan.

Cabdixakiin Isxaaq Maxamed oo 18-sano jir ah wuxuu ka mid yahay dhalinyarada ku shaqeysa bajaajta, wuxuu saddexdii maalinba shaqeeyaa hal maalin taas oo lacagta uu soo helo ay qoyskiisu ka baxsadaan waxay cunaan, wuxuu sheegay in labada maalin ee uu shaqo la’aanta yahay reerkiisu ay daynsadaan wax ay cunaan oo iska bixin doonaan marka ay lacag helaan.

Bishii wuxuu lacag ahaan u heli jiray saddex milyan oo shilinka soomaaliga ah doolar ahaana u dhiganta $130 iyo bar, laakin hadda xaalka sidaas wuu ka duwanyahay, wuxuu shaqeeyaa 10 maalin bishiiba taas oo ka helo 43 Doolar, lacagtan oo ku filneyn ku mareynta nolosha qoyska iyo midda iskuulka, wuxuu Raadiyo Ergo uga waramay isbadelkan bajaajyada lagu sameyay sida isaga u saameysay.

“Waxaa igu xariiray Qoyskeenna oo lix ka kooban oo aniga u weyn, aabbe wuu dhintey, bajaajta ayaan ka biili jiray, haddda marka duleel badan ayaa igu soo furmay,inta aan shaqeyo bishii ama maalintii shaqada leeyahay reerka ayaaba ku filneyn, waa arrin aad ii taabatay meel kale saacidaad aan ka helno ma jirto,”.

Cabdixakiin oo dhigta fasalka koowaad ee dugsiga sare wuxuu sidoo kale lacagta iskuulka isaga bixiyaa $15 iyo labo wiil oo la dhalatay oo dhigta dugsiga dhexe oo midkii bishii laga qaado $8, wuxuu xusay in lacagta iskuulka ay iska bixiyeen bishaan, hase ahaate ay welwel ka qabaan in ay bixin waayaan lacagta wixii bishaan ka dambeeyan.

Cabdixakiin oo marka uu iskuulka ka yimaado galinka dambe ku shaqaysta bajaajta wuxuu sheegay inuu iska dayn doono wadisteeda marka uu iskuulka dhameeyo oo uu shaqo kale raadsan doono si uu qoyskiisa u caawiyo.

Laamaha Amniga ee magaalada Baydhabo ayaa xal u arkay in tirada Bajaajyada oo gaaraya Kun iyo Sideed Boqol oo xabbo in maalintiiba ay lix boqol shaqeyso si loo yareeyo ciriiriga gudaha Magaalada kusoo kordhay, sidoo kale meesha ay ka baxdo shilal badan oo Magaalada ka dhici jiray.

Janaral Mahad Cabdiraxmaan aadan ayaa sababeynaya sida ay ku timid in bajaajyada qeyba maalin ay shaqeysa iyadoo loo sameeyey calaamado lagu garan karo sida maalmaha shaqada u leeyihiin, taas oo loo sameyey kallaro gaar ah.

“Amni ahaan ayaa xal u aragney in sidaan loo qeybiyo, Baydhabo bishii 100 ka badan shilal ah ayaa geysaneyeen bajaajleyda, magaalada waa hal waddo oo dheer waxay ka dhigeen ciriiri, waa in badbaado loo helaa marka arimahan dhan,waxan isku afgaraney Gudiga Bajaajleyda iyo laamaha amniga in sidan ku shaqeeyan, bajaaj kale oo dheeri ahna magaalada loo ogolaan hadda kaddib”

Maxamed Cabdullaahi Nuur, muddo laba sano ah ayuu ku shaqeynayaa Bajaajta uu hadda wadaha ka yahay , lacagta boqolka kun ah oo uu ka heli jiray bajaajta wuxuu ku maareyn jiray nolosho qoyskooda oo siddeed qof ka kooban, balse hadda wuxuu ii sheegey in labada maalmood oo uusan shaqada  laheyn ka qeyb qaato dhismayaasha guriyaha si nololsha reerkooda is badel uga imaan, maadama lacagta boqolka kun maalinta bajaajta Tookada leeyahay Biilka hal maalin yahay, waxaan weydiiyey sida ay u taabatay jadwalkan cusub ee bajaajleyda loo dajiyey.

“laba sano Bajaajta ayaa ku shaqeynayay aad ayaa nolosha qoyska wax uga badashey, hadda laakin markii Boqolka kun aan maalinta shaqadeyda wax ii tari waysayy ayaa dantu I bidday in aan saaxiibbo ka dhigto dhalinyaro dhismayasha ka shaqeya iyaga ayaan racayaa wixii aan kasoo heli karo 50 ilaa 60 kun oo shilinka intaas ayaa horey habeenki qoyska bariis, hilab iyo saliid wixii ii goyaon uga iibiyaa, maalintayda haddii la gaaro bajajta ayaa lasoo baxaa”

Cabdullahi wuxuu ka mid yahay dadkii abaarta kasoo barakacay, saddex sano ayuu deggan yahay magaalada Baydhabo gaar ahaana xerada ADC, wuxuu sheegay in masuuliyad ay saran tahay oo aanu meel iska fadhin Karin isagoo biil laga sugayo taas oo keentay inuu shaqo kale raadiyo

Bajaajta oo ay faa,iido ku qabaan dadweynaha magaalada iyo kuwa tuulooyinka deggan, iyagoo adeeg deg deg ah u qabsada, balse Waxaa hadda dadka tuulooyinka sameeyay amarka laamaha amniga kasoo baxay, kaddib markii Bajaajyada loo diidey inay bannaanka uga baxaan kontoroolada Magaalada baydhaabo.

Maxamed Xuseen Cali Wuxuu deggan yahay Deegaanka Ashaqow oo Baydhabo dhanka koonfur uga began 14Km, wuxuu sheegay in maalin kasta suuqa Baydhabo adeeg u imaan jiray balse hadda todobaadkii maalinta jimcaha magaalada u soo lugeeyo si uu uga soo adeegto maalintaas waxaa uu doonayo, Raadiyo Ergo ayuu uga warramay saamaynta bajaajta laga joojiyay duleedka magaalada ay ku yeelatay.

“Bajaajta kili kasta Aan u baahno waa heli jirney oo tuulada waa imaan jirtay, qof kasta suuqa dan ka leh wuu u raaci jiray, haddii qoyska qof ka xanuunsado halkan xarun caafimad ma leh Baydhabo ayaa qofki naga xanuunsan ku geysan jirnay, laakin hadda qofki Baydhabo rabo waa inuu lugeya qoraxda iyo haradka iyo daalka ayaa dad u dheer”

Dadka deegaanada degan oo kaliya ma aysan saamayn in bajaajta laga joojiyay banaanka magaalada Baydhabo ee waxaa iyaguna lacag ka heli jiray wadayaasha bajaajta oo halkii mar dadka ka qaadi jiray lacag u dhiganta tan ay maalintii oo dhan magaalada ka shaqaystaan.

 

 

Previous Post

Sanaag: Biyo yaraan ka jirta deegaanka Geed la-rifay oo dadka qaar ku qasabtay inay u hayaamaan deegaanno kale

Next Post

DHEGEYSO BARNAAMIJKA DHAQTARKA RAADIYAHA

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Dhegeyso Barnaamijka Dhaqtarka Raadiya

DHEGEYSO BARNAAMIJKA DHAQTARKA RAADIYAHA

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 16-APR-2026

IDAACADDA 16-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 16-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo