Saameynta gudniinka fircooniga ayaa weli ka jirta dalka Soomaaliya, iyadoo waalidiin badan aysan gaarin wacyigelinta lagu yareynayo ama lagaga hortagayo gudniinkaas.
In kastoo wacyigelintu ay ka socoto magaalooyinka, haddana tuulooyinka, deegaannada miyiga iyo xeryaha lagu barakacay ma helaan wax wacyigelin ah oo arrintaas la xiriirta.
Dhulalka magaalooyinka ka fog waxaa weli aad looga isticmaalaa am aka jirta sacnada gaboowday ee gudniinka fircooniga. Waxyeelladaas gaadha gabdhaha marka ay yar yihiin oo ku keento dhibaatooyin ay ka mid tahay dhiig-bax keeni kara dhimasho iyo naxdin ama argagax ku dhaliya inay gabadhu hadal reebato. Sidoo kale waxay sacnadaas ku yeelataa saameyn dambe oo nolosheeda ah.
Haddaba iyadoo ay taasi jirto ayaa maanta magaalada Muqdisho waxaa lagu soo gabogabaynayaa tababar ku saabsan sida ay warbaahintu u tebin karto wararka ama dhacdooyinka la xiriira gudniinka fircooniga. Waxaana soo qaban qaabisay Ifraah Axmed, oo ka shaqeysa arrimaha bulshada.
Fowsiya Cumar Barre oo ka tirsan Ergo ayaa wareysatay.








