Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Duruufaha oo ku khasbay haweenka soo barakacay in ay qabtaan shaqooyin adag oo aan haweenka looga baran

Radio Ergo by Radio Ergo
July 18, 2018
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Baydhabo: Haween barakacyaal ah oo qabta shaqooyin culus oo ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

 Boqollaal haween ah oo ku soo barakacay abaarihii u dambeeyay ee ka dhacay gobollada Bay iyo Bakool ee hadda ku nool magaalada Baydhabo ayaa qabta shaqooyin kala duwan oo ay ka soo saartaan nolol maalmeedka qoysaskooda. Qaarkood haweenkaas waxay ka shaqeeyaan shaqooyin culus, sida ka shaqeynta dhismeyaasha.

Awliyo Maxamed Xuseen, oo ah hooyo 35 jir ah waxay ka mid tahay haweenka ka shaqeeya guryaha la dhiso. Waxay ku nooshahay xerada barakaca Liibaan 1 ee magaalada Baydhabo. Muddo 8 bilood ah ayay ka shaqeynaysaa dhismeyaasha, waxayna shaqadaan billowday waxyar un kaddib markii uu geeriyooday seygeedii oo u dhintay cudurka daacuunka horraantii sanadkii 2017, si ay u daberto nolosha qoyskeeda.

Lacag dhan boqol kun oo shilin Soomaali ah una dhiganta 5 doolar oo ay ka hesho dhismaha ayay ku maareysaa nolosha carruurteeda oo 7 ah. Waxay qabataa shaqo u baahan xoog oo ah inay qaaddo baaldi ay ku jirto shamiito qasan oo 10 kiilo ah.

“Markaan shaqada soo galo waxaan soo uruuriyaa dhammaan baaldiyada oo aan keenaa goobta makiinadda shiideysa shamiitada, kaddibna marka lagu shubo ayaan qaadaa midba mar, mararka qaar jaraanjarada ayaan ku daalaa, sedex jeer ayaan kufay hadda ka hor, laakiin wax wayn ima gaarin, sidaas oo ay tahayna inta yar  ee aan ka qaato ayaa muhiim ii ah”

Lacagta ay Awliyo ka hesho shaqada dhismaha waxay ku maareysaa nolosha qoyskeeda, waxayna sheegtay in carruurteeda dabka loo shido labo waqti oo kala ah subixi iyo fiidki, maadaama maalinti ay iyadu shaqo ku maqan tahay.

“shaqo kasta oo aan kuu qalmin duruufta markaas aad ku jirto ayaa sabab u ah, caruurteyda reeraha kaamka ayaa kor iiga ilaaliya dhahaa, Subixii ayaa shaaha iyo Canjeero siiyaa, qado looma kariyo, galabtii waxaan imaanayaa aniga oo daalan oo dhabarka iyo madaxa I xanuunayaan, bariis iyo xoogga yaanyo ah aan suuqa horey uga soo iibiyo ayaa dabka u saarayaa,” ayey tiri Awliyo.

Shaqadaan dhismaha ah ma aha mid ay u hesho si joogto ah, waxayna maalmaha aysan shaqo helin raashin dayn ah ka qaadataa dukaamo ay macmiil yihiin, waxayna iska bixisaa marka ay shaqo soo hesho. Qoyska Awliyo wuxuu ahaa beeraley, waxayna ka soo barakaceen degmada Qansaxdheere oo Baydhabo u jirto 90 km bishii December ee sanadkii 2016.

Muddo saddex sano ah oo roob la’aan ay beertooda u tacban waayeen ayaa keentay in noloshii oo ku adkaatay darteed ay deegaankoodii ka soo barakacaan. Dalagga beerta uga bixi jiray  xili-beereed kasta ayay ka dhigan jireen cunto, caafimaad, arad-baxa reerka iyo keyd.

Xerada barakaca ee ay ku nooshahay Awliyo waxaa ku nool 400 oo qoys oo ah dadkii ku soo barakacay abaarta.

Haweenka soo barakacay ee ku nool xeryaha Baydhabo ee qabta shaqooyinka culus waxaa ka mid ah Muumino Cabdullaahi Cabdi, oo ku nool xerada barakaca ee Makoon. Muddo afar bilood ah ayay ku shaqeysanaysaa gaari-dameer ay ku soo qaado dhagaxayada dhismaha guryaha loo isticmaalo, waxayna ka iibisaa dadka wax dhisa. Halki mar ee dhagaxa ay keento waxaa laga siistaa lacag 60 kun oo shilin Soomaali ah una dhiganta kudhowaad 4 doolar iyo bar.

“Waxan ku jabiyaa Burus, mararka qar keligey mararka qaarna waa la iga caawiyaa soo saarista iyo jabistaba,gacmaha ayaan kuso qaadaa saas ayaa ku saaraa, shan jeer ayaan toddobaadki soo jabiyaa dhagaxa,” ayey sheegtay Muumino.

Duleedka Koonfur ee Magaalada Baydhabo KM ahaan ujirta 10KM ayay kasoo guraan, goobahaas oo ah dhulka meelo dhagaxyada laga helo,inkastoo dhul ahaan deegaanka dhagaxaantiisa ay badan yihiin.

Gaari-dameerka ay ku shaqeysato Muumino waa kiro, waxaana marki ay shaqo hesho laga qaataa 15 kun oo shilin Soomaali ah, waxayna lacagtaa bixisaa marki ay iib u hesho dhagaxa.

“subaxdii aniga marka aan u kaco shaqada dhagax jabinta aabaha reerkana wuxuu aadaa beeraha oo xoogsi u aado marka qofba wixii uu keeno ayaa reerka ku noolyahay, sababta aniga shaqadan ugu kacay waxay tahay in marka aabaha wax la aan imaado aniga aan wax soo helo isku xoog darsano”

Muumino Qoyskeeda waa 9 qof, waxay ka soo barakaceen degmada Diinsoor ee gobalka Bay oo Baydhabo dhanka Koonfur ka xigta 120 km, halkaas oo ay ku ahaayeen beeraley abaarti ka hor, laakiin roob la’aan saddex sano ka jirtay deegaankeeda ayaa keentay in wax dalag ah aysan beeran oo ay ku biiraan xeryaha barakaca ee Baydhabo.

In kastoo haweenka soo barakacay ay qabtaan shaqooyin kasta oo nolol maalmeedkooda ay ku maareyn karaan, haddana ka shaqeynta dhismeyaasha oo ah shaqo adag ayaa lagu arkayay muddooyinkii dambe.

Maxamed Shariif  Isxaaq oo ka tirsan golaha aqoon-yahannada Koonfur-galbeed kana shaqeeya arrimaha bulshada ayaa qabo  in shaqooyinka adag ee dumarku ay qabtaan ay kala kulmi karaan dhibaatooyin, sida in dhaawacyo ay ka soo gaaraan marka ay dhismeyaasha ka shaqeynayaan, taas oo waxyeello ku reebi karta haweenka, maaddaama ay ka nugul yihiin ragga.

Wuxuu sheegay in ay lagama maarmaan tahay in dumarkaas la baro xirfado ay ku shaqeystaan oo ay kala soo bixi karaan nolol maalmeedka qoysaskooda, wuxuu sidoo kale soo jeediyay in loo sameeyo maalgelin si kaalmo iyo inay shaqo adag qabtaan ay uga maarmaan.

“Maamulka iyo Hay’adaha waa inay iska kaashadaan sidii haweenka barakacyaasha loo bari lahaa xirfado ay ku shaqeystaan kuwaas oo dhibaato kasoo gaareynin tusaale ahaan waxaa ka mid ah Cilaansaarka, Dawaarka, Dhar kariska. Waxaan ku talinayaa in mashaariic xirfado lagu barayo la diyaariyo si shaqooyinkan adag haweenka qabanayaan uga baaqsadaan,” ayuu ku daray  Maxamed Sharif.

Abaaraha soo noqnoqday oo ka dhashay roobka oo yaraaday sanadihii la soo dhaafay ayaa sabab u ah in kumannaan qoys oo xoolo-dhaqato iyo beeraley ahaa ay sabool noqdaan kuna biiraan xeryaha lagu barakacay ee magaalooyinka.

 

Previous Post

Qiimaha Xoolaha

Next Post

Barnaamijka beeraha

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Beeraleyda Buurdhuubo oo ay ku adagtahay helitaan shidaal ay ku qotaan beeraha

Barnaamijka beeraha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo