Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

15 carruur ah oo cudurka shubanka ugu dhintay cisbitaalka Dayniile bishii ugu danbaysay

Radio Ergo by Radio Ergo
July 13, 2018
in Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
15 carruur ah oo cudurka shubanka ugu dhintay cisbitaalka Dayniile bishii ugu danbaysay

Sawir/Kaydka/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Hawl wadeenada cisbitaalka Dayniile ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in cudurka shubanka ay isbitaalkaas ugu geeriyoodeen 15 carruur ah tan iyo 3dii bishii June 2018. Waxaana hadda u jiifta 57 kale. Dhammaan bukaanadani waa carruur da’doodu ay ka yartahay 5-sano, ambalaas cisbitaalku leeyahay ayaana bukaanada ka soo daad gureeya xeryaha lagu barakacay ee ay kamid yihiin Rajo, Mubaarak iyo Aaysamo oo intuba ku yaala degmada Dayniile iyo sidoo kale Tuulooyinka Misileey, iyo Qandoole oo dhanka Waqooyi ka xiga degmada Walaweyn kana tirsan G/Shabellaha Hoose halka carruurta qaar laga keenay degmada Balcad.

Agaasimaha isbitaalka Dayniile Dr. Cabaas Cabdiraxmaan Shigow ayaa Raadiyaha Ergo u sheegay in deeganada dadkaan ay ka keenayaan aysan lahayn Isbitaalo. Dadkan ayaa ah kuwo aan haysan wax dhaqaalo ah oo ay ku daaweeyaan carruurtooda ama ay isaga bixiyaan gaadiid ay ku gaaraan isbitaalada kale ee magalada sida Banaadir, isbitaalkuna hadda siiyo adeegyo caafimaad lacag la’aan ah.

“Dadka deegaanka ayaa telefon noo soo dira, markay noo sheegaan tirade dadka liita ayaan u dirraa gaari ambalas ah oo qaada 12 qof markiiba qaada” Ayuu yiri Dr. Cabaas.
Cabdikhadar Bile oo ah maamule ku xigeenka Isbitaalka Dayniile sidoo kalena si gaar ah ugu qaabilsan gaadiidka gurmadka degdega ee dadka loo diro ayaa Radio Ergo u sheegay in qof kasta oo bukaan ah oo soo Waco ay u diraan abalaas meelkastoo uujoog.
“ Xarumo ayaan ku leenahay ilaa afar xero oo ku taala dhanka Afgooye, sidoo kale iyana xarumo ayaa noogu yaala xerooyinka ku dhirirsan wadada dheer ee siinka , qofku wuxuu noola soo xiriiri karaa labbo qaab oo midi yahay inuu si toos ah u soo Waco teleefan gaar ah oo aan aniga gacanta ku haayo” Ayuu yiri Cabdikhar.

Wuxuu intaas ku daray inay xeryaha ku dhejiyeen warqado lambaradu ku qoran yihiin, sidoo kale u sameeyeen dadka lambaro ila Wadaag ah oo si lacag la’aan ah ay ku soo wacayaan dadka wax wacaya oo lacagta ay innaga naga jarmayso.

“Marka bukaanadii aan daaweyno sidoo kale dib ayaan gaariga Ambulance-ka ugu celinaa halkii aan ka soo qaadnay markii hore, dhammaan adeegyadanina waa lacag la’aan, shalay oo u dambaysayna waxaa gaadidkaasi lagu soo qaaday 6 ruux aan ka soo qaadnay siinka dheer iyo gudaha Afgooye”ayuu yiri Cabdikhadar.

Muslimo Axmed Yuusuf wiil ay dhashay ayay kula jirtaa Isbitaalka Dayniile kasi oo shubanku ku dhacay, waxaana u dheer matag . Habeenkii Labaad oo ay ku hooyanayso isbitaalka, waxay Radio Ergo u sheegtay in markii hore ay wiilkeeda ku labbo maalin oo uu shubmayay.

Wuu tabar belay,keentay in afka uu wax ka qaadan waayo oo faleebo lagu quudiyo.
” Markaan shubanka ku arkay cunuga ma malaysan inuu yahay wax daran, kaniin baan farmasi uga soo iibiyay, labbo maalin kadib oo uu ka sii daray matakna uu ku daray waxaan ula soo cararay Isbitaalka, baaritaan ayaana lagu sameeyay waxaana dhaqaatirtu ii sheegen in la jiifinayo,hadda faleebo ayaa ku rakiban, waxaana aad moodda inuu soo raynayo” AYey tiri Muslimo.

Hooyadan ayaa Isbitaalka ku timid gaadiidka gurmadka Ambulance-ka oo degmada Afgooye ka soo qaaday kaasi oo ay la xiriiriyeen Mch-ka degmada Afgooye.

Agaasimaha isbitaalka Dayniile ayaa sheegay in labadii todobaad u dambaysay uu xanuunka dadka uu soo ridanayo ee la keenayo isbitaalka ay sii kordhaysay, carruuraha ay bareenna ay ku arkeen nafaqa darro, oo miisaankoodu aad u hooseeyo, waxayna shubanka u aanaynayaa biyo wasakh ah oo ka dhashay xilli roobaadkii, iyadoo xilligaanna ay da’ayaan roobabkii xagaagu oo qoyaanka badan yahay, saxada xeryuhuna liidato.

Deegaanada ka baxsan xeryaha Dayniile ee laga keenayo dadka waxaa ka mid ah tuulooyinka Misileey iyo Qondoole oo hoostaga Degmada Walaweyn oo 7km u jirta degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Previous Post

Guraceel: Carruura qoysaska abaarta ku soo cayrtoobay oo waxbarasho bilaash ah helay

Next Post

Dhageyso barnaamijka codka dhageystaha

Related Posts

Kulaylka cimilada iyo biyo yari isbiirsaday oo nolol adag galiyay reer-guuraaga Galgaduud
Beeraha Iyo Xoolaha

Kulaylka cimilada iyo biyo yari isbiirsaday oo nolol adag galiyay reer-guuraaga Galgaduud

August 21, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas laga raray xero barakac oo duleedka Garowe ku wajahaya dhibaato nolol xumo

August 21, 2026
Ganacsiga malabka oo bog cusub oo nololeed u furay danyar ku nool Shabeellaha hoose
Wararkii u Danbeeyay

Ganacsiga malabka oo bog cusub oo nololeed u furay danyar ku nool Shabeellaha hoose

August 20, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Dhallinyaro Hargaysa ka hirgaliyay waxbarasho dadka loogu geeyo guryahooda

August 17, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Reer-guuraa Galgaduud oo ka cabanaya cudur ka dilaya xoolaha oo il-dhaqaale u ah

August 14, 2026
Qoysas danyar ah oo soo kabasho ganacsi ka helay waddo cusub oo laga dhisay Badhan
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas danyar ah oo soo kabasho ganacsi ka helay waddo cusub oo laga dhisay Badhan

August 12, 2026
Next Post
blank

Dhageyso barnaamijka codka dhageystaha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 21-AUG-2026

IDAACADDA 21-AUG-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 21-AUG-2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-AUG-2026
August 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-AUG-2026
August 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-AUG-2026
August 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-AUG-2026
August 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-AUG-2026
August 17, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo