Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Somaliland: Kalluumeysato ku shaqo beelay duufaantii “Sagar”

Radio Ergo by Radio Ergo
June 8, 2018
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
KALLUUMEYSATO DIB LOOGU CELIYAY KENYA

Sawir/Keyd/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO)Saddex kun iyo shan boqol kalluumeysato ah oo ka jilaaban jiray xeebaha Somaliland ayaan muddo saddex toddobaad ah shaqo tagin, kaddib markii ay saameyn ku yeelatay duufaanta Sagar ee ku dhufatay qeybo ka mid ah deegaanada Somaliland 18-kii ilaa 19-kii bishii hore ee May.

Meelaha ay duufaantu hakisay howlihii shaqo ee kalluumeysiga waxaa kamid ah magaalooyinka Lughaya, Berbera, Saylac, Laas-qoray iyo Ceel-sheekh, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Cali Xuseen Nuur oo ah agaasimaha guud ee wasaaradda xanaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumeysiga Somaliland.

Lughaya waxay duufaantu waxyeeleysay kaydkii ugu weynaa ee kalluunka, waxay sidoo kale burburisay 4 talaagadood oo waaweyn oo ay ku keydsan jireen kalluunka islamarkaana yaallay xarunta ugu wayn keydka kalluunka ee Lughaya. Daadkii ku soo rogmaday magaalada wuxuu kala tagay dhammaan laashashkii ay ku kalluumeysan jireen oo yaallay meel aan ka fogeyn xeebta. Waxaa shaqo la’aan ah 1,500 oo kalluumeysato ah, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay guddoomiye ku-xigeenka iskaashatada kalluumeysatada degmadaas, Cawil Xuseen.

53 qof oo kalluumaysato ah oo gudaha badda ku jiray ayaa laga soo badbaadiyay Laasqorey 18-kii May, kaddib markii duufaantu ku heshay gudaha Badda. Inkastoo aanay dad wax ku noqon haddana waxaa burburay doomihii ay ku kalluumeysan jireen markii la geeyay xeeliga Badda, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Faysal Cali Sheekh oo ah guddoomiyaha Hay’adda u diyaar garowga aafooyinka iyo keydadka raashinka ee Somaliland.

17 doomood oo mid walba qaaddo afar qof ayaa Baddu kala tagtay Kalluumeysatada Laas-qorey iyagoo yaala xeebta. Dhamaan kaluumeystada badaha ka jilaabta ayaa dowladdu siisay digniin ah inaanay badda galin labo maalin ka hor duufaanta balse qaarkood waxaa ay iska sii wateen shaqadoodii.

Faysal ayaa tilmaamay in markii roobku bilowday loo sheegay in kalluumaysato badda ku maqan tahay islamarkaana ay la xiriireen maamulka gobolka sanaag, taas oo u fududeysay in ciidamo doomo wata loo diray kalluumaysatada oo ku xanibnaa meel xeebta u jirta 200 oo mitir.

Maxamuud Faarax Cali oo ka mid ah kalluumeysatada degmada Laas-qoray oo gobolka Sanaag, waa aabbaha shan carruur ah. Qoyskiisu waxay ku noolyihiin raashin deyn ah oo ay ka soo amaahdaan meherad ay macmiil la ahaayeen. Maxamuud ayaa sheegay in nolol-maalmeedka qoyskiisa uu ka soo saran jiray $6 oo uu maalintii badda ka heli jiray.

18-kii bishii May ayaa Maxamuud iyo labo nin oo kale oo la socday waxaa laga soo badbaadiyay gudaha Badda Laasqoray markay duufaantu billaabatay. Raadiyo Ergo ayuu u sheegay inuu garan waayay jihada xeebtu kaga beegantahay, laba saacadood oo roob ku da’ayay gudaha badda waxaa uu markii dambe helay koox gurmad ah soo badbaadiyay.
Qaar ka mid ah qoysaskii ku tiirsanaa jilaabashada kalluunka, waxay hadda ku noolyihiin gargaar ay ka helaan xukuumadda Somaliland, dowladda Jabuuti iyo hay’adaha UNICEF iyo WFP ee ka howl gala deegaanka.

Xuseen Ibraahim Rayaale ayaa ka mid ah kalluumeystada shaqadu ka joogsatay ee Lughaya. Waxay duufaantu ka dumisay hoygiisa. Afar caruur ah oo uu dhalay ayuu ku hayaa Teendho ay siisay hayádda UNICEF oo uu ka taagtay duleedka halkii uu deggannaa. Wakhtiga guriga dumay oo ay ku jireen waxaa uu sheegay in aanay waxyeello ka soo gaarin dadkii ku jiray, marka laga reebo alaabtii dhex taalay oo qoyday.

Xuseen ayaa xusay in laashkii uu ku kalluumeysanayay uu badda uga saaray digniin laga bixiyay duufaanta. Celcelis ahaan shaqada ka joogsatay waxaa uu ka heli jiray lacag aan ka badneyn $5 ilaa $6 doolar oo kaliya maalintii. Todobaadka soo socda ah ayuu rajeynayaa inuu ku noqdo jilaabashada kalluunka.

Cawil Xuseen guddoomiye ku xigeenka Iskaashatada Kaluumeysatada Lughaya wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in aanay weli xisaabin khasaaraha maaliyadeed ee kasoo gaaray duufaanta iyo muddada ay shaqo laáanta yihiin oo ay hadda ku howlan-yihiin sidii ay u dayac tiri lahaayeen Keydka Kalluunka.

Duufaanta Sagar ee ku dhufatay xeebaha Gobollada Waqooyi-galbeed iyo Awdal ayaa dumisay guryo iyo waddooyin iyadoo sidoo kale baabi’say beero, xoolo iyo doonyahii kalluumaysiga.

 

Previous Post

Muqdisho: Carruurta qoysas soo barakacay oo ka faa’iideysta waxbarasho bilaash ah

Next Post

Qiimaha xoolaha

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda
Wararkii u Danbeeyay

Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda

May 5, 2026
Next Post
Qiimaha xoolaha

Qiimaha xoolaha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 14-MAY-2025

IDAACADDA 14-MAY-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 14-MAY-2025
Episode play icon
IDAACADDA 14-MAY-2025
May 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAY-2026
May 10, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo