(ERGO) – Jamaal Cabdilaahi Cilmi gabadh uu dhalay oo 18 jir ahayd, 22 May ayaa lagu aasay tuulada Balliga oo 52km dhinaca galbeed kaga beegan degmada Lughaya ee gobolka Awdal.
Gabadhiisa oo laba bil oo kaliya aroos ahayd ayaa biyaha daadku ka qaadeen gurigeeda, 12 saacadood kadib ayaa lasoo helay meydkeeda oo biyaha ku tureen fogaan u jirta 5km.
Jamaal Cabdilaahi oo ah lixdan jir, sagaal carruur ah oo uu dhalay ayuu hadda ku hayaa buur dusheeda, wuxuu khadka telefoonka ugu waramaya weriyahe Ergo ee magaalada Hargeysa.
“Habeenkii goordambe ayaa la tabay inay maqan tahay, aroortii ayaanu baadidoon tagnay oo maydkeedii helay” Ayuu yiri Jamaal
100 neef oo ariya iyo saddex neef oo lo’ah ayaa sidoo kale daadku ka qaada, hadda waxaa uga soo hadhay xoolihiisii, beer afar hictar ah oo ay uga beernaayeen qare, batiikh iyo geed midhood ayaa sidoo kale daadku ka qaaday, waxaana uu xoolo ka haystaa laba waxarood oo caruurta la badbaadiyay.
“Hoy iyo weel ma haysano, digsi aan meelihii daadku maray ka soo helay ayaa noo weel ah” Ayuu yiri Jamaal
Wuxuu sheegay inay soo gaartay gargaar raashin ah oo ka kooban 25KG oo bariis ah, 25 daqiiq, 25 sonkor ah iyo 5 litir oo saliid ah, taasoo maamulka Somaliland diyaarado kuwa qumaatiga u kaca uu ku soo gaarsiiyey 25 May.
“35 sano oo deegaankan aan ku noolaa ma arag tanoo kale, roobka wuxuu watay qabow daran, marka xoolaha uu kor uga da’ana neefkii degdeg ayuu u bakhtiyayaa” Ayuu yiri Jamaal.
Dadka duufaantu samaysay weli waa barakac, goobta buurta waxaa kula sugan Jamaal 100 qoys oo kale, dhamaan dadkaasi waxay ku nool yihiin hoy ay ka sameysteen cooshado.
Jamaal wuxuu sheegay in hadda xaaskiisa oo 54 jir ahi ay la xanuunsan tahay qandho uusan garanayn, goob caafimaad oo uu geeyana ay ugu dhowdahay Boorame oo u jirta 72km, wadooyinka oo weli daadadkii go’yeen iyo dhaqaalo xumo isaga haysataana uusan u qaadi karin.
Siday Somaliland sheegtay duufaanta ku dhufatay Awdal iyo Waqooyi galbeed waxaa ku dhintay 49 qof , waxaa kale oo ay xaaqday beerihii iyo xoolihii ay dadka noloshoodu ku tiirsanayd.
Xaamud Muuse Sidci oo ku nool Gargaara oo 52KM koonfur ka xigta Lughaya, xaaskiisa oo 21kii, doox biyo mareen oo u jira 500 oo mitir ayaa karkaarada jabsada, wuxuu qaaday xaaskiisii.
“Xilliga wuxuu ahaa markii la afurayey, meel 100 mitir u jirta guriga ayey geed qabsatay, waan hareer orday, sidaas ayaan ku soo badbaadiyey iyadoo geedkii haysata” Ayuu yiri Xaamud.
Hadda xaaskiisii Marayn oo ah 42 jir waxaa ay ka jabantahay gacanta midig iyo adinka midig oo ah dhaawac daadkii ka soo gaaray, wuxuna saaray kabniinyo dhaqameed.
Nolosha Jamaal iyo qoyskiisu waxay ku tiirsanayd tacabka beeraha iyo xoolaha, iyadoo beer waraab ahayd oo 5 higtar oo ay ugu beernaayeen haruur, digir iyo dalagyo khudaar ahi iyo 136 neef oo adh daadkii qaaday, hadda qoyska Xaamud waa caydh.
“Goobta aan ku suganahay cadceed iyo dhaxan ayaa nagu dishay, hu, hoy iyo weel ma haysano, waxaa keliya oo aan yeeli karaa waa inaan u guuro magaalooyinka, iyana hadda wax aan ku gaaro ma haysto” Ayuu yiri Xaamud.
Soomaaliland ayaa sheegtay in 167,000 oo qoys ay ku barakaceen duufaantii Sagar, dadkaasi ay weli barakac ku yihiin buuraha dushooda.










