Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Kalluumeysato ay shaqo la’aan dhigeen maraakiib jarriif ah

Radio Ergo by Radio Ergo
June 13, 2018
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Kalluumeysato lagu la’yahay xeebaha Shabeellaha hoose

Photo|Keydka/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Maxamed Aadan Cali, oo qoyskiisa uu ka kooban yahay 9 qof, waxay ku tiirsan yihiin hadda raashin ay la cunaan qoys ehelkooda ah oo ku nool tuulada Dhinowda, oo 240-km dhinaca bari kaga beegan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Waxaa uu kamid yahay Maxamed, 460 qof oo kalluumeysato oo ay shaqo la’aan ku dhacday labadii bilood ee u dambeysay kaddib markii ay dhibaatooyin isugu jira burburin, cabsi gelin iyo qaadashada doonyahooda ay kala kulmeen maraakiib shisheeye ah oo “si sharci darro ah” uga kalluumeysta xeebaha bari ee Gaalkacyo, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay, Duuna Maxamuud Aadan oo ah, guddoomiyaha iskaashatada kalluumeysatada deegaannada Dhinawda, Gal-hagoog iyo Ceel-dhanaane, oo dhammaantood bari ka xiga Gaalkacyo.

Maxamed oo muddo 13 sano ahaa kalluumeysato, waxaa  21-kii bishii Febraayo ee sanadkan uu la kulmay dhacdo lagu burburiyey doon kalluumeysi oo uu lahaa, laguna qaatay laba shabaagadood oo uu ku kalluumeysanayey.

Waxaa uu Raadiyo Ergo u sheegay, in xilli habeen ah isaga iyo saddex nin oo kale oo kalluumeysato ah oo ay wada-socdeen, oo ku sugnaa meel badda gudaheeda ah oo 5 mayl u jirta xeebta Dhinowda uu ka hor-yimid markab xawaare sare ku socda oo uu ku tilmaamay in uu ahaa kuwa jarriibka sharci-darrada ah sameeya.

Waxay xilligaas saarnaayeen laba doomood oo ay middi ay aheyd doomaha waa weyn ee nooca kalluumeysiga, tan kalana ay  ay aheyd  doon yar oo aan laheyn matoor, waxayna ku guda jireen dhigashada shabaagadahooda kalluumeysiga..

“Waxaan isku daynay inaan iftiin shidno laakiin nagama bayrin (nagama leexan), waxaan ku khasbanaanay in aan badda ku daadanno, dhibaatadaas kaddib waxaan is helnay aniga iyo laba kamid ah raggii ila socday, midna waan weynay, markabka miyaa maray oo ma dhintay raq iyo ruux midna kuma helin”

Ninka la waayey ayaa ah, Shaakir Cabdullaahi Axmed oo 35 jir ahaa. Maxamed Aadan Cali ayaa sheegay in ay muddo labo saacadood ah badda ka baadi-goobayeen saaxiibkood, laakiin waxay isaga soo baxeen markii ay waayeen, waxayna ku soo badbaadeen saxiimaddii yareyd oo ay dib u heleen.

Maxamed ayaa sheegay in toddobaadkii kalluumeysiga uu ka heli jiray lacag dhan 700,000, oo shilin Soomaali ah oo u dhiganta $25.  Tan iyo markii ay dhacdadan qabsatay, kuma uusan laaban badda, cabsi uu ka qabo in waxyeello ay ka soo gaarto maraakiibta jarriifka ah darteed. Ma lahan xirfad kale oo uu ku shaqeysto, sidoo kalena tuuladiisa kama ay jiraan fursado shaqo oo mar kasta la heli karo.

Shaqo la’aanta soo food saartay kalluumeysatada, ayaa saameyn dhanka nolosha ah ku yeelatay qoysaskooda.  Guddoomiyaha iskaashatada kalluumeysatada deegaannada bariga xeebaha Gaalkacyo, Duuna Maxamuud Aadan, ayaa sheegay in muddo laba bilood gudahooda ah ay 40 qoys oo kalluumeysiga ay noloshooda ku tiirsaneyd ay u barakaceen miyiga gobolka Mudug, halkaasoo ay kula nool yihiin xoolo-dhaqato ehelladooda ah. Waxaa uu sheegay in qoysaskan ay taageero ka heleen xoolo-dhaqatada  oo iyaga hadda uun ka soo kabanaya abaar saddex sano ka jirtay deegaannadooda.

Wuxuu dhanka kale tilmaamay, Mr Duuna in tan iyo bishii Maarso ee sanadkan oo ay xoogeysatay dhibaatada ay kalluumeysatada deegaannadaas kala kulmayaan kooxaha jarriifka ay kooxuhu burburiyeen 15 doonyood oo kuwa kalluumeysiga ah iyo 40 shabaagood.

Maxmuud Cabdulahi Food, wuxuu isna kamid yahay kalluumeysatada shaqo la’aantu  ku dhacday. Waa aabaha qoys ka kooban 11 qof, waxayna qoyskiisu labo bilood ka hor u barakaceen miyi 20-km u jira deegaanka Gal-hagoog oo uu ka kalluumeysan jiray.

Wuxuu nolosha qoyskiisa ku dabari jiray kalluunka uu ka soo jillaabto badda, oo qeybna uu iibin jiray, qeybna ay hilib ahaan u cuni jireen qoyska, laakiinse hadda ma uusan shaqeysanin muddo labo bilood iyo bar ah.

Lacag u dhexeysa $150 ilaa $200 ayuu toddobaad kasta ka heli jiray kalluumeysiga, taasoo uu xusay in ay nolosha qoyskiisa ugu filneyd.

Rajada keliya ee ay ka qabaan kalluumeysatadan in ay shaqadooda ku laabtaan, waxay tahay  in maraakiibta jarriifka ay ka baxaan xeebihii ay ka kalluumeysan jireen.

Previous Post

Engineering Topics for Research Papers

Next Post

How to Get Excellent Grades

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post

How to Get Excellent Grades

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo