Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

Burco: Bukaannada dhimirka oo daryeel la’aan ka cabanaya

Radio Ergo by Radio Ergo
June 14, 2018
in Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
Cuna yari ka jirta xarunta dhimirka ee Baydhabo oo saamayn ku yeelatay bukaannada ku jira

Keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Isbitaalka dhimirka Maandhaye ee magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, ayaa dawo la’aan ah tan iyo bishii Janaayo ee sannadkan, kaddib markii taageero uu ka heli jiray dad qurbo joog ah ay istaagtay. Isbitaalka waxaa hadda jiifa 15 qof oo shan ay haween yihiin. Waxaa sidoo kale ku xiriira dad kor u dhaafaya 2,000 oo dawooyin iyo talooyin ugu yimaada.

Isbitaalka ayaa markii u dambaysay taageero ka heli jiray qurbo-joog dalka Norway ku nool oo daawo iyo lacag dhan $2,000 bil walba muddo sannad iyo bar ah usoo diri jiray. Halka markii hore uu taageero ka heli jiray maamulka Somaliland, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Dr. Cabdi Suudi oo ah agaasimaha isbitaalka.

Wuxuu intaas ku daray in lacagta qurba-joogtu soo diraan ay ku bixin jireen adeegyada nadaafadda, biyaha, korontada iyo shaqaalaha isbitaalka oo aan ilaa bishaas qaadan mushahar, mudadaasna ku shaqaynaya si mudatacwinimo ah.

Dawo la’aanta soo food saartay isbitaalka ayaa saamayn ku yeelatay dadka aan iyagu awoodin inay suuqyada ka soo gataan, kuwaas oo u badan dadka danyarta ah iyo kuwa ka imanaya dhulka miyiga ah oo dhaqaale ahaan hooseeya.

Sahra Xasan Jaamac, waxay muddo lix sano ah gabadh ay dhashay oo 18 jir ah oo dhimirka ka xanuunsan ay dawo si bilaash ah uga qaadi jirtay isbitaalka Maandhaye. Raadiyo Ergo ayay u sheegtay in $20 oo ah qiimaha daawada halkii toddobaad ku filan, aanay awoodin inay gabadheeda suuqa uga soo gado.

Muddadii ay dawo la’aantu jirtay oo shantii bilood ee lasoo dhaafay ahayd ayay sheegtay inaanay gabadheeda wax dawo ah siin.

2015-kii ayay ka saartay isbitaalka, kaddib markii caafimaadkeedu uu soo fiicnaaaday. Guriga ayay ku haysay wixii waqtigaas ka dambeeyey iyada oo daawadana uga qaadi jirtay isbitaalka. Hadda oo isbitaalkii dawadii ka go’day ayay sheegtay in xanuunkii uu markale dib ugu soo noqonayo gabadheeda, ayna u baahan tahay daryeel caafimaad oo joogta ah.

Sahro ayaa ka xoogsata suuqa magaalada Burco oo ay ku iibiso yaanyo u saaran miis, toddobaadkiina ay ka hesho $14 oo ay ku biisho toddobo carruur ah oo ay dhashay.

Dr. Cabdi Suudi ayaa sheegay in markii dawadii ka go’ay isbitaalka, ay qaar kamid ah bukaannadii jiifay magaalada galeen, kuwaas oo uu sheegay in lagu arki karo waddooyinka iyo suuqyada magaalada, maadaama uu xanuunkii kusii kordhay, qoysaskooduna ay awoodi waayeen inay  guryaha ku hayaan.

Faarax Axmed Diiriye waa 25 jir, wuxuu ka xanuunsan yahay dhimirka muddo labo sano ah. Ehelladiisa oo degan degmada Caynaba oo Burco 120km dhanka bari ka xigta, ayaa isbitaalka keentay 12 bishii hore ee May. Aabaha dhalay Faarax ayaa Ergo  u sheegay in xaaladiisa caafimaad ay soo hagaagtay markii uu dawada qaatay. Iyadoo uu dhaqaalaha ku baxaya dawadiisa oo suuqa laga soo iibiyo, uu gacan ka siiyay nin ay walaalo yihiin oo magaalada Burco ganacsi ku haysta.

Agaasimaha isbitaalka Burco Dr. Cabdi Suudi ayaa sheegay in ay jiraan dad ka imaanaya dhulka miyiga ah ee gobolka Togdheer, kuwaas oo isbitaalka imanaya iyaga oo aan ogayn xaaladda ka jirta, iyaguna aanay waxba hadda u qaban karin.

Previous Post

Cudurka jadeecada oo laba carruur ah ku dilay koonfurta Dhuusamareeb

Next Post

Appealing Research Paper Issues

Related Posts

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd

June 13, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 12, 2026
Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda

June 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Waxbarasho la’aan iyo cunno xumo ka dhashay fatahaad ka dhacday Qalaafe

June 8, 2026
Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada

June 4, 2026
blank
Caafimaadka

Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley

June 3, 2026
Next Post

Appealing Research Paper Issues

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 13-JUN-2026

IDAACADDA 13-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 13-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-JUN-2026
June 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-JUN-2026
June 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-JUN-2026
June 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-JUN-2026
June 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-JUN-2026
June 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo