Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Boqollaal caruur barakacayaal ah oo ka faa’iideysta waxbarasho bilaash ah

Radio Ergo by Radio Ergo
June 8, 2018
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Boqollaal caruur barakacayaal ah oo ka faa’iideysta waxbarasho bilaash ah

Sawir/Mid kamid ah dhalinarada oo wax u dhigaya caruurta barakacayaasha ah/Munasar Maxamed/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Lix boqol oo caruur barakacayaal ah, da’dooduna ka yar tahay 16 jir, isuguna jira wiilal iyo gabdho ayaa ka faa’iideysta waxbarasho bilaash ah, maalmaha khamiista iyo jimcaha toddobaad walba. Caruurta oo wax ka barta lix iskuul ayaa kasoo kala jeeda qoysaska barakacay ee ku nool xeryaha kala duwan ee ku yaalla degmooyinka Kaxda, Dayniile, Hodon iyo deegaanka Lafoole ee magaalada Muqdisho.

Iskuulada ay wax ku dhigtaan caruurtan ayaa ah kuwa ka samaysan teendhooyin, jiingado iyo kuwo cooshado ah oo laga dhexdhisay xeryaha oo midkiiba ay qaado 100 caruur ah.

Dhalinyaro isugu jira kuwo dhammayeeyey ama dhigta jaamacadaha iyo dugsiyada sare ee magaalada Muqdisho, ayaa caruurtan ka caawiya waxbarashada, kuwaas oo si iskood ah isu abaabulay. Qaarkood labada maalmood ee ay fasaxa yihiin ayay waqtigooda ku bixiyaan waxbarida caruurtan. Heerarka waxbarasho ee ay ka caawiyaan ayaa ah dugsiyada hoose iyo sare.

Way adagtahay in caruurta kasoo jeeda qoysaska barakacay ay helaan fursado waxbarasho oo bilaash ah, maadaama ay ku mashquulsan yihiin helitaanka waxay cunaan. Waalidiinooda ayaan sidoo kale dhaqaale ahaan awoodin lacagaha lagu dhigto iskuullada Muqdisho oo ardaygii laga qaado $12.

Maxamed Amiin Nuur, waa 12 jir ku nool xerada barakaca ee Hibaaq oo ku taalla KM13 ee magaalada Muqdisho. Wuxuu kamid yahay caruurta fursadan helay “ horey waxba uma barin jirin, laakiinse hadda waxaan helay waxbarasho aan lacag la iga qaadin,”. Ayuu yiri Maxamed oo hortaagan fasalka koobaad ee iskuulka uu dhigto.

“Mustaqbalka waxaan doonayaa inaan noqdo bare caruurta danyarta ah ku tabaruca aqoontiisa,” ayuu raaciyay hadalkiisa.

Maxamed oo ay iskuulka la dhigtaan labo gabdhood oo ay walaalo yihiin , ayay u tahay fursadii u horreysay ee uu fasal ku fariisto. Barakaca kahor wuxuu qoyskooda oo afar qof ka kooban ku tiirsanaa beer ay ku lahaayeen degmada Waajid ee gobolka Bakool. Abaaro ka jiray deegannadaas ayaana 2016 ku khasbay qoyskiisa inay usoo barakacaan Muqdisho.

Ma jiro lebis u gaar ah oo lagu dhigto iskuulladan, sidoo kale caruurta ayaa laga caawiyaa agabka ay wax ku bartaan sida buugaagta, qalimada iyo maalmaha qaar qoysaskooda la siiyo raashin si ay ugu dhiiri geliyaan inay caruurta iskuulka usoo diraan.

Suleekho Muxiyadiin waxay kamid tahay  17-ka dhalinyaro ee ku tabarucay waxbarida caruurta barakacayaasha. Waxay sheegtay in markii ay arkeen dayaca iyo waxbarasho la’aanta caruurtan , ay isla garteen in labadaas maalin ay waqtigooda siiyaan. Bishii ayay sheegtay in ay iska qaaraamaan lacag u dhexaysa $30 ilaa $50. Lacagaha qaar ayay ka helaan jaamacadaha, iskuulada iyo qurbo-joog.

Caqabadaha ay dhalinyaradan la kulmaan, waxaa kamid ah in qaar kamid ah caruurta ay u shaqeeyaan waalidkood, taas oo yaraysa imaanshiyohooda iskuulka. Suleekho ayaa sheegtay in waqti ay ku qaadato in waalida qaarkii ay ka dhaadhiciyaan in caruurtooda ay keenaan iskuulka.

Previous Post

Barnaamijka Dalandool

Next Post

Xoolo dhaqato badan oo ku ceyrtoobay duufaantii Sagar

Related Posts

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
Next Post
Warbixin ku saabsan deegaanada abaarta ka roonaa oo hadda xooluhu dhimanayaan

Xoolo dhaqato badan oo ku ceyrtoobay duufaantii Sagar

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 21-APR-2026

IDAACADDA 21-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 21-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo