(ERGO) Yacquub Buule waa 48 jir, 15 carruur ah dhalay, waa beeralay ku nool deegaanka Banaaney oo waqooyi bari 3km ka xiga degmada Jowhar, wuxuu qalab cusub oo cayayaanka looga hor tago ku xirayaa 1 higtar oo beer ah, ayna ugu beerayd geley iyo digir, ugana badbaaday fatahaaddii webiga shabeelle sameeyey bishii May ee sanadkaan.
Intaan u badbaaday waxaa khatar ku haya cayayaan dirxi ah oo geleyda sabuulka, caleemaha iyo bulka sare ka cunaya, kuna cusub deegaanka, cayayaankaan noociisa ayuu sheegay inuu beerta ku arkay markii ugu horaysay xilligii gu’ga ee 2017.
Wuxuu sheegay in xilligaas oo ay shan higtar ugu beerayd geley, mesego iyo digir uu ka baabi’iyey cayayaanku, wuxuu sheegay inuu u maleeyey diirato, uuna u isticmalay suntii diiratada laakiin ay waxba ka tari wayday, waxbana kamuusan goosan, laguna yeeshay 13 milyan oo shillin oo ahayd lacagihii ku baxay makiinadda iyo falka.
“Dirixigaanimadaxa ayuu bar ku leeyahay, diil-diilimo ayuu leeyahay, waana ka waaweyn yahay diiratadii aan naqaanay” Ayuu yiri Yacquub.
Wuxuu sheegay inuu isku dayey dhowr goor inuu buufiyo, laakiin ay waxba ka tari wayday suntii, beertana uu si fudud ku baabi’inayo.
Qalabkaan waxaa keentay hay’adda cunnada iyo beeraha qaramadda midoobay ee FAO, wuxuuna qayb ka yahay barnaamij shan sano soconaya oo ay ku caawinayso beeralayda yar yar ee dunida si ay uga gaashaantaan waxyeelada uu geysanayo cayayaankaan oo afka qalaad lagu yiraahdo FAW (FAll Army Worm), waxayna gobolka Shabeellaha Dhexe u tababartay rakibistooda 12 qof, oo iyagu tegaya beeraha, qalabkaan waxay soo marsiisay wasaaradda beeraha iyo waraabka ee maamulka Hirshabeelle.
Amiin Muqtaar oo ka mid ah dadka loo tababaray, wuxuu sheegay inay bilaabeen inay gudaha beeraha ku rakibaan 15 bishii May ee sanadkaan.
“Qalabkaan wuxuu ka samaysan yahay waxyaabo kala gedisan, waxaa dhexda ugu jira cinjir cod bixinaya, codka cayayaanka oo dhami wuu ku soo ururayaa, labadii todobaadba mar in la bedelo ayuu rabayaa cinjirkas yar ee codka bixinayaa” Ayuu yiri Yacquub.
Wasiirka beeraha iyo waraabka maamulka Hirshabeelle Xasan Axmed Muuday ayaa Radiyo Ergo u sheegay in qalabkaan ay ugu tala galeen inay ku ogaadaan cayayaanka cusub ee soo gelaya Soomaaliya.
“Qalabkaani waxa aan ka rabno waxaa weeye inaan dhediga cayayaankaan cusub ku qabano, waayo wuxuu dhalaa habeenkii, ilaa 2000 oo ukumood ayuuna dhalaya, ukumahaasina waxay ku qaan gaarayaan 7 ilaa 10 maalmood, kadibna wuu dilacayaa oo beertii oo dhan ayuu baabi’inaya, si fududna beeraha kale ayuu ugu gudbayaa, isagoo habeenkii jari kara qiyaas dhan 100 km” Ayuu yiri Muudey.
Wuxuuse sheegay in cayayaankaan lagu sheegay galbeedka Afrika. Beeralayada ayaa sheegaya in cayayaankani labaddii fasal ee la soo dhaafay uu ka baabi’iyey dalagyadii ay beerteen.
Siday FAO sheegayso, cayayaankaan waa dirxi asal ahaantiisa ka yimid gobollada kulaylka ah ee qaaradda Laatiin Ameerika, waa dirxi ka roon roon diiratada, wuxuuna si ba’an u wax yeeleeyaa dalagga, siiba geleyda, marka uu iyada bur buriyana wuxuu u gudbaa dhamaan noocyada kale ee dalagyada oo ay ka mid yihiin bariiska, mesegada, qasabka iyo khudaarta kaleba. Waxaana markii ugu horaysay qaaradda Afrika lagu arkay galbeedka bishii Janaayo 2016, isagoo si fudud ugu fiday gobollada kale ee Afrika, Soomaaliya wuxuu soo gaaray xilligii gu’ga ee 2017.
Wasaaradda beeraha iyo waraabka Hirshabeelle ayaa sheegtay in qalabkaan uu ku soo wada xeroonayo cayayaanku, ayna isagoo nool u gudbinayaan FAO si ay baaritaan ugu samayso, una ogaato sunta ku haboon ee beeralayda loo soo gudbin karo.
 
 












