Urur dhallinyaro Soomaaliyeed oo u ololeeya arrimaha deegaanka ayaa ka billaabay qaar kamid ah gobollada ay fataahaduhu ku dhufteen, gaar ahaan Hiiraan wacyigelin la xiriirto sida ay dadka uga gaashaaman karaan waxyeellada daadadka iyo fatahaadaha.
Dhallinyaradan ayaa u sheegaya dadka tilmaamaha ay tahay in la sameeyo marka ay dhacdo fatahaad uu webigu sameeyo. Cabdilatiif Xuseen Cumar waa madaxa Ururka Arrimaha Deegaanka ee howshan ka shaqeynaya, Maxamed Xaashi oo wareystay ayaa marka hore weydiiyey faahfaahinta wacyigelinta ay wadaan.











