Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Reer-miyiga ay abaartu saamaysay oo sayladaha Galgaduud ka iibsanaya xoolo-dhaqaal ah

Radio Ergo by Radio Ergo
May 18, 2018
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Reer-miyiga ay abaartu saamaysay oo sayladaha Galgaduud ka iibsanaya xoolo-dhaqaal ah

Keydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Xoolo-dhaqatada gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, ayaa sayladaha xoolaha dib uga iibsanaya ariga dhaqaalka ah tan iyo bartamihii bishii Abriil oo roobabka Guga ay si fiican uga da’een gobolka. Dadka reer miyiga ah ayaa doonaya inay soo ceshadaan noloshoodii ku tiirsanayd xoolaha oo in badan oo ka mid ah ay ku waayeen abaaro afar sano ka jiray gobolka.

Xasan Maxamuud Jaamac ayaa siddeedii bishan May owrkii keliya ee geeliisa uga haray oo $500 laga siistay markii uu keenay sayladda degmada Guriceel. Lacagtaas ayuu ku gatay 20 neef oo ari dhaqaal ah,  si uu u kabo xoolo yaraanta uu ka dhaxlay abaarta. Waxaa

Xasan oo qoyskiisu ka kooban yahay 16 qof, ayaa abaartii uu ku waayay 370 neef oo ari iyo geel isugu jira. Xoolaha yare ee u haray ayuu hadda ku dhaqdaa baadiyaha tuulada Biyo-gaduud oo 37 km Koonfur ka xigta magaalada Guriceel.

Xasan ayaa sheegay in ariga la’aantiis aanay noloshooda miyigu suurtoobayn, maadaama ay ka manaafacaadsadaan hilibkooda iyo caanahaba.

Intii ay abaartu jirtay oo noloshooduna aad u adkaatay, ayuu sheegay in siddeed kamid ah carruurtiisa oo rajo ah, uu u geeyey walaashiis oo degan magaalada Guriceel bishii Janaayo ee sanadkii hore. Inta kale carruurtiisa waxay ku noolaayeen raashin mar mar ka heli jireen qaraabadooda degan magaalada.

Inkasta oo Xasan xoolaha u haray uu sheegay inaanay baahida qoyskiisa daboolayn, hadana maadaama deegaanka roobab ka da’een uu ku rajo weyn yahay inuu mar kale dib u tabco xoolo. Barwaaqada hadda ay haystaan ayuu tilmaamay inaanay jirin xoolo daaqa, maadaama intoodii badneyd ay abaarta ku dhammaadeen.

Dillaaliinta xoolaha ku kala iibiya saylada magaalada Dhuusamareeb ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in waqtigan ay saylada ku soo badanayaan dadka xoolo-dhaqatada ee doonaya xoolaha dhaqaalka ah. Xoolaha ugu badan ee xilligan saylada lagu kala iibsado ayaana ah kuwa dhaqaalka ah.

Maxamed Xasan Nuur oo ka mid ah dillaaleyda suuqa xoolaha degmada Guriceel ayaa sheegay in xoolo dhaqato doonaya inay qoysaskooda u helaan raashin ay suuqa keenaan ariga dhaqaalka ah sida ahminka iyo daabaxa.

Wuxuu intaas ku daray in cel celis ahaan suuqa ay maalintii yimaadaan 10 qof oo raadinaya ari dhaqaal ah, iyagoo qiyaastii iibsada 100 neef oo ari ah, si ay dib ugu celiyaan miyiga. Qiimaha ariga dhex-dhexaadka ah ayuu xusay in ay sayladaha gobolka Galgaduud ka marayaan inta u dhexaysa $30-35.

Xoolo-dhaqatada ayaa xilligan raadinaya fursad kasta oo ay ku heli karaan dhaqaale ay xoolo dib ugu gataan. Kuwa aan haysan geel ayaa qaraabadooda magaalooyinka jooga u qeylo dhaansada si ay lacag uga helaan.

Maxamed Salaad oo ku nool deegaanka Beenyo cad oo 22 km Guriceel Koonfur-bari uga beegan, ayaa abaarta ku waayay 150 neef oo geel iyo ari isugu jira. 10 neef oo ari waawayn ah oo usoo haray ayuu 12-kii bishan May geeyey saylada, waxaana dhammaantood laga siisatay $380. Afartan neef oo ari dhaqaal ah ayuu ku gatay $450, kaddib caawimaad dheeraad ah ka helay qaraabadiisa.

Maxamed oo qoyskiisu ka kooban yahay lix qof, ayaa Ergo u sheegay in deegaanka uu ku nool yahay dadku ay ku xoolo beeleen kaddib abaar dabo dheeraatay. Isla markaana ay jiraan dad miyiga wareegaya iyaga oo raadinaya caawimaad  xoolo ah.

Previous Post

Waraysi aan la yeelanay khabiir ka tirsan SWALIM oo ka hadlaya duufaanta waqooyiga Soomaaliya

Next Post

Xoolo dhaqatada Galgaduud oo dadaal ugu jira iibsiga xoolaha dhaqaalka ah

Related Posts

Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada

June 5, 2026
blank
Caafimaadka

Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley

June 4, 2026
Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 2, 2026
Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday

May 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Next Post
Xoolo dhaqatada Galgaduud oo dadaal ugu jira iibsiga xoolaha dhaqaalka ah

Xoolo dhaqatada Galgaduud oo dadaal ugu jira iibsiga xoolaha dhaqaalka ah

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 05-JUN-2026

IDAACADDA 05-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 05-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-JUN-2026
June 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-JUN-2026
June 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-JUN-2026
June 1, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo