Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barnaamijka Beeraha

Laba sano kaddib beeralley fursad u helay inay wax beertaan

Radio Ergo by Radio Ergo
May 3, 2018
in Barnaamijka Beeraha, Wararkii u Danbeeyay
0
Somaliland: 9,000 oo beeroley ah oo labo sano kaddib tacbanaya dalagyadii ugu horreeyay

Cagaf cagafyo qodaya beeraha qoysaska beerallayda ah loogu deeqay/Ilyaas Cabdi/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Sagaal kun oo qoys oo beeralley ah, ayaa markii ugu horreysay si bilaash ah loogu deeqay siidhka beeraha si ay uga kabtaan saamaynta abaaruhu labadii sano ee ugu dambeeyey ku reebeen. Qoys walba ayaa loo qodayhal hiktar oo dhul ah, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay afhayeenka wasaaradda beeraha Somaliland Sacad Cabdi Muuse.

Gobollada beerahan laga sameeyey ayaa loo eegay sida ay ugu kala badan yihiin tacabka beeraha. Abuurka beeraha ayaana lagu beegay xilli roobaadka Guga oo badi deegaannada Somaliland ay roobab heleen.

Beeraha la qodayo waa kuwa ku baxa biyaha roobka, waxaana ka mid ah dalagyada beeralleyda loo qaybinayo haruurka, iyo galleyda, iyadoo waliba la siinayo siidhka dalagyadaas iyo gaadiidka lagu shaqeynayo.

Lacagta ku baxday mashruucan oo dhan $50,000 ayaa markii hore laga uruuriyay shacabka markii ay abaaruhu jireen. Xilligaas oo wacyi-gelin socotay 45 maalmood bartamihii sannadkii la soo dhaafay ay lacagtan ku uruuriyeen guddiga abaaraha oo dhex maray suuqyada, guryaha iyo hay’adaha dowallada.

Maxamed Cabdi Cali oo ka mid ah beeralleyda tuulada Hudisa oo hoostagta degmada Sheekh ee gobolka Saaxil ee Soamililand oo abaaraha jiray u saamixi waayeen in uu beertiisa tabcado, ayaa 19-kii bishii hore ee Apriil galley iyo haruur loogu beeray dhul hal hiktar ah.  Roobabka Guga oo si fiican deegaankiisa uga da’ay ayuu rajo ka qabaa in dalagyada loo beeray ay u bixi doonaan, si uu uga dhigto cunno iyo keyd uu uga bad baado xilliyada abaarta. Maxamed ayaa sheegay inuu beertay dhammaankii dhulkii loo qoondeeyey.

Waxaa uu Ergo u sheegay in dhaqaale uu u waayay beertiisa, markii roobkii Gugu bilowday, laakiinse gacan qabashada uu helay ay ku abuurtay rajo ah in uu markale beertiisa tabcan karo.

Maxamed iyo qoysaska kale ee tuulada Hudisa oo ay ku yaallaan 200 oo beerood, ayaa wax beerasho ugu dambaysey bishii sagaalaad ee sanadkii 2015-kii. Labadaas sano ayuu Ergo u sheegay inay haysatay lacag la’aan iyo roob yari.

Nolosha qoyskiisa oo ka kooban toddobo qof ayaa ku tiirsanaa tacabka uga soo go’a beeraha, waxaana uu sheegay in saamaynta ka dhalatay ay ku  kalliftay in laba waqti ay dabka cunno saartaan. Ehalladooda iyo dadka ay deriska ku yihiin tuulada ayuu sheegay in ay wixii ay awoodaan ku kaalmaynayeen.

Beeralleyda ka faa’iidaysanaya biyaha roobka iyo qodista lacag la’aanta ah, ayaa ah kuwa u diiwaan gashan isu duwayaasha wasaaradda beeraha ee gobollada Somaliland.

Sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Sacad Cabdi waxaa la sameeyey guddi daba gal ku sameeya oo ka tirsan wasaaradda beeraha Somaliland, si loo hubiyo in beerallaydu ay si fiican uga faa’iideysteen deeqda ay heleen.

Cismaan Cali Nuur oo ka mid ah iskaashatada beeralleyda gobolka Maroodi-jeex ee Somaliland, ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in fursadan ay kor u qaadayso wax soo saarka beeraha, isla markaana beeralleydu ay ka soo kaban karaan saamaynta ay ku reebtay abaartu.

Wuxuu tilmaamay in ay ku qiyaasayaan in sannadkan beertiiba ay ka soo go’i doonto 100 kiintaal oo galley ama haruur ah, isagoo intaas ku daray in sannadkan aanu ula mid noqon doonin kuwii ka horreeyey. Cismaan ayaa aaminsan in haddii beeralleyda Somaliland ay heli lahayd taakulayn in ay qeyb ka qaadan lahaayeen kobocaha dhaqaalaha.

Previous Post

Dhoobley: Dhallinyaro abaaraha ka soo barakacay oo waxbarasho helay

Next Post

Dhadhaab: Qaxootiga oo ka cabanaya qiimo koror ku yimid khudaarta

Related Posts

Nin fursad ganacsi u beddelay fikrad uu ka helay dhageysiga Radio Ergo
Wararkii u Danbeeyay

Nin fursad ganacsi u beddelay fikrad uu ka helay dhageysiga Radio Ergo

July 9, 2026
Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye

July 7, 2026
Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen

July 3, 2026
Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose

July 2, 2026
Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda

June 29, 2026
Ganacsiyo u xirmay xoolo yari iyo dhaqaale xumo haysa reer guuraga gobolka Doollo
Cunto-Yaraanta

Ganacsiyo u xirmay xoolo yari iyo dhaqaale xumo haysa reer guuraga gobolka Doollo

June 25, 2026
Next Post
Baardheere: Fatahaad shaqo la’aan dhigtay boqollaal haween ah

Dhadhaab: Qaxootiga oo ka cabanaya qiimo koror ku yimid khudaarta

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 09-JUL-2026

IDAACADDA 09-JUL-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 09-JUL-2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-JUL-2026
July 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-JUL-2026
July 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-JUL-2026
July 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-JUL-2026
July 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-JUL-2026
July 5, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo