Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Masiibooyinka

Khasaaraha duufaanta iyo daadka ee Soomaaliya

Radio Ergo by Radio Ergo
May 24, 2018
in Masiibooyinka, Wararkii u Danbeeyay
0
Roobab mahiigaan ah oo guryihii ka saaray barakacayaal ku sugan Baydhabo

Kaydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Duufaanta Sagar ee 19-kii bishan ku dhufatay deegaanno ku yaalla xeebaha gobollada Awdal iyo Waqooyi-galbeed ee Soomaaliya ayaa sababay dhimashada 43 qof sida uu shalay (23-kii bishan) warbaahinta u sheegay guddoomiyaha gobolka Awdal Cabdiraxmaan Axmed Cali. Toban qof oo kale ayaa la la’yahay. Maamulku wuxuu xusay inay dhici karto meydad hor leh in la helo, maaddaama ay dadka qaar guryaha ku dumeen.

Dadkan oo ku dhintay degmooyinka Baki, Lughaya iyo tuulooyinka hoos taga iyo sidoo kale deegaanka Gargaara ayaa qaarkood meydkooda oo ay daadka qaadeen ayaa laga helay dooxooyinka.

Khasaaraha ugu badan ee duufaanta wuxuu ka dhacay deegaanka Gargaara oo 20 km koonfur uga beegan degmada Lughaya. Ilaa 800 oo guri ayaa halkaas ku burburay sida uu Raadiyo Ergo u xaqiijiyay Cabdullaahi Cali Nuur oo ah guddoomiyaha Lughaya. Xilliga aan telefoonka kula xiriirnay wuxuu ku sugnaa Gargaara, wuxuuna sheegay in dadka ay guryo la’aanta ku dhacday aanay meelna u barakicin oo ay deegaanka ku haysato gabbaad la’aan.

Cabdullaahi ayaa sidoo kale xusay in ay go’an yihiin waddooyinka gala deegaannada xeebta ku yaalla sida Lughaya, Cabdi-geedi, Ido-caddays iyo Ceel-la-helay. Arrintaas oo adkaysay in deegaannadaas gargaarka lagu gaarsiiyo gaadiidka dhulka, waxa keliya ee tegi karaana ay yihiin helikabtarrada.

Awdal iyo Waqooyi-galbeed waxaa duufaanta uga barakacay dad lagu qiyaasay 669,000 oo qof, sida lagu sheegay war-saxaafadeed 21-kii bishan ka soo baxay dowladda Somaliland. Dadkaas ayaan hadda haysan adeegyadii aasaasiga ahaa ee nolosha sida hoy, cuno iyo daryeel caafimaad. Siddeetan boqolkiiba xoolihii deegaannadaas ku sugnaa ayay duufaantu dishay.

Guddoomiyaha Lughaya ayaa sheegay in ilaa iyo hadda ay diiwaan-geliyeen 9,000 oo qoys oo u soo barakacay Lughaya iyo Gargaara. Kuwaas oo qoyska ugu badan uu wato 10 neef oo xoolihiisa uga haray. Diiwaan-gelinta reer-miyiga soo cayrtoobay ayuu tilmaamay inay si maalinle ah u socoto.

Soddon iyo saddex iskuul ayaa qaarna dumeen, kuwa kalena ay saqafkii sare ka qaadday dabaysha ay duufaantu wadatay. Iskuulladaas oo ku kala yaalla gobollada Awdal, Waqooyi-galbeed iyo Togdheer ayaa waxaa dhigan jiray arday lagu qiyaasay 25,000 oo caruur ah, sida ay sheegtay wasaaradda waxbarashada Somaliland.

Dhanka kale, roobabkii ka da’ay magaalada Muqdisho ayaa  sababay dhimashada lix qof iyo in 301 guri ay noqdaan kuwo dumay iyo kuwo ay biyo galeen sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska duqa Muqdisho. Kumannaan qoys oo ku nool xeryaha lagu barakacay ee gudaha iyo duleedka magaalada ayay sidoo kale saameeyeen daadad ka dhashay roobka.

Qulqulka biyaha iyo dhibicda roobka oo xoogganayd ayaa burburiyay aqallo cooshado ka samaysnaa oo dadkaas ay gabbaad ka dhiganayeen.

Dadka dhintay waxaa ku jira labo carruur ah oo ay dhashay Raaxo Cabdi Axmed oo deggan xerada Sar-kuusta ee duleedka Muqdisho. Hooyadan oo hadda ay soo hareen labo carruur oo kale ayaa Raadiyo Ergo u sheegtay in ay daadadka ka dhashay roobka ay ku wayday wiilasheeda oo lix bilood iyo labo sano jir ahaa.

Waxay xustay inay fududaysatay awoodda roobku leeyahay, markii uu sii xoogaystayna ay dad ay deris yihiin ka doonatay bac ay dusha ka saarto buulkeeda, laakiinse intii ay maqnayd ay biyihii qaadeen wiilasha. Waxaa maydkooda laga soo helay tog xerada dhinaceeda mara. Labada wiil ee kale oo 7 iyo 12 jir ah ayay sheegtay inay xilliga masiibadu ku dhacday ay guriga ka maqnaayeen.

Previous Post

1400 oo qoys oo ku barakacay fatahaadda Buulo-burde

Next Post

Five Tips to Hit Your Next Project Manager Interview Out of The Playground

Related Posts

blank
Caafimaadka

Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley

June 4, 2026
Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 2, 2026
Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday

May 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
Next Post

Five Tips to Hit Your Next Project Manager Interview Out of The Playground

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 05-JUN-2026

IDAACADDA 05-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 05-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-JUN-2026
June 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-JUN-2026
June 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-JUN-2026
June 1, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo