Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Kalluumeysato lagu la’yahay xeebaha Shabeellaha hoose

Radio Ergo by Radio Ergo
May 23, 2018
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Kalluumeysato lagu la’yahay xeebaha Shabeellaha hoose

Photo|Keydka/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Faadumo Nuur Cabduqaadir oo ah hooyo 52 jir ah, waxay subax kasta u kallahdaa xeebta degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir si ay u hesho warka wiilkeeda oo la la’yahay muddo bil ku dhow. Wiilkeeda wuxuu ka mid yahay koox kalluumeysato Soomaali ah oo Badweynta Hindiya iyagoo ku maqan warkooda la waayay, nolol iyo geerina aan lagu ogeyn. Xeebta ay ka raadiso waa halka ay isugu tagaan kalluumeysatada xilliyada ay ka soo noqdaan ama aadayaan jillaabashada.

“Cunto ma cuno, hurdo igama soo dhacdo habeenkii. Xaaladda qoyska aad bay u murugeysan tahay,” ayay tiri Faadumo. Waxay xustay in kalluumeysato ku sugan degmada Marka ee gobolka Shabeellaha hoose oo ay xiriir ay la sameysay ay u sheegeen in wiilkeeda ay haystaan ‘maraakiibta sharci-darrada uga kalluumeysata xeebaha Soomaaliya’.

Wuxuu ahaa curadkeeda iyo qofka keliya ee u shaqeeya qoyskooda oo ka kooban 7 qof. Aabbaha qoyska wuxuu muddo labo sano ah la xanuunsan yahay qaaxada ku dhacda lafaha.

Wiilka Faadumo oo lagu magacaabo Abshir Muriidi Maxamed oo 20 jir ah wuxuu ka mid yahay 12 dhallinyaro kalluumeysato ah, kuwaas oo kalluumeyasto kale oo ay isku meel ka howlgalaan ay noo sheegeen in warkooda la waayay wixii ka dambeeyay 12-kii Abriil oo ah xilliga ay badda galeen.

blank
Faadumo Nuur oo u warrameysa Raadiyo Ergo/Munasar Maxamed/Ergo

Qoyska Faadumo waxaa hadda dhinaca cunto helista ka caawiya labo wiil oo ay habaryar u tahay oo mid uu ka shaqeeya xarun lagu farsameeyo dharka aliindiga ah, halka kan kalena uu ka howlgalo xarun lagu dayactiro qaboojiyeyaasha gawaarida.

Dhalllinyarada oo isku mar badda galay waxay la socdeen afar doon oo middiiba ay saarnaayeen afar qof sida uu noo sheegay Iimaan Cabduqaadir Suufi oo saarnaa mid ka mid ah doonyaha. Doontooda waa tan keliya ee dib ugu soo noqotay xeebta, laakiin saddexdii kale waa la waayay.

Iimaan ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in ay dib ugu soo noqdeen xeebta markii ay maqleen rasaas xooggan oo lagu furay doonyihii kale. Waxay ahayd xilli saq-dhexe ah oo aanay baddu mowjado badan lahayn, waxay ku sugnaayeen deegaanka Doolliyow oo u dhow degmada Marka ee gobolka Shabeellaha hoose, halkaas oo ay ka baadi-goobayeen libaax-badeed.

Wuxuu xusay in falalka noocan oo kale ah ay kala kulmi jireen maraakiibta iyo doonyaha ‘sharci darrada’ ku kalluumaysta. Wuxuu aaminsan yahay in saaxiibbadiisa la la’yahay ay u afduuban yihiin maraakiibta sharci-darrada ku kalluumeysta. Sida ay isaga la tahay waxay maraakiibtaas ay u qafaalanayaan kalluumeysatada gudaha in aysan xogtooda sheegin marka ay xeebta ku soo noqdaan.

Maqnaashaha dhallinyarada waxay saameyn ku yeelatay shaqooyinka kalluumeysatada kale.  Qaar badan oo ka tirsan waxay howlahooda ku soo koobeen in ay kalluunka yar yar ka soo jillaabtaan jamallada xeebta Muqdisho, iyagoo ka cabsi qaba haddii ay badda gudaha u sii galaan in la waxyeelleeyo.

Agaasimaha wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Cabdirisaaq Diiriye Warsame ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in markii ay iskaashatada kalluumeysiga la socodsiiyeen maqnaashaha dhallinyarada ay xiriir la sameeyeen Shabakadda Badweynta Hindiya oo ay ku mideysan yihiin dowladaha adeegsada marin-badeedka Badweynta Hindiya. Waxay ka codsadeen in ay ka caawiyaan xogta iyo helitaanka dhallinyaradaas, hase yeeshee wali wax jawaab ah kama aysan helin.

Agaasimaha ayaa xaqiijiyay inay xeebaha Soomaaliya joogaan maraakiib ay dad ajnabi ah leeyihiin oo si sharci-darro ah uga kalluumeysta.

Previous Post

Dad kun qoys ku dhow oo laga raray xaafado ku yaalla xeebta Berbera kaddib markii daadad ay galeen

Next Post

Xubinta qiimaha xoolaha

Related Posts

blank
Caafimaadka

Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley

June 4, 2026
Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 2, 2026
Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday

May 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
Next Post
Qiimo koror ku yimid xoolaha lagu iibiyo seyladda Garowe

Xubinta qiimaha xoolaha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 04-JUN-2026

IDAACADDA 04-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 04-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-JUN-2026
June 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-JUN-2026
June 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 31-MAY-2026
May 31, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo