Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Dhalinyaro mutadawiciin ah oo xaafadaha danyarta Laascaanood ka sameeyey ol’ole nadaafadeed

Radio Ergo by Radio Ergo
May 15, 2018
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Dhalinyaro mutadawiciin ah oo xaafadaha danyarta Laascaanood ka sameeyey ol’ole nadaafadeed

File Photo/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Ardayda dhigata kulliyada caafimaadka ee qaar kamid ah jaamacadaha ku yaalla magaalada Laascaanood, ayaa ol’ole nadaafadeed ka sameeyey xaafadda Daami oo ay deggan yihiin dad barakacay iyo kuwa danyar ah. Ol’olahan oo ay ka qeyb qaadanayaan 35 arday ayaa ujeedka laga leeyahay ay tahay in looga hortago in cudurrada faafa ay ka dillaacaan sida shubanka, xilli roobaadkan. Wuxuuna soconayaa muddo 10 maalmood ah.

Dayrtii hore ee sanadkii la soo dhaafay ayaa shan carruur ah ay u dhinteen cudurka shuban biyoodka, halka 50 kalena uu soo ritay, sida uu Raadiyo Ergo u xaqiijiyay Dr, Cabdikariim Ciise Jaamac oo ka mid ah dhakhaatiirta isbitaalka Manhal ee magaalada Laascaanood. Wuxuu intaas ku daray in afar ka mid ah carruurta ay isbitaalka ku dhinteen horraantii bishii Nofeember ee sanadkii hore.

Xilli roobaadkan Guga oo dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay ka da’ay magaalada Laascaanood ayaa daadkii ka dhashay wuxuu sababay in qashin uu fariisto gudaha xaafadda. Qashinta ayaa isugu jira mid ay dadku soo daadiyeen iyo mid biyuhu ka soo qaadeen goobo ka baxsan magaalada.

Bile Maxamuud Cabdi oo hormuud u ah dhalinyaradan ayaa Raadiyo Ergo u sheegay indaadka xaafaddan ay u nugul yihiin cudurrada ka dhasha nadaafad-darrada, maadaama aanay lahayn awood dhaqaale oo ay isaga bixiyaan kharashaadka ku baxa gawaarida qashinka qaada. Laba shirkadood oo magaalada ka dhisan ayaa qoysaska awooda ka qaada bishii $5.

Wuxuu rajo ka muujiyay in tallaabadan waxay qayb ka qaadan kartaa in carruurta oo ah kuwo u jilicsan laga bad baadiyo in cudurku uu haleelo. Wuxuu intaas ku daray in ay sameeyaan wacyi gelin caafimaad sida; in ay iska fogeeyaan qashinka, iyo in ay hubiyaan in carruurtu aanay biyaha wasakhaysan cabin.

Dhalinyaradan oo qaarkood ay barteen culuumta caafimaadka ayaa qalabka ay shaqadan adeegsanayaan waxaa ugu muhuumsan; fargeetooyin iyo badiillo. Marka ay isu uruuriyaan ayay saaraan gaari ay shidaal ku shubtaan, iyadoo la geeyo meel magaalada bannaankeeda ah si loogu gubo.

Dadka uu horey cudurka shuban biyoodku ugu dhacay carruurtooda waxaa kamid ah Barwaaqo Aadan Jimcaale oo saddex ka mid carruurteeda uu shuban ku dhacay Dayrtii la soo dhaafay. Waxay Ergo u sheegtay in ay ku faraxsan tahay dedaalka ay dhalinyarado wadaan, kaas oo meesha ka saaraya wel welkii ahaa in markale cudurku uu carruurteeda ku dhaco.

Carruurteeda ayaa markii uu cudurku kaga dhacay loogu daweeyey xarunta MCH-ka Sayidka oo  Lagu daryeelo hooyada iyo dhallaanka si bilaash ah.

Barwaaqo oo haysata afar carruur oo agoon ah ayaa beer ay ku lahayd miyiga degmada Xudur ee gobolka Bakool, ka soo barakacday kaddib markii ay abaartu saamaysay.

Duqa magaalada Laascaanood Cabdicasiis Xuseen Taar-wale, ayaa sheegay in arrimo dhaqaale oo maamulkiisa haysta, aanay u suurta gelin in magaalada oo dhan ay ka sameeyaan ol’ole nadaafadeed, sidaas daraadeedna ay ka war hayaan dhalinyarada shaqadan haysa, ayna soo dhowaynayaan.

Previous Post

Beero khasaare ka soo gaaray fatahaada webiga Jubba

Next Post

Qiimaha xoolaha

Related Posts

blank
Wararkii u Danbeeyay

Dhallinyaro Hargaysa ka hirgaliyay waxbarasho dadka loogu geeyo guryahooda

August 17, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Reer-guuraa Galgaduud oo ka cabanaya cudur ka dilaya xoolaha oo il-dhaqaale u ah

August 14, 2026
Qoysas danyar ah oo soo kabasho ganacsi ka helay waddo cusub oo laga dhisay Badhan
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas danyar ah oo soo kabasho ganacsi ka helay waddo cusub oo laga dhisay Badhan

August 12, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Carruur nafaqo celin loogu sameeyay Muqdisho markii ay taageereen ganacsato Somali ah

August 11, 2026
Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo

August 10, 2026
Somalia news, Latest news, Drought, Somali news, Mogadishu live news
Beeraha Iyo Xoolaha

Xoolo-dhaqato ku wajahaya Somaliland cunno xumo, go’doon iyo roob la’aan

August 7, 2026
Next Post
Qiimaha xoolaha ee sayladaha qaar

Qiimaha xoolaha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-AUG-2026

IDAACADDA 17-AUG-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-AUG-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-AUG-2026
August 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-AUG-2026
August 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-AUG-2026
August 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-AUG-2026
August 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13 AUG-2026
August 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo