Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

Carruur ay nafaqo-darro ku hayso deegaan ku yaalla koonfurta Hargaysa

Radio Ergo by Radio Ergo
May 17, 2018
in Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
Carruur ay nafaqo-darro ku hayso deegaan ku yaalla koonfurta Hargaysa

Sawir/kaydka/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Gabar 9 jir ah, ayaa toddobaadkii hore nafaqo-darro ugu dhimatay deegaanka Balli-mataan oo Hargeysa 80 km Koonfur uga beegan. Konton iyo kow kale oo nafaqo-darradu hasyo ayaa 36 kamid ah waxaa u u weheliso shuban biyood. Carruurtaas ayaa hadda lagu dawaynayaa xarunta caafimaadka ee deegaanka, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Dr. Khaaalid Cumar Cali oo ah madaxa xarunta.

Dhakhtarka ayaa intaas ku daray in bukaannada ay ku daweeyaan buskud iyo biyaha fuuq baxa soo celiya. Xaruntooda ayuu sheegay in ay dawayn karto shubanka iyo nafaqo-darada dhexe, laakiinse aanay heli karin caanaha loogu talo galay nafaqo darada xun. Arrintaas oo keentay in ay 11 iyo 12-kii bishan magaalada Hargeysa ay u gudbiyaan 12 carruur ah oo ka yar da’da shan sano oo galay heerka nafaqo-darada daran.

Farax Cigaal Warsame oo ka mid ah dadka barakaca ku ah xerada, ayaa xarunta caafimaadka muddo lix laamood ah kula jirta gabar labo sano jir ah oo uu soo riteen nafaqo-darro iyo shuban. Labo maalmood markii ay guriga ku haysay, isla markaana xaaladeedu ay ka sii dartay ay geysay xarunta. Xaalada gabadha ayaa hada soo hagaagaysa markii dhakhaatiirtu ay siiyeen faleebooyinka fuuq-soo-celinta.

Qoyska Farax ayaa wajahaya xaaladii ugu xumayd muddo 14 bilood ah oo ay xerada degganaayeen. Iyadoo qoysaska barakaca ku ah xerada aanay gargaar toos ah helin saddexdii bilood ee la soo dhaafay.

Hay’adda Alkhayr oo fadhigeedu yahay Ingiriiska oo bishii ay ka heli jireen 40kg oo raashin isugu jira bur, sonkor iyo boorash ah, ayaa saddexdii bilood ee lasoo dhaafay hal mar bishii Abriil u gaysay gargaar, sida uu Ergo u sheegay Khadar Cabudllaahi Siciid oo ah madaxa hay’adda ee magaalada Hargeysa.

Farax ayaa sheegtay in saddex maalin oo isku xigta aanay helin raashin ay carruurteeda u kariso, arrintaas oo keentay in saddex ka mid ah carruurteeda ay ku dhacdo nafaqo-darro, sida ay u sheegeen dhakhaatiirta xarunta oo baaritaan ku sameeyey. Waxay intaas ku dartay carruurteeda oo lix ah aanay u hayn wax ay u kariso, iyadoo aabahood uu guriga kusii hayo carruurta inta ay ilmaha yar dhakhtarka kula jirto.

Abaarta ka hor ayay qoyska Farax noloshoodu ku tiirsanayd 45 geel ah iyo 200 oo ari ah oo ay ku dhaqan jireen baadiye 10 km u jira deegaanka Daroor ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya. Xoolaha ayaa kaga dhammaaday abaar labadii sano ee la dhaafay deegaanka ka jirtay.

Xerada oo ay deggan yihiin qoysas xoolo-dhaqato ah oo abaarta ku cayroobay ayaa ku taalla buur hoosteed, taas oo sababta in marka roob da’o ay biyuhu fariistaan. Dr. Khaalid ayaa tilmaamay in xaaladu ay aad uga sii dartay markii roobabku ay ka bilowdeen deegaanka.

Dhibaatada cuno yaraan ee ka jirta xerada, ayaa ah mid ay ka siman yihiin dhammaan dadka soo barakacay ee xerada deggan.

Previous Post

Barnaamijka Dalandool

Next Post

Qiimaha Xoolaha

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post

Qiimaha Xoolaha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo