Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Masiibooyinka

Cagafta oo shacabka u kala gudbisa Baledwayne iyo deegaannada loo barakacay

Radio Ergo by Radio Ergo
May 15, 2018
in Masiibooyinka, Wararkii u Danbeeyay
0
blank

Qaar kamid ah shacabka Baledwayne oo saaran Cagaf ka gudbaysa buundada/Jamaal Cali/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Darawalada cagafyada ayaa markii ay fatahaadu qaaday beerihii gobolka Hiiraan, fursado shaqo ka helay gudaha magaalada Baledweyne, iyagoo dadka iyo alaabada u kala gudbiya deegaannada fatahaadu saamaysay. Abuukar Cali Yuusuf oo ka mid ah wadayaasha gaadiidkaas ayaa Ergo u sheegay in inta badan ay gudbiyaan shacabka u kala goosha magaalada iyo deegaannada loo barakacay sida Ceel-jaalle, halkii qofna ay saacadii ka qaadaan $2.

Wadada keliya ee laami ah ee dhex marta magaalada ayay darawaladu qiyaas ku maraan, maadaama ay biyuhu qariyeen. Arrintaas oo ay ka dhalato khasaare isugu jira naf iyo maal, marka cagaftu ay ka leexato wadada, sidaasna ay ku rogmato. Ilaa hadda shan qof ayaa shilalkaas ku dhintay, iyadoo shilkii ugu dambeeyey oo dhacay 11 bishan May ay ku dhinteen laba qof oo uu ku jiro wadaad caan ka ah magaalada, halka shan kalena ay dhaawacyo ka soo gaareen.

Abuukar waxa uu sheegay in marka qofku uu soo gaaro meel ku beegan gurigiisa ay ku dejiyaan, markuu soo danaystona ay biyaha dhexdooda ka soo qaadaan.

Webiga Shabeelle ayaa markale fatahaad ku keenay xaafadaha Baledwayne 12-kii bishan, iyadoo meelihii biyuhu ka noqdeen ay markale soo buuxsameen. Arrintaas ayaana dib u dhigtay qoysaskii ku talo jiray in ay dib ugu noqdaan guryohoodii oo wali biyo fadhiyaan.

Dadka aan iska bixin karin lacagaha lagu raaco cagafta ayaa dhex lugeeya biyaha, waxayna inta badan la kulmaan khataro. Magaalada oo leh laba buundo oo dadka iyo gaadiidku isticmaalaan ayaa waxaa 1 mitir iyo bar ka sarreeya biyaha webiga, taas oo khatar ku ah shacabka lugaynaya.

Maxamed Axmed Guure oo 19 jir ah, si dirqi ah ayuu uga badbaaday biyo qaaday 11-kii bishan, kaddib markii isaga iyo wiil ay saaxiibo yihiin ay biyuhu qaadeen iyaga oo ka gudbaya buundada.  Wiilkaas oo aan ilaa iyo hadda nolol iyo geeri midna lagu hayn ayuu Maxamed ka sheekaynayaa sida ay dhibaatadu ugu dhacday.

“Biyaha ayaa lugaha noo bixiyay, kaddib webiga ayaanu ku dhacnay. Xasan aniga ayuu I qabsaday, hoos ayaan isula degnay, kaddibna biyaha dhexdooda ayaan ku kala harnay,”. Ayuu yiri Maxamed.

Labo saacadood kaddib oo uu Maxamed haystay geed ku yaalla webiga jiinkiisa ayay shacab u gurmadeen sidaasna lagu soo bad baadiyay.

Wuxuu 4 kiilo oo bariis iyo sonkor isugu jiray u waday qoys ay qaraabo yihiin oo ku go’doonsan biyaha. Markii dambena uu dib ugu laabtay deegaanka Ceel-jaalle oo ah halkii uu ka yimi, isagoo raashinkii aan gaarsiin qoyskiisa.

Fatahaada ka taagan Baledwayne ayaa guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Macalin sheegay in ay ku barakeceen 144,000 oo qof, iyadoo ay jiraan khasaare maaliyadeed oo baaxad leh oo aan wali la tira koobin.

Previous Post

Barnaamijka Dakhtarka Raadiyaha

Next Post

Xubinta qiimaha xoolaha

Related Posts

Qoysas la dajiyay halka lagu fogeeyo qashinka laga saaro Hargaysa oo ka cabanaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas la dajiyay halka lagu fogeeyo qashinka laga saaro Hargaysa oo ka cabanaya nolol xumo

October 12, 2026
Nugaal: Ku dhawaad kun qoys oo ku guryo, beero iyo xoolo beelay daad ka dhashay roob
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku nool Ceel-jaale oo hoy la’aan noqday xilli digniinaha El Niño ay xoogaysteen

October 9, 2026
Dadkii fatahaadda Beledweyne ku barakacay oo bilaabay inay dib ugu noqdaan guryahoodii
Wararkii u Danbeeyay

Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar ku nool Bari

October 8, 2026
Qoysas ku biiray xeryaha Baydhabo oo cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol quus ah ku wajahaya xeryaha Caabudwaaq oo ay maciin bideen

October 7, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Ragga biraha tuma oo ka cabanaya nolol xumo iyo faquuq ka saaray suuqyada Dhadhaab

October 6, 2026
Sanaag: Nolol xumo ka dhalatay dab baabi’iyay tuulada Milxo
Cunto-Yaraanta

Dab qasaare gaystay oo saamayn ku yeeshay boqollaal qoys oo ku nool Hargaysa

October 5, 2026
Next Post
BAIDOA LIVESTOCK SALES BOOSTED BY TIES WITH BERBERA EXPORTERS

Xubinta qiimaha xoolaha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 12-OCT-2026

IDAACADDA 12-OCT-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 12-OCT-2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-OCT-2026
October 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-OCT-2026
October 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-OCT-2026
October 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-OCT-2026
October 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-OCT-2026
October 8, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo