Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Masiibooyinka

Barakac ka dhashay roobab ka da’ay deegaano ka tirsan gobolka Mudug

Radio Ergo by Radio Ergo
May 22, 2018
in Masiibooyinka, Wararkii u Danbeeyay
0
Fatahaadaha Soomaaliya

Keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Afar boqol oo qoys ayaa labadii toddobaad ee la soo dhaafay hoy la’aan iyo cunto yari ku haysataa duleedka deegaanka Bacaadweyne oo  Gaalkacayo koonfur uga beegan 200 km. Kaddib markii guryohooda ay fariisteen, biyo ka dhashay roobab xoog leh oo deegaankaas ka da’ay ilaa bilowgii bishan, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay guddoomiyaha Bacaadweyne Axmed Daahir Macallin.

Deegaanka oo ku yaalla dhul joogiisu hooseeyo ayaa sababtay in biyo badan oo roobka ka dhashay ay deegaanka fariistaan.

Maxamed Cabdullaahi Yacquub oo ka mid ah dadka ay barakiciyeen daadadku, ayaa maalintii 12-aad qoyskiisa oo ka kooban 12 qof kula hoyanaya duleedka Bacaadweyne.

Hadda isaga iyo qoyskiisa waxaa hoy u ah teendho uu ka dhistay halka ay barakaca ku yihiin. Taas oo uu dayn ahaan uga qaatay ganacsade jooga deegaanka Shabeelow oo ku dhow Bacaadweyne, kaas oo iib ahaan ugu keenay halka ay dadku u barakaceen.

Cuno aan badnayn ayuu sheegay in ay ka heleen shan maalin kahor maamulka Bacaadweyne taas oo hadda ka dhamaatay. Helitaanka raashinka ayuu tilmaamay in ay adag tahay, xataa haddii uu qofku lacag haysto, maadaama ay sidoo kale biyuhu galeen goobihii ganacsi ee deegaanka ku yaallay.

Xilli habeenimo ah ayuu sheegay in biyo badan oo gurigiisa ugu soo galay 11-kii bishan May uu kala baxay oo keliya carruurtiisa, isla markaana ay qaadeen hantidii u taalay sida raashinkii.

Maxamed ayaa intaas ku daray in gurigiisa oo ka kooban saddex qol oo dhagax ka samaysan aanu wax xog ah xilligan ka hayn, maadaama wali gudaha deegaanka ay biyo fadhiyaan, isla markaana aan la geli karin.

Nolosha qoyskiisa ayuu ka saari jiray jebinta dhagaxa iyo cusbada oo uu ka soo qodi jiray isaga iyo xoogsato kale, goob ay ka baxdo oo ku taalla duleedka Bacaadweyne. Shaqadaas oo uu uu bishii ka heli jiray $100 ayuu sheegay in ay  hadda istaagtay, kaddib markii biyuhu galeen halkii laga qodi jiray cusbada iyo dhagaxa.

Guddoomiyaha Bacaadweyne oo la hadlay Raadiyo Ergo ayaa dhankiisa sheegay in dadkan oo u badan danyar ay nolosha ka raadin jireen, ganacsiyo yar yar sida iibinta khudaarta, hilibka xoolaha iyo bagaashka. Waqtigana ay banaanka joogaan iyaga oo aan waxba haysan.

Maamulkiisa ayuu sheegay in ay dadkan gacan ku siiyeen sidii biyaha looga soo samata bixin lahaa, iyagoo ku dhinac waday wacyi-gelin ay dadka ugu sheegayaan in ay ka dheeraadaan meelaha biyuhu isugu yimaadaan. Xilligan ayuu sheegay in dadka dhaqaalaha haysta ee deegaanka ay ka qaadaan wixii dadkaas loogu gurman lahaa, laakiinse aanay ku filnayn baahida ay barakacayaashu qabaan.

Hay’adda maaraynta masiibooyinka ee Galmudug ayaa sheegtay in dad gaaraya 50,000 oo qoys oo isugu jira dad barakacayaal ah, xoolo-dhaqato iyo dadkii magaalooyinka ay noloshooda saamayn ku yeesheen roobabka mahiigaanka ah ee ka da’ay deegaannada maamulkaas.

Madaxa hay’adda Maxamed Xaashi Yuusuf ayaa sheegay in 5,000 oo qoys oo kale ay ku guryo beeleen roobabka ayna barakac noqdeen. Halka 1,300 oo neef ay ku dhinteen roobabkii bishii ugu dambeeyey da’ayay Galmudug.

Saddexdii toddobaad ee la soo dhaafay deegaanada Bacaadweyne iyo Garow-waale oo koonfurta gobolka Mudug ku taalla, ayuu xusay in ay  ku barakeceen 1,600 oo qoys.

Previous Post

Carruur uu ku dhacay cudurka shubanka oo jiifa cisbitaalka Banaadir

Next Post

Dad kun qoys ku dhow oo laga raray xaafado ku yaalla xeebta Berbera kaddib markii daadad ay galeen

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Digniin fatahaad

Dad kun qoys ku dhow oo laga raray xaafado ku yaalla xeebta Berbera kaddib markii daadad ay galeen

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 16-APR-2026

IDAACADDA 16-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 16-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo