Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Xaaladaha kufsi ee deegannada Somaliland oo kor u kacay sannadkan

Radio Ergo by Radio Ergo
April 17, 2018
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Xaaladaha kufsi ee deegannada Somaliland oo kor u kacay sannadkan

Kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Konton iyo afar kiis oo kufsi ah ayaa ka dhacay deegaannada Somaliland, saddexdii bilood iyo barkii la soo dhaafay, sida lagu sheegay diraasad fal-dambiyeedyada ku saabsan oo ay soo saareen ciidamada booliiska 12 bishan Abriil. Kiisaska kufsi ee dhacay bilihii ugu horreeyey ee sannadka ayaa saadaalinaysa inuu jiro koror, marka loo barbar dhigo sannadkii la soo dhaafay oo guud ahaan kiisaska dhacay ahaayeen 80.

Waxaa ku jira carruur isugu jirta wiilal iyo gabdho oo da’doodu u dhexayso lix ilaa siddeed sano.

Eedaysanayaasha ilaa hadda loo qabtay falalka kufsiga ayaa gaaraya 55 qof. Waxaa ilaa iyo hadda xabsiyo kala duwan lagu xukumay 30 dhalinyaro ah, halka ciidamada booliisku ay raadinayaan shan qof oo kale kuwaas oo baxsaday, inta soo hartayna ay xukun sugayaal yihiin. Dhalinyarada kufsiga geysatay ayaa lagu  kala xukumay inta u dhexaysa 7 ilaa 15 sano. Halka qaarkoodna ay wali xukun sugayaal yihiin.

Magaalooyinka ugu badan ee ay kiisaska kufsigu ka dhaceen ayaa lagu sheegay diraasadda inay kala yihiin Hargeysa oo 25 kiis ah iyo Burco oo 16 kiis laga diiwaan-geliyay. Halka 13 soo haray ay ka dhaceen deegaanno kala duwan oo Somaliland ah.

Nin 12 Janaayo ee sannadkan ku kufsaday Hargeysa gabar lix jir ah ayaa ahaa kiiskii ugu dambeeyey ee maxkamadda gobolka Waqooyi-galbeed ay ka garnaqdo. 14 kii bishan Abriil ayaa lagu xukumay sagaal sano ah oo xarig ah. Xukunka ninkaas ayaa loo cuskaday xeerarkii hore ee kufsiga u yaallay, iyadoo uu jiro xeer cusub oo ka dhan ah kufsiga oo ay golaha baarlammaanku meel mariyeen toddobadii bishan kaddib lix sano oo uu hor yaallay, kaas oo aan weli la dhaqan gelin, iyadoo lala sugayo inuu madaxwaynuhu saxiixo.

Xeerkan waxaa soo dhoweeyay ururada xuquuqda haweenka iyo caruurta u dooda ee Somaliland oo iyagu u ololeynaayay meel marinta shirci ciqaabeed u gaar ah kufsiga.

Xeerkan cusub oo sugaya saxiixa madaxwaynaha, ayaa ah sababta aanu u dhaqan-gelin. Wuxuu golaha wakiillada Somaliland hor yaalley ilaa 2013, xilligaas oo la soo saaray. Golaha ayaana ugu dambayn meel mariyey horraantii bishan.

Sharcigan ayaa ciqaabtiisu tahay qofka lagu helo kufsi inuu mutaysan doono shan sano ilaa 30 sano oo xarig ah, haddii ay dhibanuhu uu kufsigaas xanuuno ka qaadano waxaa ciqaabtiisu noqonaysaa xabsi daa’in. Waxaa sidoo kale ku jira inaan xeer dhaqamadeed lagu xallin karin kiis kufsi, isla markaana aan la cafin karo qofka dambiilaha ah.

Inkasta oo aan lawada diiwaan-gelin kiisaska kufsi ee ka dhaca Somaliland, hadana saraakiisha booliisku waxay sheegeen in ay ku dhiiri geliyaan haweenka inay soo sheegaan wakhtiga ay fal tacaddi ah la kulmaan. Ciidamada ayaa intaas ku daray in dhalinyaradii ugu dambeysey ay 23 Bishii hore ee Maarso usoo qabteen kufsi ay hadda baaristooda wadaan.

Hibaaq Cabdiraxmaan oo u dhaq-dhaqaaqda xuquuqda haweenka, kuna nool magaalada Hargeysa ayaa walaac ka muujisay tirada tacayaddiyada ka dhanka haweenka ee ku soo badanaya deegannada Somaliland. Waxay ku baaqday si looga hortago in falkan uu ku faafo deegannada oo dhan, in si deg deg ah loo dhaqan geliyo sharciga cusub si loogu ilaaliyo xuquuqda dhibanayaasha.

Previous Post

Kiisaska kufsiga oo kor ugu sii kacay Somaliland 3 bilood ee sanadkaan ugu horaysay

Next Post

600 oo qoys oo barakac ku ah Caabudwaaq iyo Guriceel oo shaqo-abuur loo sameeyay

Related Posts

Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday

May 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 16, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo

May 15, 2026
Next Post
Ayuutada casriga ah oo haweenka u noqotay fursad maalgashi

600 oo qoys oo barakac ku ah Caabudwaaq iyo Guriceel oo shaqo-abuur loo sameeyay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 30-MAY-2026

IDAACADDA 30-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 30-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-MAY-2026
May 30, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 29-MAY-2026
May 29, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 28-MAY-2026
May 28, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 27-MAY-2026
May 27, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 26-MAY-2026
May 26, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo