Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

Tallaalka dabeysha ee Muqdisho – Waaliddiinta oo oggolaaday iyo qaar weli diidan

Radio Ergo by Radio Ergo
April 13, 2018
in Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
Tallaalka dabeysha ee Muqdisho – Waaliddiinta oo oggolaaday iyo qaar weli diidan

Sawir/Keyd/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – In ka badan 600 oo shaqaale caafimaad ah oo ka kala yimid 17-ka degmo ee gobolka Banaadir ayaa toddobaadkii hore fuliyay olole guryaha ay ku booqanayeen si ay kumannaan carruur ah u siiyaan tallaalka ka hortagga cudurka dabeysha.

Bar-tilmaameedku wuxuu ahaa in la gaaro 174,730 carruur ah oo ay da’ooda u dhaxeyso afar bil ilaa labo sano jir oo ku nool Muqdisho iyo agagaarkeeda. Carruurta waxaa garabka looga durayay cirbadda tallaalka si ay difaac ugu yeeshaan halista cudurka.

Dr. Saxnuun Cabdiraxmaan Fiidow oo ololaha tallaalka ee gobolka Banaadir u qaabbilsan wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in baaritaan ay natiijadiisa xaqiijisay hay’adda Caafimaadka Adduunka ay ku sameeyeen meel kulmisa bullaacadaha saddex degmo oo Muqdisho ah, kaas oo uu xusay in lagu ogaaday jiritaanka jeermiska cudurka dhaliya oo halis ku ah inuu dalka ku faafo.

Weriyaha Ergo ee Muqdisho ayaa guryo ku yaalla degmada Hodan u raacay kooxda tallaalka oo xiran jaakado jaalle ah oo ay ku sawiran yihiin carruur la tallaalayo si uu ula socdo howshooda.

Dareen kala duwan ayay la kulantay kooxda, waaliddiinta qaar waxay diyaar u sii ahaayeen inay aqbalaan tallaalka carruurtooda, hase yeeshee qaar kale ayaa u haystay in laga maarmi karo ama cabsi ka muujiyay inuu tallaalku sababi karo dhibaato caafimaad.

Kii ugu horreeyay 40 guri oo ay beegsanayeen subaxaas, kooxdu waxay faa’iidada tallaalka u sharraxeen hooyo, taas oo 10 daqiiqo kaddib oggolaatay in loo tallaalo saddexdeeda carruurta ah – labo wiil oo sanad iyo labo jir ah iyo gabar afar bilood jirta ayaa loo tallaalay.

Si kasta oo ay ahaataba gurigii xigay waxay shaqaalaha caafimaadka caqabad kala kulmeen inay hooyada qoyska ku qanciyaan inuu tallaalku lagama maarmaan u yahay cunuggeeda oo siddeed bilood jira. Waxay ka shakisay tayadiisa, maaddaama uu bilaash yahay, laakiin markii dambe way oggolaatay.

Diidmadii ugu horreysay oo toos ah oo ay kulmeen ayuu goobjoog u ahaa weriyeheenna, waxay ka timid aabbe lagu magacaabo Cismaan Nuur Xaaji oo afar carruurtiisa ah la joogay, xaaskiisa waxay ku maqneyd bannaanka markii ay kooxda tageen gurigooda oo ku yaalla degmada Howl-wadaag.

“Dhowr jeer ayaan arkay ilmo inta la tallaalay xanuun ka bixi waayay sida shuban iyo nafaqo-darro. Sidaas ayaanan u oggoleyn. Keligay ma aha xitaa xaaskeyga way ila qabtaa aragtidaas,” ayuu si caro leh u yiri.

Kooxdu waxa keliya ay sameyn karto waxay noqotay inay dhacdadaas u gudbiyaan wasaaradda si loogu soo diro dad ku qanciya tallaalka, ka hor inta aan laga gudbin.

Ololaha oo ay taageerayeen hay’adda caafimaadka ee WHO iyo hay’adda carruurta ee UNICEF ee Qaramada Midoobay ayaa socday toddobo maalin oo xiriir ah, waxaana kooxaha caafimaadka la geeyay xaafadaha magaalada iyo xeryaha lagu barakacay ee ku yaalla inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye.

Wacyigelin ayaa la sameeyay loogu sheegayo waalidka inay mas’uul ka yihiin hubinta in carruurtooda ay tallaalka qaateen iyo waajibka diin ahaan ka saaran ka ilaalinta carruurtooda halisaha caafimaad ee uu ku jiro cudurka dabeysha.

Dr. Saxnuun ayaa sheegay in weli loo baahan yahay dadaal xooggan si loo qanciyo waaliddiinta aan weli oggoleyn tallaalka. Wuxuu xusay in waaliddiinta qaar ay aaminsan yihiin in uusan tallaalku xalaal ahayn, qaar kale waxay rumeysan yihiin in uu sababo cudurro kale iyo in uusan tayo lahayn maaddaama si bilaash ah guryahooda loogu geynayo.

Previous Post

Barnaamijka gobaad

Next Post

WARARKA QIIMAHA XOOLAHA

Related Posts

Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada

June 5, 2026
blank
Caafimaadka

Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley

June 4, 2026
Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 2, 2026
Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday

May 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Next Post
Qiimo koror ku yimid xoolaha lagu iibiyo seyladda Garowe

WARARKA QIIMAHA XOOLAHA

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 05-JUN-2026

IDAACADDA 05-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 05-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-JUN-2026
June 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-JUN-2026
June 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-JUN-2026
June 1, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo