Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shaqo-abuur beddelay nolosha boqollaal qoys oo ku barakacay Galgaduud

Radio Ergo by Radio Ergo
April 16, 2018
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Somalia live news, Radio Ergo news, Somali live news, Somalia latest news today

Keydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Maxamuud Cali oo 43 jir ah isaga iyo qoyskiisa oo ka kooban afar carruur ah iyo hooyadood, muddo sanad iyo bar ah oo ay barakac ku yihiin Caabudwaaq, Galgaduud markii ugu horreysay ayaa gurigooda joogto cunto looga kariyaa. Tan ayaa ka dhalatay shaqo-abuur 22-kii Maarso loo sameeyay isaga iyo qoysas kale oo soo barakacay si ay uga maarmaan ku tiirsanaanta gargaarka bani’aadannimo ee sida dhifka ah looga bixiyo xeryaha magaalada.

Sandaqad uu ku iibiyo raashinka sida; bariiska, burka, sokorta, saliidda iyo cabitaanka laga sameeyo khudradda iyo miraha ayuu suuqa Caabudwaaq uga furtay $500 oo ay siisay hay’adda qaxootiga ee Denmark (DRC). Labo ilaa saddex doollar oo uu maalin kasta ka helo shaqadan ayaa nolol-maalmeedka ugu filan qoyskiisa oo deggan xerada lagu barakacay ee Kheyre.

Horay waxay ugu tiirsanaayeen kaalmo ay mararka qaar ka helaan hay’ado samafal ama shaxaad uu magaalada ka soo helo. Xitaa xilliyadaas marka ay ugu fiican tahay hal waqti ayay dabka shidan jireen. Horraantii sanadkii 2017 ayay qoyska Maxamuud u soo barakaceen Caabudwaaq, kaddib markii ay abaarta uga dhinteen labo boqol oo ari ahaa oo ay ku dhaqan jireen deegaanka Dhaqayaboor ee gobolka Wardheer ee Dhulka Ismaamulka Soomaalida-Itoobiya oo xad la leh Galgaduud.

Dad ku barakacay magaalooyinka Caabudwaaq iyo Guriceel ee gobolka Galgaduud oo ay tiradooda gaarayso 450 qoys ayaa shaqooyin loo abuuray uga ganacsada suuqyada iyo hareeraha xeryaha lagu barakacay ee magaalooyinkaas, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Cabdullaahi Cilmi Cali oo ah madaxa hay’adda DRC ee Caabudwaaq. Waxay qabtaan shaqooyin ay ku jiraan iibinta khudaarta, ganacsiga bagaashka, iibinta xoolaha iyo harqaan-tolista.

Dadkan oo soo xulistooda ay iska kaashadeen maamullada degmooyinka iyo hoggaamiyeyaasha xeryaha lagu barakacay ayaa loo aqoonsaday inay yihiin kuwa ugu dhaqaalaha liita. Cabdullaahi wuxuu xaqiijiyay in qof kasta oo ka mid ah dadkaas la siiyay tababar saddex maalmood qaatay. “Waxaan barnay qofka inuu isagu wax la soo bixi karo, intii uu dad kale sugi lahaa, annagana aan caawinno si noloshiisa uu u sii wato,” ayuu yiri.

Waaliddiinta qaar ayaa shaqo-abuurkan uga faa’ideystay inay carruurtooda geeyaan dugsiyada waxbarashada ee lacagta lagu dhigto. Maryan Barre Diiriye oo qoyskeeda uu ka kooban yahay 10 qof waxay markii ugu horreysay iskuul ku yaalla Guriceel ka soo qortay afar ka tirsan carruurteeda oo ay da’dooda u dhaxeyso siddeed jir iyo 16 jir. Carruurta oo ku kala biiray fasallada koowaad ilaa saddexaad waxay midkiiba bil kasta ka bixisaa $5.

Horay uma aysan helin fursad waxbarasho maaddaama deegaanka ay ka soo barakaaceen oo lagu magacaabo Goofado uusan lahayn xarumo waxbarasho. Waa dhul miyi ah oo u dhaxeeya gobollada Hiiraan iyo Galgaduud.

Lacagta deeqda ah ee la siiyay waxay meherad uga furatay bannaanka xerada lagu barakacay ee Siligle oo ah halka ay deggan tahay. Waxay iibisaa khudaar, hilibka iyo mararka qaar xoolo nool. Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in aysan u qorsheysneyn inay dib ugu noqoto miyiga, maaddaama aanay waxba uga horreyn. Abaarta ayay ku dhamaadeen xoolaheedii oo dhan oo ahaa 300 oo ari ah.

Previous Post

Kiisas hore leh oo kufsi ah oo laga soo sheegayo Baraawe

Next Post

Qiimaha xoolaha

Related Posts

In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km
Cunto-Yaraanta

In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km

September 21, 2026
Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda

September 19, 2026
Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska

September 16, 2026
Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer
Beeraha Iyo Xoolaha

Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer

September 15, 2026
Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari

September 14, 2026
Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo
Wararkii u Danbeeyay

Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo

September 11, 2026
Next Post

Qiimaha xoolaha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 22-SEP-2026

IDAACADDA 22-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 22-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-SEP-2026
September 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-SEP-2026
September 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-SEP-2026
September 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-SEP-2026
September 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-SEP-2026
September 18, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo