Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Rag qoysaskoodii baadiyaha uga yimi oo Gaalkacayo uga xammaala

Radio Ergo by Radio Ergo
April 19, 2018
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Goobtii caafimaad ee ugu horreysay oo laga furay deegaanka God Aalo

Keyda Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Xasan Warsame oo 60 jir ah, muddo saddex bilood ah ayuu ka shaqeynayaa dhismaha guryaha ee magaalada Gaalkacayo. Lix maalmood markii uu Gaalkacayo joogay ayuu shaqadan waydiistey dadka dhismayaasha ka shaqeeya. Waxay u tahay markii u horeysay noloshiisa ee uu xirfaddan qabto. Wuxuu qaabilsan yahay qasida shamiitada iyo soo daabulida dhagaxa xilliga ay socoto shaqada dhismuhu. Raadiyo Ergo ayuu u sheegay inaanay shaqadan aqoon uga baahnayn, balse ay xoog iyo xeelad u baahan tahay.

Bilowgii sannadkan waxaa kordhay tirada dadka inta badan xoolohoodii ku waayay abaarta ka jirta gobolka Mudug, ee shaqooyinka muruq-maalka ah u doonta magaalada Gaalkacayo.

Roobabkii Dayrtii la soo dhaafay oo ku yareyd deegaannadooda, xoolaha abaarta uga bad baaday oo aan nacfi badan lahayn iyo nolosha miyiga oo sii adkaatay ayaa 340 nin ku khasabtay inay muruq-maal ahaan noloshooda ugala soo baxaan dhismaha, dhagax-jebinta, xamaali iyo ka shaqeynta maqaayadaha magaalada Gaalkacayo.

Xasan wuxuu siddeed carruur ah iyo hooyadood uga soo tegay deegaanka Ximcad oo 52 km Gaalkacayo Koonfur uga beegan. 15 neef oo ari ah ayaa uga soo haray 300 oo neef oo uu abaarta kahor dhaqan jirey. Xasan ma awoodo inuu qoyskiisa magaalada keeno, maadaama lacagta soo gasha uu toddobaad walba reerkiisa raashin ugu gado.

Toddobaadkii ayuu sheegay in saddex ama afar maalin oo ka mid ah uu shaqo helo, inta kalena uu shaqo la’aan yahay.

Lacagta uu shaqeysto ayuu sheegay inuu u dhiibto dukaan uu leeyahay nin ay is yaqaanaan. Qoyskiisa ayuu toddobaadkii la soo joogaa maalmaha Khamiista iyo Jimcaha, isagoo subaxa dambe ee Sabtida uu dib ugu laabta shaqadiisa oo uu toddobaadkii ka helo Shs550 ilaa 600 ($20). Marka laga reebo kharashaadka magaalada iyo safarka waxaa inta soo hartay ay u goysaa 15 kiilo oo bur ah, 20 kiilo oo bariis ah iyo 10 kiilo oo sonkor ah, intaas oo qoyskiisa hayn karta toddobaadka uu reerkiisa ka maqan yahay.

“Shaqadan waxaan cuno inaan helo ayaa ii geysay. Farqi ayaa u dhexeeya noloshii hore iyo tan, noloshii hore aad iyo aad ayay u wacnayd,” ayuu yiri Xasan.

Ragga uu Xasan ka mid yahay ayaa xilliga habeenkii ah seexda misaajidda magaalada ku yaalla, mana jirto cid ehel ah oo ay ku leeyihiin magaalada.

Shariif Cabdi oo 34 jir ah, qoyskiisuna ka kooban yahay siddeed qof, wuxuu subax walba u shaqo tagaa suuqa raashinka ee Gaalkacayo, si uu qayb uga noqdo shaqaalaha dejiya ama rara raashinka ay gawaaridu keenaan.

Qoyskiisa oo uu uga soo tegay deegaanka Afgaduudle, oo Gaalkacayo u jirta 170 km, ayaanu awoodin inuu toddobaad walba booqasho ugu tago. Bedelkeedna Shs240,000 ($10) oo uu ka helo xamaaliga, ayuu min shan kiilo oo bur, bariis iyo sonkor ah ugu sii dhiibaa hadba gawaarida deegaankaas u socda. Maadaama lacagtaasi ugu qayb samayn gaari-raaca iyo raashinka qoyskiisa.

Shan  sano ka hor ayuu dhaqan jiray 150 neef oo ari ah oo ay hadda uga soo hartay 10 neef keliya. Raadiyo Ergo ayuu u sheegay in bishii koowaad ee sannadkan uu shaqada xamaaliga bilaabay markii uu u adkaysan waayay nolosha adag ee ay qoyskiisu wajahayaan.

Agaasimaha arrimaha bulshada dowladda hoose ee Gaalkacayo Muxiyadiin Yuusuf oo Ergo la hadlay ayaa sheegay in waxa keliya ee  xafiiskoodu awoodaan ay tahay inuu iskaashatooyinka xoogsatada ku amraan iney dadkan shaqaalaysiiyaan.

Waxaa uu intaas ku daray in ka maamul ahaan ay wadaan dadaalo ah in dadkan dib loogu celiyo miyiga oo xooleyn loo sameeyo. Haddii ay taasi dhici waydona ay qorshaynayaan in raggan qoysaskooda loogu keeno magaalada, isla markaana la baro xirfado ay ku shaqeystaan.

Previous Post

Qiimaha Xoolaha

Next Post

Barnaamijka Dalandool

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post

Barnaamijka Dalandool

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo