Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Masiibooyinka

Khasaare ka dhashay fatahaado ay sameeyeen webiyada Jubba iyo Shabeelle

Radio Ergo by Radio Ergo
April 24, 2018
in Masiibooyinka, Wararkii u Danbeeyay
0
Khasaare ka dhashay fatahaado ay sameeyeen webiyada Jubba iyo Shabeelle

Kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Ifiye Macallin Xasan, oo qoyskiisa ka kooban yahay 9 qof , shan maalmood waxay saaran yihiin dusha sare ee barsadda gurigooda oo ku yaalla tuulada Leebow oo 11 km Waqooyi ka xigta magaalada Beledweyne.

Qoyskiisa Ifiye oo ay go’doomisay fatahaad uu sameeyay webiga Shabeelle oo mara tuuladiisa ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in carruurta iyo keydka raashin oo haruur ah ay kala soo dhex baxeen biyaha.  Carruurtiisa ayuu cuntada ugu kariyaa baafka dharka, isagoo ka cabsi qaba in dabku uu gubo gurigiisa.

Wuxuu sheegay in biyaha fatahaadda ay dhulka ka sarreeyaan cabbir hal mitir ah, isla markaana ay u suuragali wayday inuu carruurta kala baxo tuulada si uu u tago meel taag ah. Qoyskiisa ayuu sheegay inay ku adagtahay nolosha, maaddaama raashinku uu gabaabsi ka sii yahay, welwelna ay ku hayso inay la dunto barsadda ay saaran yihiin, roobka da’aya iyo biyaha fatahaadda ah oo sii kordhaya dartood.

Ifiye oo aan iskud daynay inaan markale taleefan kula xiriirno, si aan wax uga waydiino xaaladihii ugu dambeeyey ee dadka go’doosan, laakiinse waa noo suurta geli wayday.

Malmihii la soo dhaafay, ilaa 1,000 qoys oo isugu jira beeralley iyo xoolo-dhaqato ayaa ka barakacay magaalada Beledweyne iyo shan tuulo oo u dhow oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

210 qoys oo ku nool tuulada Leebow oo 11 km u jirta Beledweyne, ayaa wali go’doonsan labadii maalmood ee la soo dhaafay. Sida uu Raadiyo Ergo u sheegay guddoomiyaha tuulada Cali Sheekh Muxumed.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in uusan awoodin in uu gaaro si uu u caawiyo qoysaska kale maadaama ay daadadku gooyeen waddooyinka iyo jidadka. Wuxuu intaas ku daray in dadka ku go’doonsan tuulada ay markii fatahaaddu billaabaneysay rajo ka qabeen inay is dhimmi doonaan biyaha, laakiin ay ku baraarugeen dhammaan wadooyinka soo gala oo xiran.

Horraantii sanadkan ayaa webiga Shabeelle ayaa qallalay kaddib abaaro daba dheeraaday. Biyaha ayaa dib ugu soo noqday bishii Maarso.

Tuulooyinka ay fatahaadda webigu saameysay waxaa ka mid ah Lafoole, Garash, Nimcaan iyo Shiniile. Qaar ka mid ah dadka ku nool tuulooyinkaas waxaa u suura gashay inay ka baxaan meelihi ay fatahaaddu ka dhacday, kahor inta aysan biyaha soo badan.

Waxaa jirta cabsi laga qabo in dhowrka maalmood ee soo socda ay webiyadu ku fatihi karaan meelo hor leh, gaar ahaan degmooyinka Luuq iyo Beledweyne. Sida ay sheegtay mashruuca maamulka dhulka iyo hawada Soomaaliya ee (SWALIM).

Dhinaca kale, Beerallayda waraabka ah ee degmada Baardheere iyo tuulooyin gaaraya 57 oo ku teedsan webiga jiinkiisa ee gobolka Gedo, ayaa labadii maalmood ee ugu dambeeyey uu khasaare ka soo gaaray fatahaad uu sameeyey webiga Jubba. Beerallayda ayaa sheegay in biyuhu ay la tageen dalagyadii ugu beernaa in kabadan 900 oo beerood oo ku yaalla dhul cabirkiisu yahay 5,868 hiktar. Sida uu Raadiyo Ergo u sheegay guddoomiyaha beeralleyda Baardheere Maxamed Cabdiraxmaan Matow.

Previous Post

Somaliland: 9,000 oo beeroley ah oo labo sano kaddib tacbanaya dalagyadii ugu horreeyay

Next Post

Barnaamijka Beeraha

Related Posts

Nin fursad ganacsi u beddelay fikrad uu ka helay dhageysiga Radio Ergo
Wararkii u Danbeeyay

Nin fursad ganacsi u beddelay fikrad uu ka helay dhageysiga Radio Ergo

July 9, 2026
Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye

July 7, 2026
Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen

July 3, 2026
Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose

July 2, 2026
Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda

June 29, 2026
Ganacsiyo u xirmay xoolo yari iyo dhaqaale xumo haysa reer guuraga gobolka Doollo
Cunto-Yaraanta

Ganacsiyo u xirmay xoolo yari iyo dhaqaale xumo haysa reer guuraga gobolka Doollo

June 25, 2026
Next Post
Qiimaha midhaha ka soo baxa Beeraha Soomaaliya

Barnaamijka Beeraha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 09-JUL-2026

IDAACADDA 09-JUL-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 09-JUL-2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-JUL-2026
July 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-JUL-2026
July 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-JUL-2026
July 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-JUL-2026
July 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-JUL-2026
July 5, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo