Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Garoowe: Carruurta waxbarashada ka haraya oo ku sii badanaya xeryaha barakacayaasha

Radio Ergo by Radio Ergo
April 13, 2018
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Garoowe: Carruurta waxbarashada ka haraya oo ku sii badanaya xeryaha barakacayaasha

Keydka/Sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Aamino Rukun toddobo carruur ah oo ay dashay, afar ka mid ah ayaa gaaray xilliga waxbarashada, balse midkoodna ma aado iskuul. Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in wiilka carruurteeda u weyn oo 13 sano jir ah ay mar geysay iskuulka Jowle balse uu waxbarashada ka tegay xagaagii sannadkii 2016. Kaddib markii sida ay sheegtay looga maarmi waayay in uu qayb ka qaato maareynta nolosha qoyska. Iyadoo qoyska Aamino aanay awoodin kharashaadka ku baxaya qalmaanta, buugta iyo nadaafadda iskuulka oo waalidiinta carruurta laga qaado.

Dhaqista baabuurta oo uu maalintii ka helo $3 oo uu marna waayo ayuu ku caawiyaa qoyskiisa. Aamino ayaa markii hore ka shaqeyn jirtay qashin-qaadis, laakiinse hadda waxay guriga ku haysaa carruurteeda, halka aabaha qoyskuna aanu si joogta ah u helin shaqo uu kuuli ahaan uga shaqaysto dhismaha guryaha si uu ku  daboolo baahida reerkiisa.

Xeryaha waxaa ku yaalla saddex iskuul oo bilaash lagu dhigto, qaarkoodna ay furan yihiin ku dhowaad toddobo sano. Iskuullada ayaa waxaa hadda dhigta 858 carruur ah. Laakiinse carruurta qoysaska xeryaha ee waxbarashada aan tegin ayaa gaaraya kummanaan, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha Puntland.

Waxbarasho la’aanta carruurta ayaa loo sababaynayaa shaqooyin ay ka qabtaan magaalada oo ay ku taageeraan qoysaskooda iyo waliba waalidiinta qaar oo aan ku baraarugsanayn ahmiyadda waxbarashadu u leedahay ubadka. Halka carruurta qaarkood welwel ay kasii qabaan inaanay u gudbin doonin fasalka toddobaad oo ay tahay inay ka dhigtaan iskuullada ka baxsan xerada.

Qoysaska ay carruurtan ka soo jeedaan oo danyar ah ayaan awoodin inay ka bixiyaan $20 oo ah lacagta lagu dhigto iskuullada gaarka loo leeyahay ee ku yaalla Garoowe, marka ay dhammeeyaan fasalka lixaad ee dugsiga dhexe ee ku yaalla xerada oo ay bilaash ku dhigtaan.

Maxamed Deeq Gaax oo 12 jir ah, wuxuu maalin walba u soo shaqo tagaa barxadda Garoowe oo uu ku dhaqo baabuurta , shaqadaas oo uu ka sameeyo lacag u dhexaysa $5 ilaa $10, taas oo uu ku caawiyo waalidkiis oo xerada Jawle ku nool.

Maxamed ayaa waxbarashada ka tegay 2015 isagoo markaas fasalka labaad ah, si uu ugu shaqeeyo shan carruur ah oo uu ugu wayn yahay oo aan iyaguna waligood waxbarasho aadin. Maxamed ayaa Raadiyo Ergo u sheegay inuu jeclaan lahaa inuu waxbarto, laakiinse duruufta nololeed ee reerkiisa ay ku khasabtay inuu suuqa magaalada u shaqo tago, halkii uu iskuulka ka aadi lahaa.

Maxamed Axmed oo maamule ka ah iskuulka Shabeelle oo bilaash ah ay ku dhigtaan 504 arday, isla markaana ku yaalla xerada Jawle, ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in markii ugu horreysay sannadkii la soo dhaafay 40 arday oo keliya ay u gudbeen fasalka toddobaad ee dugsiga dhexe. Kaddib dadaal wada jir ah oo ay iska kaashaadeen maamulka iskuulka, masuuliyiinta xerada iyo guddiyada waxbarashada ee kaamka. Halka 35 arday oo kale ay ka hareen waxbarashada oo qorshuhu ahaa in ay fasalka toddobaad u gudbaan.

Maqaayadaha lagu shaaho iyo hoteellada magaalada ayaa subixii iyo galabtii lagu arkaa carruur koox koox u socota, kuwaas oo aan waxbarasho aadin bedelkeedna suuqa usoo shaqo tegay.

Iskuulka Shabeelle oo la hirgeliyay 2011, waa kan ugu weyn ee ardayda ugu badan xerada ay dhigtaan. Wuxuu ka kooban yahay fasallada koowaad ilaa lixaad. Waxaa taageera wasaaradda waxbarashada iyo hay’adaha Save the Children, Relief iyo NRC.

Maamulaha iskuulka Shabeelle ayaa intaa ku daray inay filayeen in iskuulka ay yimaadeen laba jibaar tirada hadda dhigata. Wuxuu intaas ku daray in sannad dugsiyeed walba ay iskuulka ka haraan 25 arday oo hor leh, maamul ahaanna ay dadaal ku bixiyaan xilliyada fasaxa lagu jiro in ay waalidka ku dhiiri geliyaan sidii ay carruurta iskuulka u keeni lahaayeen.

Previous Post

Qiimaha xoolaha

Next Post

Talaalka cudurka dabaysha oo kumanaan carruur ah lagu beegsaday

Related Posts

In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km
Cunto-Yaraanta

In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km

September 21, 2026
Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda

September 19, 2026
Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska

September 16, 2026
Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer
Beeraha Iyo Xoolaha

Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer

September 15, 2026
Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari

September 14, 2026
Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo
Wararkii u Danbeeyay

Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo

September 11, 2026
Next Post
Talaalka cudurka dabaysha oo kumanaan carruur ah lagu beegsaday

Talaalka cudurka dabaysha oo kumanaan carruur ah lagu beegsaday

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 22-SEP-2026

IDAACADDA 22-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 22-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-SEP-2026
September 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-SEP-2026
September 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-SEP-2026
September 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-SEP-2026
September 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-SEP-2026
September 18, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo