Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gabar Hargaysa ka hirgelisay shirkad samaysa kareemo dabiici ah

Radio Ergo by Radio Ergo
April 3, 2018
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Gabar Hargaysa ka hirgelisay shirkad samaysa kareemo dabiici ah

Mid ka mid ah kareemada ay soo saarto Muno/Ilyaas Cabdi/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Rayaan Organic ayaa sanadkii labaad soo saaraysa kareemada jirka iyo saliidaha madaxa. Shirkadda oo fadhigeedu yahay Hargaysa ayaa la aasaasay 2016 kii. Waa shirkaddii ugu horreysay ee nooceeda ah oo laga hirgeliyo deegaannada Somaliland.

Muna Magan oo ah gabadha hindistay shirkadda oo baratay cilmiga sayniska iyo nafaqaynta ayaa 2014 ka qalin-jebisay jaamacadda West Minister ee magaalada London.

Kareemada ay soo saarto shirkaddu oo dabiici ah ayaa laga sameeyaa geedka loo yaqaano Maringaha iyo dacarta. Muna ayaa sheegtay in arrintan ay ku dhalisay markii ay aragtay shaqo yarida haysata inta badan haweenka. isla markaana alaabada dibada laga keeno aan tayadooda la hubin iyadoo lacago qaaliga ah ay suuqyada Somaliland ku yimaadaan.

Kareemada ay iibiso Muno, ayay sheegtay in ay ka jaban yihiin kuwa dibadda laga keeno. Mashiin ay ka keentay dalka dibadiisa ayay u isticmaashaa samaynta kareemada iyo waliba qiyaasaha alaabaha isku-darka ah ee ay kareemadu ka samaysan yihiin.

Muno shaqada waxaa la qabta 19 qof oo 13 haween yihiin. Waxay u kala qaybsan yihiin qaar beera dhirta, kuwo qallajiya iyo qaar iib geeya. Dadkan ayaa ku shaqeeya $60 ilaa $200 qofkiiba.

“Muhiimada u weyn lacag maaha ee waa inaan haweenka Soomaalida tuso inay shaqeysan karaan,” ayay tiri Muno oo ku raja wayn inay ganacsigeeda sii ballaariso “waxaan qorshaynayaa wax Soomaaliya lagu sameeyey inaan dalal kale u dhoofin karo, si aan ula jaan qaadno kareemada caalamka,”.

Beer ku taalla Horo-haadley oo Hargaysa Waqooyi kaga beegan qiyaastii 50 km ayay ku beertay dhirta ay ka samayso wax soo saarkeeda. Toddobaadkii ayay samaysaa 50 xabo oo kareemo iyo saliido isugu jira, waxaana looga iibsadaa muddo kooban, sida ay Ergo u sheegtay.

Muna ayaa sheegtay in ay shacabka kala kulantay soo dhowayn diiran. Waxay intaas ku dartay in dhakhaatiirta ay ka talo geliso kareemada marka ay samayso, si loo hubiyo inaanay dhibaato u keenayn dadka. Hase yeeshee Dr. Nuux Bootaan oo ka howlgala isbitaalka Hargaysa ayaa Ergo u sheegay in geedaha ay isticmaalayaan aanay saamayn ku yeelan karin caafimaadka, kaddib markii baaritaanno sannadkii u dambeeyey la sameeyey lagu ogaaday in ay xanuuno badan ka dawo yihiin.

Dhalinyarada ayaa ah dadka ugu badan ee isticmaala kareemada iyo saliida ay soo saarto Rayaan Organic . Axmed Cabdrixmaan waxaa uu muddo shan bilood ah isticmaalayaa saliid laga sameeyey Maringaha. Wuxuu Ergo u sheegay in muddadaas uu dareemay isbedel iyadoo ay horay timihiisu u daadan jireen.

Wasaaradda Ganacsiga Somaliland ayaa sheegtay inay dhiiri-gelinayso dhalinyarada la yimaada hal abuurka cusub, isla markaana ay u fududayso ruqsadda shaqada. Cismaan Axmed Cali oo ka mid ah masuuliyiinta wasaaradda ayaa Raadiyo Ergo u sheegay inay dhalinyarada ku dhiiri-galiyaan tacabka ay gashadaan beeraha oo muhiimad wayn u leh kobacaha dhaqaalaha.

Inkasta oo aan wax soo saarka Muno wada gaarin deegaannada Somaliland oo dhan, haddana waxay qorshaynaysaa in mustaqbalka ay gaarsiiyo meelo ka baxsan Hargaysa.

Previous Post

Barnaamijka Dhakhtarka Raadiyaha

Next Post

Qoysas abaaraha ku cayroobay oo dib-u-dejin loo sameeyey

Related Posts

Dalag biyo la’aan awgeed u qalalay oo hubanti la’aan cunno biday beeraleyda Afgooye
Beeraha Iyo Xoolaha

Dalag biyo la’aan awgeed u qalalay oo hubanti la’aan cunno biday beeraleyda Afgooye

September 7, 2026
Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo

September 3, 2026
Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa
Cunto-Yaraanta

Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa

September 1, 2026
Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo

August 28, 2026
Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 27, 2026
Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha
Cunto-Yaraanta

Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha

August 25, 2026
Next Post
NABAAD-GUURKA PUNTLAND OO WAX LAGA QABANAYO

Qoysas abaaraha ku cayroobay oo dib-u-dejin loo sameeyey

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 07-SEP-2026

IDAACADDA 07-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 07-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-SEP-2026
September 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-SEP-2026
September 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-SEP-2026
September 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-SEP-2026
September 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-SEP-2026
September 3, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo