Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Boqollaal qoys oo abaaraha ku cayroobay oo dib-u-dejin loo sameeyey

Radio Ergo by Radio Ergo
April 3, 2018
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Boqollaal qoys oo abaaraha ku cayroobay oo dib-u-dejin loo sameeyey

Sawir hore/barakacayaal guryo looga dhisay Boosaaso/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Kun qoys oo ku cayroobay abaarihii labadii sano ee u dambeeyey ka jiray Somaliland ayaa markii u horraysay bishii Febraayo loo sameeyey dib-u-dejin. Xoolo dhaqatadan oo u soo barakacay magaalooyinka Burco, Caynabo, Ceel-afwayn iyo Oodwayne, ayaa 1000 guri oo ka samaysan labo qol oo jiingad ah looga dhisay xeryo barakac oo ku yaalla magaalooyinkaas.

Dadka guryaha loo dhisay waxay ka midyihiin 15,000 oo qoys oo xoolo-dhaqato ah oo sanadihii u dambeeyay usoo barakacay magaalooyinka, sida uu Raadiyo Ergo u sheegay agaasimaha waaxda dib-u-dajinta ee ha’yadda qaxootiga iyo barakacayaasha Somaliland.

Mashruuca dib-u-dejinta loogu sameynayo dadka abaaraha ku cayroobay waxaa iska kaashanaya ha’yadda qaxootiga iyo barakacayaasha Somaliland iyo NRC oo bixisay kharashka ku baxay guryaha.

Dadka nasiibka u helay guryahaas waxaa ka mid ah Maxamed Faarax Cismaan iyo qoyskiisa oo ka kooban toban qof. Guri ayaa laga siiyay xerada barakaca ee B ee ku taalla duleedka magaalada Caynabo ee gobolka Sool, halkaas oo uu sannadkii iyo lixdii bilood ee u dambaysay ay ku noolaayeen. Waxay ku noolyihiin raashin isugu jira bur, boorash iyo haruur oo ay sannadkii u dambeeyay ka bixinaysay xeradaasi hay’adda cunnada adduunka ee WFP.

Abaartii sannadkii hore ayay ku waayeen 200 oo ari ah. Waxaa uu ka soo barakacay Balidhiig oo dhinaca bari Burco ka beegan 90KM.

Ka hor intaanay helin guriga ay hadda ku nool yihiin, Maxamed iyo qoyskiisu waxaa hoy u ahaa aqal cooshad ah oo isla xerada ku yaalla; maadaama aanu wada qaadi karin ayuu qaar ka mid caruurtiisa dibada seexin jiray. Wuxuu sheegay inaanu ka celin jirin qorraxda iyo dabaylaha.

Guryaha waxaa loogu qaybiyay diiwaan-galin lagu sameeyay siddii ay xeryaha ugu soo kala horreeyeen. Dhammaan dadka guryaha la siiyay waxay u hoyan jireen guryo ka sameysan maro iyo qoryo. Iyadoo sida ay sheegeen xirada ay ka jirto ammaan darro, ka dhalatay tuugo xilliyada habeenkii ah u soo dhacda. Balse hadda kuwa guryaha helay ma qabaan welwelkaas, maadaama ay ku jiraan guryo ka samaysan jiingad.

Cabsidaas oo Maxamed ka hor istaagtay inuu wax badan ka maqnaado gurigiisa, ayuu hadda toddobaadka soo socda qorshaynayaa inuu magaalooyinka kale oo ay ka socdaan dhismayaal iyo ganacsiyo uu u xammaali tago. Taas oo uu sheegay inuu uga maarmi karo raashinka caawimaada ah ee xerada laga qaybiyo.

Cismaan Aadan oo ah aabaha lix caruur ah, isaga iyo qoyskiisa oo muddo labo sano ku dhow deganaa xerada barakaca ee Oodwayne ee gobolka Togdheer, ayaa 20 kii maalmood ee u dambeeyey ku nool yihiin guri jiigad ah oo ay ku wareejiyeen waaxda barakacayaasha iyo qaxootiga Somaliland iyo NRC.

Abaar daran oo saddexdii sano ee u dambeeysay ku haysay baadiye 40KM dhinaca waqooyi ka xiga Oodwayne ayuu sheegay inay kaga le’deen 250 ari iyo 30 neef oo geel ah. Raashinka wuxuu kala mid yahay dadka kale ee xerada ee WFP ay quudiso.

Xoolo-dhaqatada u soo barakacay magaalooyinka ayay masuuliyiinta waaxda qaxootiga iyo barakacayaasha Somaliland sheegtay in ay wado qorshe ay dadkaas ugu samaynayso dib-u-dejin ay uga baxaan nolosha adag ee ku haysata xeryaha dhexdooda.

Wajiga labaad ee mashruucan waxaa lagu dhisayaa 3000 oo guri kuwaasi oo xoolo- dhaqatada dib-u-dajin loogu sameynayo. sida uu Raadiyo Ergo u sheegay Maxamuud Maxamed Cali agaasimaha waaxda qaxootiga iyo barakacayaasha Somaliland.

Previous Post

Boqollaal qoys oo abaaraha ku cayroobay oo dib-u-dejin loo sameeyey

Next Post

Qiimaha xoolaha

Related Posts

Qoysas cayroobay oo cunno xumo ku wajahaya Cadaado oo ay maciin-bideen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas cayroobay oo cunno xumo ku wajahaya Cadaado oo ay maciin-bideen

January 20, 2026
Kismaayo: Haween barakac ah oo dhaqaale ka hela miro lagu quudiyo xoolaha
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kismaayo: Haween barakac ah oo dhaqaale ka hela miro lagu quudiyo xoolaha

January 19, 2026
Rag shaqooyin ka helay beeraha Muqdisho oo ku filnaaday nolosha qoysaskooda
Beeraha Iyo Xoolaha

Rag shaqooyin ka helay beeraha Muqdisho oo ku filnaaday nolosha qoysaskooda

January 16, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Heshiish laga gaaray colaaddii Xanan-buure oo soo kabasho u noqotay qoysas danyar ah

January 14, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Umulisooyin daryeel iyo talooyin caafimaad u sameeya haweenka ku nool Dhadhaab

January 13, 2026
Baydhabo: Arday waxbarasho la’aan noqday markii uu dab baabi’iyay iskuulkooda
Wararkii u Danbeeyay

Baydhabo: Arday waxbarasho la’aan noqday markii uu dab baabi’iyay iskuulkooda

January 12, 2026
Next Post
Qiimaha xoolaha

Qiimaha xoolaha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 20-JAN-2026

IDAACADDA 20-JAN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 20-JAN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-JAN-2026
January 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-JAN-2026
January 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-JAN-2026
January 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-JAN-2026
January 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-JAN-2026
January 15, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo