Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Abaarta oo saameysay farasamo-yaqaannadii agabka u sameyn jiray reer-miyiga

Radio Ergo by Radio Ergo
April 4, 2018
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Abaarta oo saameysay farasamo-yaqaannadii agabka u sameyn jiray reer-miyiga
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Rag ku shaqeysan jiray farsamada bir-tumista oo ay tiradooda gaarayso 950 ayaa lixdii bil ee u dambeysay shaqooyinkooda joojiyay. Abaaraha ayaa saameeyay reer-miyiga oo ka iibsan jiray agabka ay farsameeyaan. Raggan oo ku sugan magaalada Hargeysa ayaa soo saari jiray qalabka loo adeegsado qodista ceelasha, keydinta biyaha, gowraca xoolaha, goynta geedaha, dhisidda aqallada iyo xeryaha xoolaha.

“Noloshayadu waxay ku xirneyd reer-miyiga, markii ay barakaceen annagana wax wax naga gata waan weynay,” ayuu yiri Deeq Maxamed Cali oo guddoomiye u ah Shirkadda Birmaal Work Shop oo ay ku mideysan yihiin dadka bir-tumista uga shaqeysta Hargeysa. Xoolo-dhaqatada iyo beeraleyda ayaa iibsiga agabkan u joojiyay abaaraha ku habsaday labadii sano ee la soo dhaafay.

Deeq ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in ragga ay shaqo-la’aanta soo wajahday ay guryaha iska fadhiyaan, isla markaana ay ku adkaatay biilista qoysaskooda iyo bixinta waxbarashada carruurtooda.

Cabdi Mire Aadan oo ah aabbaha toddobo carruur ah ayaa farsamo-yaqaannadaas ka mid ah. Waxaa uu shaqada joojiyay shan bilood ka hor markii ay soo wajahday suuq-xumo. Bishii Diseembar ee sanadkii hore ayaa laga saaray guri saddex qol ka kooban oo jiingad ahaa, kaddib markii uu awoodi waayay inuu bixiyo $90 oo kirada ah. Hadda wuxuu qoyskiisu ku hoydaa aqal cooshad ah oo uu uga dhisay dhul yar oo xaafad ay dadka saboolka ah degaan ka siiyay nin ay ilmo-adeerro yihiin.

Ninkan oo xirfadda bir-tumista ku shaqeysan jiray labaatankii sano ee u dambeysay ayaa maalintii heli jiray lacag u dhaxeysa $30 ilaa $50 marka laga iibsado noocyo kala duwan oo agabka uu sameeyo ah. Laakiin hadda wuxuu baryo ku raadiyaa raashinka ay qoyskiisu cunaan. Waxaa xitaa lagu leeyahay $72 oo ah lacagta ay lixdii bil ee u dambeysay dugsi Qur’aanka ku dhiganayeen afar ka tirsan carruurtiisa.

“Markii hore nin qani ah oo wax haysta ayaan ahaa. Kuwii aanu ku noolayn ayaan nolol helin annagu xaggeen ka heli? Waan iska joogaynaa uun Ilaahay ayaa howlaha kala dabbariye,” ayuu yiri Cabdi.

Farsamo-yaqaannada weli suuqa aan ka bixin ayaa nolol-maalmeedka qoysaskooda ka raadiya agabka magaalada laga isticmaalo sida burjikooyinka (girgiraha). Girgiraha oo ay ka sameeyaan gasaca caanaha laga dhameysto ayay xabbadii siistaan $1.

Muxyadiin Xirsi ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in toban gudmood oo uu bishii hore sameeyay aanay cidi ka iibsan. Qoyskiisa oo ka kooban saddex carruur ah iyo hooyadood ayuu xusay inay wajahayaan nolol adag. Kuma filna saddexda waqti inay raashin ku iibsadaan $3 oo uu biil ahaan u siiyo marka laga gato girgireyaasha.

“Abaarta ma saameyn oo keliya dadka xoolaha haysta. Dadkaas ay xoolaha ka dhamaadeen ayaan la mid nahay, iyagii ayaa dhibban annaguna waanu ognahay xaaladda ay ku sugan yihiin,” ayuu yiri.

Wuxuu aaminsan yahay in noloshooda ay caadi ku soo noqon doonto marka abaarta laga baxo oo xoolaha ay iib u yeeshaan reer-miyiga, markaas oo ay suuragal tahay inuu dib u awoodo $10 oo maalin kasta uu qoyskiisa siin jiray.

Previous Post

Muqdisho: In ka badan 20 arday oo ku sumoobay jallaato ay cuneen

Next Post

BARNAAMIJKA BEERAHA

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qorshe lagu horumarinayo Muqdisho oo il-dhaqaale u noqday qoysas barakac ah

July 17, 2026
Nolol xumo haysa ragga leh gaari-dameerada markii Hargaysa loo sameeyay biyo-galin
Wararkii u Danbeeyay

Nolol xumo haysa ragga leh gaari-dameerada markii Hargaysa loo sameeyay biyo-galin

July 17, 2026
Cunno xumo ka dhalatay ayax burburiyay dalag u beernaa beeraleyda Mudug
Beeraha Iyo Xoolaha

Cunno xumo ka dhalatay ayax burburiyay dalag u beernaa beeraleyda Mudug

July 13, 2026
Nin fursad ganacsi u beddelay fikrad uu ka helay dhageysiga Radio Ergo
Wararkii u Danbeeyay

Nin fursad ganacsi u beddelay fikrad uu ka helay dhageysiga Radio Ergo

July 10, 2026
Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye

July 8, 2026
Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen

July 7, 2026
Next Post
Beeralleyda waraabka degmada Luuq oo dalag wanaagsan goostay

BARNAAMIJKA BEERAHA

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-JUL-2026

IDAACADDA 17-JUL-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-JUL-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-JUL-2026
July 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-JUL2026
July 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-JUL-2026
July 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-JUL-2026
July 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-JUL-2026
July 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo