Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Webiga Jubba oo biyo badan keenay ayaa sababay inuu aad hoos ugu dhaco qiimaha khudaarta

Radio Ergo by Radio Ergo
March 26, 2018
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Baardheere: Fatahaad shaqo la’aan dhigtay boqollaal haween ah

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Khudaar aad u badan oo ka soo go’day beeraha ayaa soo gashay suuqyada degmada Baardheere ee gobolka Gedo, taas oo ka dambeysay markii uu horraantii bishan biyo badan keenay webiga Jubba. Hoos-u-dhac weyn ayaa ku yimid qiimihii lagu kala iibsanayay khudaarta labo bil ka hor. Waxaa suuqyada isku soo gaartay khudaarta soo go’eysa oo ka badan baahida dadka deegaanka, hase yeeshee waxay tani dhibaato ku tahay beeraleyda yaryar oo intii biyo-yarida lagu jiray galay kharash badan oo shidaal ah.

Beerahan oo la tacbay saddex bil ka hor ayaa laga cabsi qabay in wax-soo-saarkooda uu hoos u dhaco iyadoo ay sababtu tahay webiga oo biyo-yareeyay. Khudaartu way dhiman ogtahay haddii aysan joogto u helin waraab. Guddoomiyaha Iskaashatada Beeraleyda Baardheere, Maxamed Cabdiraxmaan Matow ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in beeraleyda oo ku dadaalaya waraab u helista khudaartooda ay tubbooyin dhaadheer iskula xiriiriyeen webiga iyo dhul-beereedka.

Wuxuu intaa ku daray in saddexdii bil ee u dambeysay la howlgeliyay 350 matoor oo biyaha webiga u soo jiidayay dhul-beereed uu ku qiyaasay 10,000 oo hektar.

“Waxaan is lahaa dhiisha faqriga ayaad tuureysaa [markii ay khudaarta ii soo go’day], balse kharashkii aan ku keenay ayaaba la igu yeeshay,” ayuu yiri Cabdullaahi Cabdirisaaq oo ka mid ah beeraleyda suuqa keensatay khudaarta. “Suuqu maanta maalin uu ka xun yahay ma jirto,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Beer uu cabbirkeedu yahay 10 hektar ayuu ku leeyahay tuulada Xagar-buulle oo 13 km u jirta Baardheere, taas oo siddeed hektar oo ka tirsan uu ka goostay khudaar kala duwan. Khudaarta soo go’eysa waxaa ka mid ah; yaanyada, bocorka, mooska, qaraha, liin-dhanaanta, begelka iyo barbarooniga.

Tanagga yaanyada ah oo bishii hore ahaa Sosh175,000 ($7.6) wuxuu hadda marayaa Sosh20,000 oo ka yar hal doollar. Tanagga liin-dhanaanta ah oo hadda lagu kala iibsanayo Sosh23,000 ($1) wuxuu horay u ahaa Sosh60,000 ($2.6).

Beeraleyda waxay u arkaan khasaaro laakiin dadka kale ee deegaanka waxay u arkaan fursad wanaagsan. Saciid Xuseen oo deggan Baardheere ayaa Raadiyo Ergo u sheegay inay tani wax weyn ka beddeshay nolosha qoysaska danyarta ah.

Wuxuu xusay in khudaarta oo qaali ahayd ay sababi jirtay in biilka qoyskiisa aysan waxba ka soo harin ama deyn loo raacan jiray, hase yeeshee hadda uu isbeddel weyn dhacay oo lacagta ay adeegga khudaarta ugu talagalaan ay uga soo harto mid ay ku kaban karaan cunnooyinka kale.

Khudaarta oo aan keyd geli karin, qaarkeedna aan oolli karin wax ka badan toddobaad ayaa beeraleyda yaryar khasab uga dhigeysa inay ku iibsadaan qiimo kasta oo ay ku helaan, balse beeraleyda waaweyn ayaa fursaddan uga faa’ideysanaya inay u suuq-geeyaan magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo. Waxay buuxinayaan kaalinta ay banneeyeen gobollada uu maro webiga Shabeelle oo qallalnaa bilihii u dambeeyay ee kala ah Shabeellaha hoose iyo Shabeellaha dhexe.

Previous Post

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya: Cudurka qaaxada qiyaastii waxaa qaba dad ka badan 62,000 oo qof

Next Post

Qiimaha xoolaha

Related Posts

Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda

September 19, 2026
Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska

September 16, 2026
Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer
Beeraha Iyo Xoolaha

Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer

September 15, 2026
Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari

September 14, 2026
Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo
Wararkii u Danbeeyay

Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo

September 11, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Barakicin qasab ah oo nolol xumo galisay qoysas laga saaray xeryaha Baydhabo

September 10, 2026
Next Post
Qiimaha xoolaha

Qiimaha xoolaha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 20-SEP-2026

IDAACADDA 20-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 20-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-SEP-2026
September 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-SEP-2026
September 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-SEP-2026
September 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-SEP-2026
September 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-SEP-2026
September 16, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo