Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

Shuban-biyood ka dhashay nadaafad-darrida biyo-yarida oo ku faafaya Shabeellaha dhexe

Radio Ergo by Radio Ergo
March 8, 2018
in Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
Dad u dhintay cudurka shuban biyoodka magaalada Jowhar

Bukaan shuban-biyood loo seexiyay bannaanka isbitaalka markii ay teendhooyinka ka buuxsameen/Maryan Sheekh Cabdi/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Shan qof oo saddex ka tirsan ay carruur ahayd ayaa labadii toddobaad u dambeysay shuban-biyood ugu geeriyootay isbitaalka Intersos ee magaalada Jowhar. Tiro intaas ka badan ayaa laga soo sheegayaa inay ku dhinteen tuulooyinka, laakiin waxaa adag in la helo ilo caafimaad oo xaqiijisa. Isbitaalka Jowhar waxaa lagu daweynayaa 38 qof oo kale oo intooda badan ay carruur yihiin.

Bukaannada uu shubanka soo ridanayo waxaa isbitaalka gudihiisa looga dhisay shan teendho oo lagu wareejiyay xeyndaab leh hal albaab oo laga galo iyo mid kale oo laga baxo. Qof kasta oo bukaannada booqanayana waxaa laga codsadaa inuu lugaha ku dhaqdo biyo leh milanka kolariinka si uusan cudurka u qaadin. Bukaannada qaar waxaa la seexiyay geedaha hoostooda markii ay teendhooyinka ka buuxsameen.

Agaasimaha isbitaalka Intersos, Cabdiraxmaan Cali Cabdiraxmaan ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in faafista shubanka ay sabab u tahay biyo wasaqeysan oo ay dadku cabaan. Xaafadaha Jowhar qaar iyo tuulooyinka bukaannada laga keenayo waa meelaha uu maro webiga guray ee Shabeelle. Dadku waxay cabaan biyo nadaafad ahaan aan wanaagsaneyn oo ay kala soo baxaan godad ay ka qotaan meelaha uu webigu mari jiray. Biyo-la’aantu waxay sidoo kale saameyn guud ku yeelatay nadaafadda guryaha iyo weelasha wax lagu cuno.

Wuxuu dadka tuulooyinka ku sugan ka codsaday inay isbitaallada dhaqso u soo gaarsiiyaan haddii saddex jeer wax ka badan ay shuban iyo matag ku arkaan qof ehelkooda ah. Hay’adaha nadaafadda ka shaqeeya iyo maamulka Hirshabeelle ayuu sidoo kale ka codsaday inay ka shaqeeyaan sidii ay tuulooyinku u heli lahaayeen biyo nadiif ah iyo musqulo si loo xakameeyo faafista cudurka.

Tuulooyinka la xaqiijiyay inuu cudurka ku faafayo waxaa ku jira; Tugaarey, Gololey, Madax-gisi, Labo-waab, Raqayle, Ceelcadde, Jamaaco iyo Cali-waraabey oo dhammaan hoostaga Jowhar.

Dadka bukaannada kula jira isbitaalka waxaa ka mid ah Calasow Geeddi Culusow oo la jooga walaashiis oo 27 jir ah iyo walaalkiis oo 30 jir ah, kuwaas oo uu labadii Maarso ka keenay tuulada Ceel-cadde oo 45 km galbeed uga beegan Jowhar. Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in la siiyo dawooyin bilaash ah oo ay faleembooyin ku jiraan, xaaladdoodana ay soo hagaageyso.

Wuxuu xusay in hal habeen uu labadoodaba shubanka ku dhacay xilli ay ku mashquulsanaayeen sagaaro dabasho – waa shaqo cusub oo ay nolol ka raadinayeen bilihii u dambeeyay sidii ay beeraha uga qallajisay abaarta. Wuxuu magaalada ku keenay gaari uu ku soo kireystay lacag hal milyan oo shilin Soomaali ah ($42.5), lacagtaas oo Shso600,000 ka mid ah weli lagu leeyahay.

Wuxuu noo sheegay in tuuladooda ay shuban ugu dhinteen toddobo qof.

Sidoo kale Faay Xaaji Cali oo ku sugan tuulada Tugaarey oo 7 km u jirta Jowhar waxay Raadiyo Ergo telefoonka ugu sheegtay in saddex maalmood ka hor uu seygeeda dhintay markii uu shubmayay, isla markaana matagayay labo maalmood. Wuxuu qoyskeedu ka mid yahay dadka caba biyaha godadka laga soo saaro. Laakiin labada tuulaba kuma yaallaan xarumo caafimaad oo laga xaqiijiyo jiritaanka cudurka iyo dhimashooyinka la sheegay inuu sababay.

Previous Post

Barnaamijka Dalandool

Next Post

Wareysi: Xoolo dhaqato ku dhibaateysan bariga Hargeysa

Related Posts

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 15, 2026
Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
Next Post
NABAAD-GUURKA PUNTLAND OO WAX LAGA QABANAYO

Wareysi: Xoolo dhaqato ku dhibaateysan bariga Hargeysa

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 16-MAY-2026

IDAACADDA 16-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 16-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-MAY-2026
May 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-MAY-2026
May 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-MAY-2025
May 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo