Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Roobab ka da’ay Buur-hakaba oo lagu diirsaday

Radio Ergo by Radio Ergo
March 22, 2018
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Ka faaíidaysiga biyaha roobabka

Kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Roobabkani waxay biyo geliyeena laba warbiyood oo lagu kala magacaabo Warta Dowladda iyo Warta Hiska. Warahaan oo ahaa isha biyaha ay ka hesho Buur-hakaba waxay qalaleen 7 bilood ka hor,waxayna markaas noqotay in qiimaha biyaha ay afar goor kor u kacaan oo foostadii la kala siisto 80 kun oo shilinka Soomaaliga ah.

Jilaalka ka hor fuustada ayaa joogtay 18 kun oo shilinka. Xilligaas inta badan bulshada waxay awood u lahaayen in ay ku iibsadaan, hase yeeshee arrinta ayaa xumaatay oo qoysaska kaddib  markii kuleylku batay oo masaafada biyaha qaaliga ah laga helayo ay meel sare gaareen.

Waxaana dadka danyarta ah dhib ku aheyd in ay iibsadaan biyaha, taasin waxay ku khasabtay in dushooda ay ku soo dhaansadaan, iyagoo jirikaano ula lugaynaya 20 km masaafo u jirta oo ku qaadanaysay 6 saacadood in ka badan oo socod ah. balse hada waxay u wareegeen labada waroob ee roobabkii laba maalin ka da,ay Buur-hakaba biyo geliyeen.

Deeqa Maxamed Macalin waxay ka mid tahay haweenka dhibaatada ku qabey doonista biyaha oo jirgaano dhabarkeeda kaga aroori jirtey meelo u jira 30 KM, balse hada mudo sedex maalin way ka nasatey kaddib markii warihii degmada biyo galeen halkaasna ay qoyska uga dhaamiso. Duruufo dhaqaale darteed fuustada biyaha oo 70 ilaa 80 Kun gaareysa ma aysan awoodin iney iibsato waatan iyadoo ka hadlaysa isbadelka roobabka da’ay noloshooda ku keeney.

“Ilaahay ayaa noo nimceyey, maalmo ilaa afar ah ayaa wadney roobdoon alle bari ah, isma laheyn kuleylkan oo Maarso lagu jiro ayaa roob heleysan waa nasaney, warihii ayaa hada biyaha ka helnaa, waana ka nastay aroorkii dheeraa, todobaadkii hore oo dhan waxaa ka socdey degmada roob doon la isugu soo baxay,” ayay tiri.

Dhibaatada biyaha helistooda loo marayay ayaa ahaa saacado badan oo socod ah, feelka inta lagu jiro oo dadkii qaar habeenkii ay biyo dhaamisku ku gaarayay iyo kuwo intaas oo dhan silica biyaha helistooda loo marayo aan awoodin oo nasiibku saacidayey maadama ceelasha biyaha lagu dhaansado lacago. taasn xitaa aysan awoodin oo reeraha biyaha helaa u baryo tagayay.

Muumin Maxamed Cabdiqaadir wuxuu Ergo u sheegey in qoyskiisa oo ka kooban lix ruux toddobadkii oo dhan ay hal fuusto oo biyo ah ku isticmaali jireen cunto karinta sida uu sheegey.

“Roobka da’ay labadii maalin runtii wuxuu ahaa mid aad uga qaboobsaney oo dhibaatdii biyaha aan ku heli jirney kaga baxney, markiiba fuustada biyaha oo joogtay 80 kun ayaa hoos uga soo dhacey sidiisii hore oo waxaa uu joogaa 25 kun oo shilin oo arrin aad loogu farxo, xoolihii ayaa warihii iyagana cabaya,”.

Maxamed Nuur Cali wuxuu ka mid yahay odoyaasha degmada Buur-hakaba wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in heerka biyo la’aanta degmada ay gaartey meel xun, ayna jireen dad sabool ah oo aan aroori karin, biyana gadan karin, ayna ka odayaal ahaan samaynayeen biyo dhaamis, taasina hadda istaagtay.

Isagoo warkiisa wata ayuu sheegey in biyaha hadda  labada warood galey bulshada ku simayaan ilaa todobaad hadda kadib ah.

“Bulshadan iyadoo is bixineysey muddo lix bilood ah oo biyo in laga helo ugu danbeysey waraha degmada, laakiin qofba tabartiis iyo is caawin ayaa heerkan lagu gaarey,qoysaska qaar meeshii ay biyo ka heli karaan ayay u barakaceen,marka waxan rajeyneynaa inta yar ee hadda waraha noogu jira iyagoo dhammaan in roobab kale heli doono insha allaah”.

Guddoomiyaha degmada Buur-hakaba Ibraahin Maxamed Nuur  ayaa sheegey in warihii hadda ay noqdeen kuwo dadka iyo xoolaha si nabad gelyo ah uga cabaan, iyadoo degmada roob ugu dambaysay muddo toddobo bilood ka hor ah ,ilaa xiligaas ayuu sheegey in degmada Jilaal daran ka jirey.

Previous Post

Qiimaha Xoolaha

Next Post

Wiil ahaan jiray darbi-jiif oo macallin noqday

Related Posts

blank
Caafimaadka

Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley

June 4, 2026
Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 2, 2026
Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday

May 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
Next Post
Wiil ahaan jiray darbi-jiif oo macallin noqday

Wiil ahaan jiray darbi-jiif oo macallin noqday

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 04-JUN-2026

IDAACADDA 04-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 04-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-JUN-2026
June 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-JUN-2026
June 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 31-MAY-2026
May 31, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo