Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Muran siyaasadeed oo hor taagan inay gargaar helaan kumannaan qoys oo ay saameysay abaarta Somaliland

Radio Ergo by Radio Ergo
March 6, 2018
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Qoysas ay abaarta saameysay oo aan weli helin deeqda guddiyada gurmadka ee gudaha

Keydka Sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Soddon kun oo qoys oo ku nool lix deegaan oo muran siyaasadeed oo dhinaca maamulka ah uu ka taagan yahay ayaan helin gargaarka la siinayo qoysaska ay abaaraha saameeyeen ee Somaliland. Deegaannadan oo ka tirsan meelo ay Somaliland bishii Jannaayo uga dhawaaqday xaaladda degdegga ah, waxaa muddo ka badan 20 sano ku muransan maamullada gobollada Waqooyi-galbeed iyo Awdal. Kama shaqeeyaan hay’adaha dadka caawiya ee Somaliland iyo kuwa gargaarka ee caalamiga ah.

“Cid aanu wax uga doonno ma naqaanno, dadkii waanu ku jahawareernay, labada dhinacba way seegeen, iyadoo tuulooyinka nagu xiga raashin la geynayo ayaanu halkan iman karin gaadhiga gargaarka. Waa muran nolosha dadka saameeyay oo aanay cidna eegeyn,” ayuu yiri Xasan Cismaan Xirsi oo ah guddoomiyaha tuulada Cabdi Geeddi oo ka mid ah deegaannada aanu gargaarku gaarin.

Lughaya oo 45 km u jirta Cabdi Geeddi waxaa laga qaybiyay gargaar raashin iyo biyo ah bishii hore. Sababta aan deegaannada lixda ah loo geyn ayaa lagu sheegay in la waayay cid gobol ahaan lagu wareejiyo raashinka, iyadoo dadka deegaanka laftigoodu ay isku hayaan dhinaca ay maamul ahaan ka tirsan yihiin.

Dowladda Somaliland ayaa gargaarka ay ka hesho hay’adaha caalamiga ah ku wareejisa maamullada gobollada oo ku sii wareejiya kuwa degmooyinka si ay ugu qeybiyaan qoysaska u baahan ee deggan tuulooyinka ay maamulaan. Hase yeeshee maaddaama aanay jirin lixdan deegaan cid gacanta ku haysa maamul ahaan gargaar looma qoondeeyo.

Guddoomiye Xasan ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in waqtigan baahida ugu weyn ee ay dadku qabaan ay tahay inay helaan gargaar cunto, biyo iyo adeegyo caafimaad. Dadka oo intooda badan dhexdooda isu caawiya ehel ahaan ayaa cuna hal waqti, tuulooyinka qaar waxaa laga soo sheegayaa cudurro uu shuban-biyood ka mid yahay, mana ka jiraan adeegyo caafimaad.

Deegaannadan oo aan roob helin saddexdii sano ee u dambeysay waxaa ka jirta abaar daran oo keentay cunto-yari, biyo-yari iyo in reer miyiga ay xoolaha ka dhamaadaan.

Busaad Riyaale oo ah hooyada shan carruur ah oo agoon ah ayaa ka mid ah qoysas ka soo hayaamay dhul miyi ah oo soo degay deegaanka Bildhaalay oo ka mid ah deegaannada lagu muransan yahay. Boqol iyo labaatan ari ah oo ay lahayd waxaa uga soo hartay toddobo neef oo keliya oo ay halkan ku haysataa, intii kale labadii sano ee u dambeysay ayay ku waysay daaq la’aanta iyo harraadka ka dhashay abaarta.

Lix bilood oo ay deegaankan joogto labo goor ayay iib u waysay xoolaha u haray diifta ay abaarta ka qaadeen awgeed. “Cid rajo kama sugeyno waan iska fadhinnaa meesha meel aan tagno garan mayno,” ayay telefoonka ugu sheegtay Raadiyo Ergo.

Isbitaallada ugu dhow ee ay adeegyo caafimaad ka heli karaan waxay ku yaallaan Boorama oo u jirta 80 km iyo Hargeysa oo u jirta 90 km.

Deegaannadan aan gargaarka loo gaarsiin karin muranka siyaasadeed ayaa kala ah Xayaabley, Ceel-la-helay, Ceel Sheekh, Cabdi Geeddi, Bildhaaley iyo Saley.

Guuleed Axmed Jaamac oo ah madaxa xarunta xuquuqal-insaanka ee Somaliland oo ku sugan Hargeysa ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in muranku uu keenay in ay dadku waayaan xuquuqo aasaasi ah oo ay u baahan yihiin waqti aad u adag.

“Dhul ahaan ciddii u xukumaysay ayaa meesha ka baxday markii muranka gobollada la xalin kari waayay ee mid waliba uu dhinaciisa u sheegtay ayaa la xayiray,” ayuu yiri. “Haddii Hargeysa raashin laga qaado gobolkii kale ayaa hadlaya, haddii Awdal laga keeno Hargeysa ayaa hadlaysa.”

Dadka qaar xoolahooda oo weli suuq leh ayay raashin ku beddelanayaan. Carte Maxamed Obsiiye oo qoyskiisa uu ka kooban yahay lix qof, labadii bil ee u dambeysay waxay ku noolaayeen 50 kg oo bariis ah oo ay u goysay lacagtii laga siistay labo neef oo laga iibsaday. Wuxuu noo sheegay in saddexdii maalinba mar ay labadii wiil oo 14 jir iyo 15 jir kala ah mid 20 litar oo biyo ah kala soo lugeeyaan ceel u jira 20 km.

Laakiin wuxuu aaminsan yahay in aysan sidan muddo dheer ku sii jirin karin oo ay u baahan yihiin gargaar bani’aadannimo. “Runtii haddii ay sidan xaaladdu ku sii socoto dad iyo duunyo meesha waanu ku madhan oo dhibaato siyaadday ayay nagu sii noqonaysaa,” ayuu yiri. 130 ari ah oo uu lahaa abaarta ka hor waxaa uga badbaadday 40 neef oo keliya oo uu ku haysto xero lagu barakacay oo ku taalla Bildhaaley.

“Dadku waa inay iyagu isku tashadaan oo ay dhinac ka mid noqdaan, xaalad in la siyaasadeeyo maaha waa umad dhan mustaqbalkeed,”

Guuleed wuxuu aaminsan yahay in xukuumadda dhexe aanay gobollo ku halleyn dadkaasi ee ay raashinka gaadhsiiyaan madaxwaynaha Somaliland iyo ku-xigeenkiisu inta xal rasmi ah looga helayo muranka dhulka.

Previous Post

Qiimaha xoolaha ee maanta

Next Post

Waraysi ku saabsan shirka arrimaha baniaadanimo ee London maanta ka dhacay

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Dhegeyso sheekada LAMA HURAAN.

Waraysi ku saabsan shirka arrimaha baniaadanimo ee London maanta ka dhacay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 16-APR-2026

IDAACADDA 16-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 16-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo