Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Kumannaan arday ah oo waxbarashada uga tagay lacag laga dhigay dugsiyadii bilaashka ahaa ee Hargeysa

Radio Ergo by Radio Ergo
March 21, 2018
in Wararkii u Danbeeyay, Waxbarashada
0
Kumannaan arday ah oo waxbarashada uga tagay lacag laga dhigay dugsiyadii bilaashka ahaa ee Hargeysa

Ardayda dugsiga Aadan Dhamac ee Hargeysa/Ilyaas Cabdi Cali/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Arday ay tiradooda gaarayso 4,500 oo ku sugan Hargeysa ayaa waxbarashada ka tagtay tan iyo horraantii sanadkii 2017. Qoysaska ay ka soo jeedaan oo sabool ah ayaa awoodi waayay bixinta lacag ay qaadashadeeda billaabeen dugsiyada hoose-dhexe ee ay maamusho dowladda Somaliland oo markii hore bilaash ahaa. Waaxda tirakoobka ee wasaaradda waxbarashada Somaliland ayaa noo xaqiijisay jiritaanka arrintan iyo tirada carruurta waxbarashada, iyadoo u sababeysay macallimiinta oo uu ku filnaan waayay mushaarka dowladda.

Waaliddiinta ardaydan oo nolol-maalmeedkooda kala soo baxa ganacsiyada iyo shaqooyinka yaryar sida; nadaafadda guryaha, xamaaliga iyo waxyaabaha la midka ah ayay ku adkaatay bixintan lacagtaas. Ardaygiiba waxaa bishii laga rabaa $2.5.  Waa lacag aad u yar laakiin waalidiinta carruurta badan ay u dhigtaan oo nolosha soo helidooduba ay ku adag tahay ayaa xamali waayay.

Siraad Cabdi Xasan oo ah hooyada shan carruur ah ayaa ka mid ah waaliddiintaas. Waxay lix bil ka hor waxbarashada ka reebtay saddex ka tirsan carruurteeda oo dhigan jiray dugsiga hoose-dhexe ee Naasa-hablood ee Hargeysa. Labo bil oo ka horreysay intii aysan ka saarin iskuulka ayaa loo soo eryay lacagta oo ay bixin waayeen awgeed.

Carruurteeda waxay markii ugu horreysay dugsiga gaysay sanadkii 2011 markaas oo dowladdii hore ee Somaliland ay bilaash ka dhigtay waxbarashada hoose-dhexe ee dugsiyada ay maamusho.

“Bariiskooda ayaan dirqi ku helaa ee xaggeen ka keenaa lacag ay wax ku bartaan?,” ayay tiri. Waxay sheegtay in aysan awoodin bixinta $7.5 oo saddexdeeda carruurta ah ay tahay inay bishii bixiyaan. Hooyadan oo keligeed korsata carruurta oo ay aabbahood kala tageen ayaa moos ay iibiso ka hesha $1 ilaa $2 maalintii. Lacagtaas ayay xustay in aysan ka badneyn raashinkooda oo xitaa ay ku adag tahay bixinta kirada guriga oo bishii ah $20.

Waaliddiinta ayaa markii hore bixin jiray dharka iskuulka iyo buugaagta, kamana aysan walwali jirin wax intaas dhaafsiisan oo la xiriira waxbarashada.

Dugsiyada gaarka loo leeyahay ee magaalada Hargeysa waxaa bishii lagu dhigtaa lacag u dhaxeysa $10 ilaa $25. Qoysas badan oo bixinta lacagtaas aan awoodin ayaa dugsiyada dowladda u dirayay carruurtooda lixdii sano ee u dambeysay iyagoo ka faa’ideysanaya waxbarashada bilaashka ah, laakiin bilihii u dambeeyay ayay tirada ardayda aad hoos ugu dhacday.

Macallimiinta oo dowladda ay mushaar ahaan u siiso $70 ayaa la sheegay in markii ay lacagtaas ku filnaan waysay loogu daray $50 oo ka imaaneysa lacagta laga qaado waalidka. Weriyaha Ergo ee Hargeysa ayaa sheegaya in arrintan aysan ku koobneyn magaalada, balse ay sidoo kale saameysay dhammaan dugsiyada ay maamusho dowladda. Hase yeeshee dugsiyada sare ee dowladda oo lacag ah waxaa bishii ardayga laga qaadaa $8.

Agaasimaha wasaaradda waxbarashada Somaliland, Maxamed Faarax Xareed ayaa Raadiyo Ergo u sheegay inay qorsheynayaan bisha May in ay mushaarka u kordhiyaan macallimiinta si loo joojiyo lacagta laga qaadayo waalidka.

Previous Post

In kabadan saddex kun oo carruur ah oo ka shaqeysa gudaha suuqyada Hargeysa

Next Post

Mudug: Waxbararasho bilaash ah oo laga hirgeliyay Gal-barwaaqo

Related Posts

Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo

June 23, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 22, 2026
Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah

June 19, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qiimo la’aanta ku dhacday lacagta dalka oo wiiqday rajada ganacsatada Baydhabo

June 18, 2026
Haweenay qurbojoog ah oo shaqo iyo xirfad u abuurtay xoolo-dhaqatada Soomaaliland
Beeraha Iyo Xoolaha

Haweenay qurbojoog ah oo shaqo iyo xirfad u abuurtay xoolo-dhaqatada Soomaaliland

June 16, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku nool Dhuusomareeb oo nolol xumo haysay uga baxay ka ganacsiga birta duugga ah

June 15, 2026
Next Post
Iskuullo waxbarasho iyo cunto ku caawiya agoonta ay qoysaskooda ku ceyrtoobeen abaarta

Mudug: Waxbararasho bilaash ah oo laga hirgeliyay Gal-barwaaqo

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 25-JUN-2026

IDAACADDA 25-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 25-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-JUN-2026
June 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-JUN-2026
June 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-JUN-2026
June 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-JUN-2026
June 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-JUN-2026
June 21, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo